Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gaalkacyo: Dad uu ganacsigooda saameeyay cudurka Koroona oo laga caawiyay soo kabashadiisa

Radio Ergo by Radio Ergo
October 8, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayuutada casriga ah oo haweenka u noqotay fursad maalgashi

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasra Farxaan Gaaraa oo naafo ka ah aragga haystana toddobo carruur ah ayaa ganacsigeeda wuxuu ka soo kabanayaa saamaynti uu ku yeeshay cudurka Koroona. Waxay tukaan yar ku haysta xerada ay degan yihiin dadka barakacay ee Ayaxa-dhoorre oo ku taalla duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xayiraadihi, dadka qaarkii shaqo la’aan ku dhacday iyo cabsida dadka ay ka qabaan cudurka ayaa keentay inay waxba u gadmi waayaan, oo ay dib u cunto alaabihi dukaanka u yaallay.

“Koroonaha markuu yimid cunto kariskii dhammaa waa joojiyey, wixii aan gadi jiray oo dhan waa joojiyey, badeecaddii kale ee caadiga ahayd ee layga gadan jiray waa istaagtay. Anigii ayey badeecaddii aan keenay dib ii gashay, qeybna waa igu quruntay waayo wax iga gata ma jirin wxa wax iga qaataana ma jirin.”

Bishi Luulyo ayay ka mid noqotay 56 qof oo kala socday 56 qoys, oo lagu caawinayey lacag 500 oo doollar ah si aysan uga xirmin ganacsiyadooda yaryar. Barnaamijkaas oo ay fulinayso Xarunta waxbarashada, Nabadda iyo Hormarinta Gaalkacyo ee GECPD, waxaa qofkiiba la siiyay 300 oo doollar, iyadoo labada boqol oo kale dib laga siinayo marka la qiimaeeyo sida uu u shaqeeyay ganacsigoodi hore.

Nasra ayaa ka warrantay sida ay u isticmaashay lacagta la siiyay.

“Waxaan soo siistay raashinadaa iga go’naa, daasadaha caanaha ciyaalka yar yar baa iga go’naa, daasadaha waaweyn baa iga go’naa, waxaan kaloo soo gatay biyaha cad ee Jiimada, adigu adeeg badan baa iga go’naa, adeegii iga dhinnaa oo dhan bay iga soo caawisay”.

Nasra ayaa sheegtay in nolasha qoyska ay ka soo saarto tukan, carruurteeda ayaa ka caawiya iibinta alaabta tukaanka oo waxyaabo kala duwan ay ku iibiso sida raashinka, caanaha iyo guud ahaan adeegyada yar yare ee looga baahan yahay xerada ay deggan tahay. Aabbaha carruurta ayay sheegtay in uusan heyn shaqo toos ah.

Saamaynta ganacsi ee cudurka karoonaha waxaa sidoo kale uu aad u saameeyey ganacsiyada maqaaxiyaha oo dad badan ka caageen markii ay maqleen cudurka karoonaha, taasina ay keentay in haween badan oo ka shaqaysan jiray uu dhaqaalahoodii hoos u dhacay.

Dadkaan caawinaadda helay ayaa 47 qof oo ka mid ah yihiin haween halka sagaalka kalana yihiin rag, waxaana qeyb kamid ah ay qabaan baahiyaha gaarka ah.

Faadumo Cali Faarax waa hooyo haysata lix carruur ah, waxay noolsheedu ku tiirsan tahay maqaaxi lagu kariyo shaaha oo ku taalla magaalada Xarfo, qoyskeedu wuxuu ka mid ahaa dadki ay abaaruhu saameyeen. Ka hor karoonaha waxay lahayd macaamiil badan oo ka iibsada shaaha ay kariso laakiin markii karoonahu yimid waxaa isdhimay dadki shaaha ka cabbi jiray maadaama la yiri hala kala fogaado.

“Dadka safarka ah ee meelaha kale ka yimaadda ayaa wax aga gadan jiray, afar kirli ooo shaaha ayaa gadi jiray, laakiin marki dambe hal kirli ayaa ku sooo aruuray waayo macaamiil ayaan waayey ”

Faadumo ayaa hadda umuuqata mid ka soo banaysa saamayn dhaqaale ee u ku yeeshay COVID19-ka, kadib marki ay heshay 300 oo dollar oo ay ku kabato gancsigeeda. Intaas kadib waxay ganacsigeeda ku soo kordhisay alaab kale sida saliidaha madaxa, shambaaooyinka, oomadaha iyo waxyabao kale.

Faadumo Yuusuf Aadan, oo degan Hala-Bookhad oo ku taalla duleedka magaalada Gaalkacyo, oo haysta lix carruur ah oo agoon ah, ayaa ka mid ah dadka ka faa’ideystay lacagtan yare e lagu caawiyey xilli uu qarka u saarnaa in uu ka xirmo ganacsigeeda. Waxay haystaa dukaan iyo meherad yar oo cuntada bisil lagu iibiyo.

Waa hooyo kale oo deggan xerada barakacayaasha ee Hala Bookhad oo Iyana ku taal duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Waxaa u jooga lix carruur ah oo aabahood dhintay muddo sagaal bilood hadda laga joogo. Waxay xerada ay daggan tahay ku haysataa dukaan iyo meherad cunto oo iska ag furan.

“Meesha subixii toban qof ama shan iyo toban qof kuu soo fariisan jirtay, lix qof ama shan qof ayaa kuu soo fariisanaysa. Maalintii qadada waa sidoo kale, meeshii labaatan qof kuu qadayn jirtay, toban qof ama sideed ama toddobo ayaa kuu qadaynaysa.”

Faadumo ayaa sheegtay in lacagta soo gashay ay wax badan ka fududaysay iyadoo iskaga bixisay deymo looga lahaa dukaamo ay badeecado ka soo qaadatay.

Badeecadaha ay soo qaadatay ayey sheegtay inay ka caawiyeen inay faa’iido fiican ka hesho kuna dabarto baahida qoyskeeda.

“Dharka oo kale ma gadi jirin, hadda waa gadaa, dhar baan ku soo daray, raashinka beeg beegga ah ma gadi jirin, hadda waa ku soo daray, shuruudihii marka lacagta nala siinayey aan ka hadalnay inaan ku kordhinno ganacsiyada ayey ahayd waana ku kordhinay.”

Faadumo ayaa sidoo kale bixisa lacagta waxbarashada ee carrurteeda oo shan ah, oo mid ka mid ah aan laga qaadin halka lacag afarta kale ay ka bixiso lacag15 doollar ah.

Madaxa waxbarashada iyo abuurista xirfadaha shaqo abuur ee xarunta nabadda Gaalkacyo, Saciid warsame Faarax , ayaa Radio Ergo u sheegay in soo xulista dadka ka faa’idaysanayey ay muddo ku qaadatay. Barnaamijkaan oo la qorshaynayey in la sameeyo bilowgii sanadka 2020 ayaa waxaa hakad galiyey cudurka karoonaha.

“Shuruudaha ugu muhiimsan ee furaha u ah waxaa kamid ah in qofkaasi ku jiray ganacsi labadii sano ee u danbaysay, qofkaasi inuu yahay ganacsigiisu ganacsi ay dadku faa’idaystaan oo adeeg bixiye rasmiya yahay oo dad badan ku xeeran yihiin. Waa in deegaanka ganacsigaas ka jiro ay jirtaa baahi adeegyada noocaas oo kale ah in la xoojiyo.”

 

Previous Post

Weriyeyaasha laga helay cudurka Koofid-19 oo ku batay Puntland

Next Post

Dhegeyso barnaamijka Tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Dhegeyso barnaamijka Tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-AUG-2026

IDAACADDA 26-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo