Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Hooyooyinka degmada Matabaan oo silic kala kulma isbitaal la’aan degaanka ka jirta

Radio Ergo by Radio Ergo
December 31, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaxootiga xeryaha Dhadhaab oo soo fahmaya faa`iidada xarumaha caafimaadka

Sawir/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shamso Faarax Maxamed oo haysta 7 Carruur ah, uurna leh, ayaa ka welwelsan xaalkeeda maadaama degmada Matabaan aysan ku oollin xarun caafimaad oo ay ka heli karto adeegyada hooyada iyo dhallaanka.

Cabsida ayey sheegtay in ay ku korartay kadib markii ay aragtay haween badan oo degmada iyo deegaanada kale ee hoosyimaado ku noola oo inta ay xanuunsadeen loo qaaday degmooyinka Baladweyne iyo Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo dhaibaatooyin kala kulmay mudadii ay wadada kusii jireen.

“Wax xarun caafimaad oo aan caawa ka heli karo Matabaan majirto, farmashiyaasha qofka dhiig baxaa dhiig joojin ayaa lagugu sii dhufanaa kabacdiina gaari ayaa lagula sii cararayaa, wax kale oo ay kuu qaban karaan oo ay kuu awoodan majirto welwel weyn ayaan ka qabnaa. Matanaan intaas oo deegaan ayaa hoostimaado, waxaana ku fikirnaa sidaan mar uun isbitaal ku heli laheyn.”

MCH yar oo ku yaalla gudaha degmada ayaan shaqayn labadi bil ee u dambaysay, kadib marki uu hakad  galay dhaqaalihii. Aamino Daahir oo ah Madaxa caafimaadka degmada Matabaan ayaa Radio Ergo uga warantay dhibaatooyinka ka dhashay isbitaal la’aanta ka jirta degmada iyo deegaanada kale ee hoos yimaado.

Waxay sheegtay in dhowaan haweenay ku foolatay gudaha magaalada waxna laga qaban waayey si deg ah loogu qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Guriceel.

“Baabuur ayaa lagu qaaday oo Guriceel ayaa laga gaarsiiyey. Dhaqterkii markii aan ugeeynay waxaa nagu dhahay gabertan 10 daqiiqo haddii aad lasii maqnaa laheeden xaaladeeda halis ayey gali laheyd, canugii waa ku dadban yahay ayuu dhahay, ma foolan karin ayuu dhahay. Dhiig ayaa lagu xiray habeenkii markii laga qaaday afar saac habeenimo ayey aheyd sagaalkii saac qaliinka ayaa lagu sameeyey canug ayaa laga soo saaray.”

Marka laga soo tago adeeg la’aanta caafimaad waxaa dadka u sii dheer kharashka lagu raacayo gawaarida qaadaya qofka xanuunsan ama haweenka foolanaya. Gaariga wuxuu qaataa 20 doollar sii socdka kaliya. Shamso waxay sheegtay in gabadha ilamaha lagu qalay laga qaaday 300 oo doollar.

Shan kamid carruurteeda ayaa dhigato iskuul iyo dugsi quraan kaasi oo bishii laga qaado 85$ waxaana ay nololsha qoyska ku maareysaa Shamso dukaan ganacsi oo ku yaalla degmada Matabaan.

Dadka kale ee dhibaatooyinka kala kulmaya helitaanka goobo caafimaad ee degmada Matabaan iyo deegnaada kale ee hoos yimaado  ee gobolka Hiiraan waxaa kamid ah Qaasim Nuur  Xasan oo ah aabbo haysta 9 Carruur ah oo ku nool miyiga deegaanka Geel-kudhal oo xarun caafimaad ay ugu dhowdahay meel u jirta 63 km.

Qaasim ayaa sheegay in 52 oo uga soo doogay abaarihi uu hadda ku dhaqdo tuulada uu degan yahay. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah carruurtiisa ay xanuunsan yhiin, basle aysan jirin xarun caafimaad oo uu geeyo ama in uu meel kale u qaado uusan awoodin.

“Aniga xabad baristamool ah haddii aan u baahano farmashiyaashaan ka soo gadanaa. Hadda qoyskeeyga kaliya 3 canug ayaa ka jiifto, hirgab qandho saa’id ah ayuu leeyahay wax isbitaal ahna ma geeyn farmashiyaasha ayaa baristamool uga raadinaaa. Daawo ma iibsan karo nin soo ceeyrtoobay ayaan ahay oo wax aan hada awoodi karo oo allah abuurtay malaha”

Maamulka caafimaadka degmada Matabaan ayaa sheegay in 190 tuulo in ka badan oo hoostimaada degmada aysan laheyn wax xarun caafimaad ah oo xilligan shaqeeysa. Deegaannada Beergadiid, Galijir, Qodqod iyo gudaha degmada waxaa ku yaalla isbitaalo ay dhiseen dad qurba joog iyo dadka deegaanka oo is kaashaday waloow xilligan ay u xiran yahiin dhaqaatiir iyo dawo la’aanteed.

Aamino Daahir oo ah madaxa caafimaadka degmada Matabaan oo la hadashay Raadiyow Ergo ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan ay ka dhasheen isbitaal la’aanta ka jirta degmada iyo deegaanada kale ee hoos yimaado.

“Wax badan ayaa ka dhashay waxaa arkeeysa hooyo meesha ku dhiig baxeyso oo uur leh oo aan haysan adeeg caafimaad, baabur raac aysan haysanin oo laga yaabo in ay meel dheer ku xanuunsato, waxaa laga yaaba in ay meel baabur la’aan ah joogto oo mar walba ay u badan tahay in hooyadaas ay meesha ku dhig baxday ibidii soo hormarto.  Waxyaabo badan ayaan kala kulanaa iyo kuwa qalamiso kusoo dhacdo.”

Previous Post

Dugsi sare oo markii ugu horraysay laga hirgaliyay degaanka Dhabad ee Galmudug

Next Post

Beeraleey dab beerahooda qabsaday xilli ay dagaal kula jireen ayax soo weeraray

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Beeraleey dab beerahooda qabsaday xilli ay dagaal kula jireen ayax soo weeraray

Beeraleey dab beerahooda qabsaday xilli ay dagaal kula jireen ayax soo weeraray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo