Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Boqollaal qoys oo Bakool uga soo barakacay cunno yari oo gaaray Luuq

Radio Ergo by Radio Ergo
February 13, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Makay Ibraahim Isaaq oo ah hooyada carruur  lix ah, oo agoon ah. waxa ay noloshoodu ku tiirsan tahay raashiin ay ka soo dawarsato qoysaska deggan xerada dadka soo barakacay ee Jaziira. degmada Luuq ee gobolka gedo, kaas oo marna ay weydo marna ay hesho.

Halkan ayey barakac ku timid iyadoo fara maran sadexdii bishan. duruuf cunno la’aan ah ayey uga soo barakacaday deegaanka God-Gamaas oo hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxaa hoy u ah geed hareera bannaan balse cirifyada kore laga saaray kartoomo. weel maran mooyee wax raashin ahna uma yaalaan guriga, sida Makaay ay u sheegtay Radio Ergo.

“Waxaan cunno dadka halkan jooga ayaan weydiisannaa. hadii aan maalinkii nuskiilo bura aan walaal ka helo waan u karinayaa caruurta. haddii aan ka waayana rubac sokor aan helo ayaan u karinayaa.”

Siddeed cesho ayey soo lugeynayeen iyada iyo carruurteeda si ay u soo gaaraan degmada luuq. deegaanno dhowr ah ayeyna soo habeen dhaxeen. masaafo ka badan 100km ayeyna soo lugeeyeen.

Masago ka yar saddex kiilo ayey carruurteeda usoo karineysay intii ay safarka soo ahaayeen. iyadoo tuulooyinka ay soo mareysay hadba kasoo buuxsaneysay caag biyo ah oo toban qaad ah, si cabitaan iyo cunno karin ay ugu isticmaalaan.

“Nin aan is aqoonay ayaan xoogaa masago kasoo qaatay oo Buurdhuxunle aan la imaaday. jilbaab jeexan ayaan kusoo shubtay oo waddada aan kusoo isticmaaleynay.”

Makaay ayaa sheegtay in ay go’aansatay in caruurteeda ay Luuq ula soo cararto kadib markii uu ka dhamaaday raashinkii ugu dambeeyay, kaas oo ahaa keyd  uga haray masaggo uga soo go’day horraantii sanadkii hore beer ay ku laheyd deegaanka God-Gamaas. iyadoo intaa ku dartay in sanadkii 2019-kii ay abaar uga la’deen Ari 28 neef ah oo ay dhaqaneysay.

Qoysas hor leh ayaa wali kusoo qulqulaya  magaalada Luuq. waxaana kamid ah qoyska Iidey Aadan Xuseen oo ah hooyada siddeed caruur ah. 48 saac ayey joogaan Luuq.

Waxa ay sheegtay in qoyskoodu uu ku tiirsanaa, Masago uga baxda beer hal higter iyo bar ah oo ku taalla tuulada Malmade oo hoostagta degmada Rabdhuurre, balse uu Ayax ka cunay sanadkii hore. Kadibna ay isku biir sadeen xaalado cunno yari iyo sicir barar dhanka raashinka ah oo ka dhashay go’doon ay Al-shabaab galisay inta badan degmooyinka gobolka Bakool.

“Halkee lagu noolaanayaa jidadkii ayaaba naga xirmay gaadiidna ma galayo. qofka lugtiisa lee mooyee, gaarigii socdana oo la arkana waaba la gubayaa raashinkii oo saran.”

Hadda waxa ay bilowday in cows ay ka soo gurto beeraha ku yaalla hareeraha degmada Luuq ay ku iibiso suuqa balka ee magaalada, si cunno ay ugu hesho Carruurteeda. iyadoo tilmaantay in maalinkii ay hal waqti wax cunaan.

“Haddii alle wax iiga bixiyo labaatan koo ama sodonkoo wixii aan ka helo, madaalkoo ayaan kusoo gadanayaa. isagaas ayaan karsaneynaa. caawa lee ku gaareynaa.”

Illaa 315 qoys oo ka soo barakacay gobolka Bakool ayaa bishan February  soo gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo. kuwaas oo iskugu jira Beeraley uu Ayax ka cunay beerihii ay ku tiirsanaayeen iyo danyar ay cunna yaridu saameysay oo ku noolaa tuulooyin dhowr ah oo hoostada degmooyinka Xudur, Waajid iyo Rabdhuurre.

Axmed Xasan Garaar oo ah mas’uulka maamulka Luuq u qaabilsan xeryaha lagu barakacay ee degmada ayaa sheegay in dhammaan qoysaska soo gaaray ay u badan yihiin haween iyo Carruur aad u dayacan oo aan wadan xoolo iyo raashin toonna. xeryaha ay degeen oo kala ah Busleey iyo Jasiira ayuu sheegay in aysan ka helin  gurmad dhanka maamulka iyo hay’adaha ah. Isagoo xusay in maamul ahaan aysan hadda waxba u awooodin.

“Dhul waan u haynaa la dejiyo. anaga marka waan awoodi weynay, hay’addo naga caawiyana maanan helin. dadku marka gargaar deg-dega bey u baahan yihiin.”

Xeryaha ay qoysaskan degeen oo aan laga bixin gargaar cunno, waxaa horey ugu noolaa oo wali deggan, illaa 4,800 oo qoys oo ah qoysas ka soo barakacay deegaanno ka tirsan gobolada Gedo iyo Bakool. Kuwaas oo  noloshoodu ay ku tiirsan tahay shaqooyin xoogsi ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Shabeelaha dhexe: Carruur ka faa’ideysnaya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Next Post

Cadaado: Gudniinka adag ee gabadhaha lagu sameeyo oo hoos u dhacay

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Gudniinka Fircooniga oo ku badan xeryaha lagu barakacay

Cadaado: Gudniinka adag ee gabadhaha lagu sameeyo oo hoos u dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-SEP-2026

IDAACADDA 03-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo