Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Gedo: Beeraley joojiyay tacbashada beeraha markii fatahaad iyo ayax ay saameeyeen

Radio Ergo by Radio Ergo
February 11, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan beeralayda degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa joojiyay inay beertaan tacab kadib marki dhibaato dhaqaale ay ka soo gaartay fatahaadda webiga iyo ayaxa oo ka baa’iyey dalagyo u beernaa sanadki hore.

Beeraha qaarkood ayaa laba jeer waxaa khasaare gaarsiyay webiga oo ku fatahay halka laba jeer oo kalana uu ayaxa ku dagay. Arrimahan isbiirsaday ayaa saamayn dhanka nolasha ah ku yeeshay qoysaska beeraha iska leh, dadka ka shaqaysta iyo kuwa ka ganacsada.

Qurbac Afjar Caduur, oo qoyskiisu ka kooban yahay 15 qof, beer 13 hiktar ahna ku leh tuulada Dayax oo Doolow u jirta 7 KM, ayaa ka mid ah dadka ay arrimntan saamaysay. Bilihi May iyo Novenber sanadki hore  (2020), ayuu ku fatahay webiga Daawo iyo bishi December oo laba jeer uu ayax kaga dagay. Nolasha qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan raashin ay iska soo ururiyaan dad ay ehel yihiin oo ku sugan Beledxaawo.

“Way adagtahay in aan ka soo kabanno dhibataada na gaartay ee uu ayuxu noo geystay, inkasto aan isku daynay ka hortag”, dalaggi beeraha fatahaadda ayaa iga baabi’isay, geed miroodki soo haranaya ayax ayaa cunay”. ayuu yiri Qurbac.

Intaas kadib Qurbac ayaa go’aansaday in uu joojiyo beerashada, inkastoo uusan haysan qorshe kale oo uu ku dabaro nolasha qoyskiiska, sideed ka mid ah carrurtiisa ayaa guri jooga ah oo muddo sedex bil ah aan aadin, sabab la xiriirta in uusan awoodin bixinta lacagta lagu dhigto iskuullka oo gaaraysa $80. Waxaa sidoo kale is dhimay qaabki ay raashinka u karsan jireen.

Cali Axmed Cusmaan oo beer 21 hiktar ah ku leh duuleedka waqooyi-galbeed ee Doolow, ayaa webiga Daawo oo fatahay bishii shanaad ee sanadkii tagay, Waxaa ka khasaaray dalagayo kala duwan oo uu ku maalgaliyey lacag dhan $3780.

“Waxaan ku maalgaliyey lacag badan, aniga oo beeryay 30 kiilo  basal ah, 40 kiilo oo khudaar kala duwan ah, 300 oo geedka booska ah, 170 geed oo liin dhanaan ah iyo gallay, waxaas oo dhan waxaa waxba kama hayo”.

Marki uu waayey guud ahaan dallaggi u saaraa beerta sida basaha,yaanyada,qaraha iyo qudaar kale ayuu go’aansaday in uu iska joojiyo in uu mar kale kharash galiyo beerta maadaama uu khasaare xooggan soo gaaray.

“Mar labaad bay i saameysay tii hore gu’gii bay ahayd tii dambana deyrtii bay ahayd, fatahaaddii markay dhacday wax ka soo baxay maba jirinba, markaa ka bacdi waan abuurnay oo waxaan ku abuurnay xoogaa khudaar iyo galleey ah ayaxii baa nooga dagay”.

Cali qoyskiisa nolol ahaan ku tiirsanaa beerta waxaa ciriir galay nolal maalmeedka. Hadda waxay ku tiiran yihiin ari oo u qaarkood soo iibiyo kadibna uu ku maareeyo nolasha.

Waxaa sidoo kale shaqo la’aan ku dhacday dad badan oo ka xamaalan jiray beeraha oo kala soo bixi jiray nolal maalmeedka.

 

Previous Post

Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Next Post

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Related Posts

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
Next Post
Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-OCT-2026

IDAACADDA 30-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-OCT-2026
October 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2026
October 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo