Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Gedo: Beeraley joojiyay tacbashada beeraha markii fatahaad iyo ayax ay saameeyeen

Radio Ergo by Radio Ergo
February 11, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan beeralayda degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa joojiyay inay beertaan tacab kadib marki dhibaato dhaqaale ay ka soo gaartay fatahaadda webiga iyo ayaxa oo ka baa’iyey dalagyo u beernaa sanadki hore.

Beeraha qaarkood ayaa laba jeer waxaa khasaare gaarsiyay webiga oo ku fatahay halka laba jeer oo kalana uu ayaxa ku dagay. Arrimahan isbiirsaday ayaa saamayn dhanka nolasha ah ku yeeshay qoysaska beeraha iska leh, dadka ka shaqaysta iyo kuwa ka ganacsada.

Qurbac Afjar Caduur, oo qoyskiisu ka kooban yahay 15 qof, beer 13 hiktar ahna ku leh tuulada Dayax oo Doolow u jirta 7 KM, ayaa ka mid ah dadka ay arrimntan saamaysay. Bilihi May iyo Novenber sanadki hore  (2020), ayuu ku fatahay webiga Daawo iyo bishi December oo laba jeer uu ayax kaga dagay. Nolasha qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan raashin ay iska soo ururiyaan dad ay ehel yihiin oo ku sugan Beledxaawo.

“Way adagtahay in aan ka soo kabanno dhibataada na gaartay ee uu ayuxu noo geystay, inkasto aan isku daynay ka hortag”, dalaggi beeraha fatahaadda ayaa iga baabi’isay, geed miroodki soo haranaya ayax ayaa cunay”. ayuu yiri Qurbac.

Intaas kadib Qurbac ayaa go’aansaday in uu joojiyo beerashada, inkastoo uusan haysan qorshe kale oo uu ku dabaro nolasha qoyskiiska, sideed ka mid ah carrurtiisa ayaa guri jooga ah oo muddo sedex bil ah aan aadin, sabab la xiriirta in uusan awoodin bixinta lacagta lagu dhigto iskuullka oo gaaraysa $80. Waxaa sidoo kale is dhimay qaabki ay raashinka u karsan jireen.

Cali Axmed Cusmaan oo beer 21 hiktar ah ku leh duuleedka waqooyi-galbeed ee Doolow, ayaa webiga Daawo oo fatahay bishii shanaad ee sanadkii tagay, Waxaa ka khasaaray dalagayo kala duwan oo uu ku maalgaliyey lacag dhan $3780.

“Waxaan ku maalgaliyey lacag badan, aniga oo beeryay 30 kiilo  basal ah, 40 kiilo oo khudaar kala duwan ah, 300 oo geedka booska ah, 170 geed oo liin dhanaan ah iyo gallay, waxaas oo dhan waxaa waxba kama hayo”.

Marki uu waayey guud ahaan dallaggi u saaraa beerta sida basaha,yaanyada,qaraha iyo qudaar kale ayuu go’aansaday in uu iska joojiyo in uu mar kale kharash galiyo beerta maadaama uu khasaare xooggan soo gaaray.

“Mar labaad bay i saameysay tii hore gu’gii bay ahayd tii dambana deyrtii bay ahayd, fatahaaddii markay dhacday wax ka soo baxay maba jirinba, markaa ka bacdi waan abuurnay oo waxaan ku abuurnay xoogaa khudaar iyo galleey ah ayaxii baa nooga dagay”.

Cali qoyskiisa nolol ahaan ku tiirsanaa beerta waxaa ciriir galay nolal maalmeedka. Hadda waxay ku tiiran yihiin ari oo u qaarkood soo iibiyo kadibna uu ku maareeyo nolasha.

Waxaa sidoo kale shaqo la’aan ku dhacday dad badan oo ka xamaalan jiray beeraha oo kala soo bixi jiray nolal maalmeedka.

 

Previous Post

Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Next Post

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo