Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Radio Ergo by Radio Ergo
February 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah

Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhawaad laba kun oo carruur ah ayaa waxbarasho bilaash ah iyo quudin ka helaysa toban iskuul oo ku kala yaalla,degmooyinka Jowhar,Balcad,Cadalle iyo Warsheekh oo ka wada tirsan gobalka Sh/dhexe.

Mashruucan oo socon doono muddo hal sano ah, ayaa u jeededu tahay in la gaaro 10 kun oo carruur ah, inay helaan waxbarasho bilaash ah iyo quudin, sida uu radio Ergo u sheegay Maxamed Yuusuf oo ah kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada gobolka Shableelaha dhexe.

Carruurta waxbarashada helay waxaa ka mid ah Faadumo Muuse Cabdullaahi oo 17 jir ah, dhigatana fasalka afaraad ee iskuulka hoose ee Moyko oo ku yaalla tuulada Moyko oo Jowhar u jirta 2 KM dhank bari.

Waxay ka heshaa iskuulka quraac, qado iyo waxbarasho bilaash ah, maadaama ay ka soo jeedo qoys beeralay ah oo fatahaadda webiga Shabeelle ay dalaggi ka baabi’isay. Faadumo oo wayn 7 carruur ah oo la dhalatay ayaa kaligeed k aaadda iskuulka.

“Markii hore cows ayaan guri jiray hadda waxbarasho ayaan u soo jeestay niyadeeyda saafi waaye galabahii hooyadeey ayaan cowska la guri jiray oo soddon aan aniga shaqeeyo iyo labaatan hooyaday ay shaqayso ayaan ku biili jirnay qoyskeenna madaama aabbahay wax shaqo uusan ahayn, subaxii qado iyo quraac ayaa iskuulka ka helaa.”

Faadumo ayaa sheegtay inaay waxbrashada sii wada doonto oo aysan guursanayn, mustaqbalka ayay rajaynaysaa inay noqto macallamad.

Fatahaadda webiga oo soo noqnoqtay ayaa saamayn nolasha qoysas badan oo beeralay ahaa, kuwaas oo dhaqaalihi ka soo gali jiray dalagyada ay goostaan meesha ay ka baxday.

Mashriican oo lagu caawinayo qoysaska danyarta ah iyo kuwa fatahaadu saamayeen, ayaa waxaa iska kaashanaya wasaaradda waxabarashada Hirshabeelle iyo hay’dda Global partner education.

Idiris Cabdulle oo degan tuulada moyko ayaa ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda ka faa’iideysanayaan waxbarashada bilaashka iyo quudinta.

“Waxaa ii dhigta wiil iyo gabar fasalada afraad iyo sedexaad, waxay helaan qado iyo quraac waana dhiirigalin ay wasaaradda nasiisay, afar musqulood ayuu leeyahay iskuulka oo gabdhaha iyo wiilasha ay kala leeyihiin”.

Sidoo kale idiris ayaa laba wiil oo carruurtiisa u waaweyn u diray magaalada muqdisho si xirfadda farsamada gacanta ay u bartaan uguna shaqeeyataan mustaqbalka. Iskuulladan ayaa ah kuwa hoose oo kaliya.

Dugsi ku yaallo tuulada Gaafaay oo jowhar u jirta 7 km dhanka bari ayaa ka mid ah meelaha laga hirgaliyay, waxaana hadda dhigta boqol iyo lix arday oo 52 ay yihiin gabdho sida uu sheegay Siidoow Xaaji Yarrow oo ah maamulaha iskuulka.

“Waxay dhigtaan xilliyada galbahii ah, subaxiina qur’aanka ayay bartaan waxaana la siiyay carruurta buugaag yaryar oo sheekooyin ah, kuraasta iyo miisasna waana nala siiyay carruur badan oo dugsiga ka tagtay dib ayey ugu soo laabteen markay arkeen quudinta”.

Iskuulkasta ee ka mid ah tobanka iskuul waxaa ka howl gala 5 macallin, maamule iyo sadex haween ah oo raashiinka kariya oo dhammaantood wada mushaari ah.

Previous Post

Gedo: Beeraley joojiyay tacbashada beeraha markii fatahaad iyo ayax ay saameeyeen

Next Post

Gedo: Boqollaal qoys oo Bakool uga soo barakacay cunno yari oo gaaray Luuq

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Gedo: Boqollaal qoys oo Bakool uga soo barakacay cunno yari oo gaaray Luuq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo