Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Radio Ergo by Radio Ergo
February 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah

Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhawaad laba kun oo carruur ah ayaa waxbarasho bilaash ah iyo quudin ka helaysa toban iskuul oo ku kala yaalla,degmooyinka Jowhar,Balcad,Cadalle iyo Warsheekh oo ka wada tirsan gobalka Sh/dhexe.

Mashruucan oo socon doono muddo hal sano ah, ayaa u jeededu tahay in la gaaro 10 kun oo carruur ah, inay helaan waxbarasho bilaash ah iyo quudin, sida uu radio Ergo u sheegay Maxamed Yuusuf oo ah kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada gobolka Shableelaha dhexe.

Carruurta waxbarashada helay waxaa ka mid ah Faadumo Muuse Cabdullaahi oo 17 jir ah, dhigatana fasalka afaraad ee iskuulka hoose ee Moyko oo ku yaalla tuulada Moyko oo Jowhar u jirta 2 KM dhank bari.

Waxay ka heshaa iskuulka quraac, qado iyo waxbarasho bilaash ah, maadaama ay ka soo jeedo qoys beeralay ah oo fatahaadda webiga Shabeelle ay dalaggi ka baabi’isay. Faadumo oo wayn 7 carruur ah oo la dhalatay ayaa kaligeed k aaadda iskuulka.

“Markii hore cows ayaan guri jiray hadda waxbarasho ayaan u soo jeestay niyadeeyda saafi waaye galabahii hooyadeey ayaan cowska la guri jiray oo soddon aan aniga shaqeeyo iyo labaatan hooyaday ay shaqayso ayaan ku biili jirnay qoyskeenna madaama aabbahay wax shaqo uusan ahayn, subaxii qado iyo quraac ayaa iskuulka ka helaa.”

Faadumo ayaa sheegtay inaay waxbrashada sii wada doonto oo aysan guursanayn, mustaqbalka ayay rajaynaysaa inay noqto macallamad.

Fatahaadda webiga oo soo noqnoqtay ayaa saamayn nolasha qoysas badan oo beeralay ahaa, kuwaas oo dhaqaalihi ka soo gali jiray dalagyada ay goostaan meesha ay ka baxday.

Mashriican oo lagu caawinayo qoysaska danyarta ah iyo kuwa fatahaadu saamayeen, ayaa waxaa iska kaashanaya wasaaradda waxabarashada Hirshabeelle iyo hay’dda Global partner education.

Idiris Cabdulle oo degan tuulada moyko ayaa ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda ka faa’iideysanayaan waxbarashada bilaashka iyo quudinta.

“Waxaa ii dhigta wiil iyo gabar fasalada afraad iyo sedexaad, waxay helaan qado iyo quraac waana dhiirigalin ay wasaaradda nasiisay, afar musqulood ayuu leeyahay iskuulka oo gabdhaha iyo wiilasha ay kala leeyihiin”.

Sidoo kale idiris ayaa laba wiil oo carruurtiisa u waaweyn u diray magaalada muqdisho si xirfadda farsamada gacanta ay u bartaan uguna shaqeeyataan mustaqbalka. Iskuulladan ayaa ah kuwa hoose oo kaliya.

Dugsi ku yaallo tuulada Gaafaay oo jowhar u jirta 7 km dhanka bari ayaa ka mid ah meelaha laga hirgaliyay, waxaana hadda dhigta boqol iyo lix arday oo 52 ay yihiin gabdho sida uu sheegay Siidoow Xaaji Yarrow oo ah maamulaha iskuulka.

“Waxay dhigtaan xilliyada galbahii ah, subaxiina qur’aanka ayay bartaan waxaana la siiyay carruurta buugaag yaryar oo sheekooyin ah, kuraasta iyo miisasna waana nala siiyay carruur badan oo dugsiga ka tagtay dib ayey ugu soo laabteen markay arkeen quudinta”.

Iskuulkasta ee ka mid ah tobanka iskuul waxaa ka howl gala 5 macallin, maamule iyo sadex haween ah oo raashiinka kariya oo dhammaantood wada mushaari ah.

Previous Post

Gedo: Beeraley joojiyay tacbashada beeraha markii fatahaad iyo ayax ay saameeyeen

Next Post

Gedo: Boqollaal qoys oo Bakool uga soo barakacay cunno yari oo gaaray Luuq

Related Posts

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Gedo: Boqollaal qoys oo Bakool uga soo barakacay cunno yari oo gaaray Luuq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-OCT-2026

IDAACADDA 30-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-OCT-2026
October 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2026
October 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo