Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Weriyeyaasha laga helay cudurka Koofid-19 oo ku batay Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
October 7, 2020
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
WERIYAYAASHA OO DIIDAY XEER CUSUB

Kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Siddeed weriye oo ka howlgala warbaahinta gaarka ah iyo tan dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore laga helay cudurka Koofid-19, sida uu sheegay ururka ay warbaahintu ku mideysan tahay ee deegaannadaas.

Mid ka mid ah dadka laga helay cudurka waa Khadra Yuusuf Maxamed oo la shaqeysa Telefeshinka Maxalliga ah ee afka maamulka Puntland ku hadla. Waxay Raadiyo Ergo online-ka ugu sheegtay in xanuunku soo ritey xili aysan filayn inuu ku dhaco wax shaki ahna aysan hore u qabin.

“Aniga oo aan shaki qabin ayaan isku arkay calaamadaha ismana dhihin xanuunkii ayaa ku haya ee hargab ayaa ku haya ayaan is dhahay, waayo isaga iyo hargabku way isu eg yihiin. Urka ayaan waayay, sanka oo i cabudhsanaa ayaan is dhahay baa ur la’aanta keenaya in aadan waxba urin,” ayay tiri Khadra.

Khadro oo ah hooyo haysata hal cunug waxay tilmaantay in shaqada laga siiyay fasax inta ay ka soo raynayso ah. Waxay sheegtay in ilmaha iyo iyadaba ay daryeel ka haystaan ehelkeeda oo guriga kula nool balse aysan dhexgelin oo qol gaar ah kaga xayiran tahay.

Qaar ka tirsan weriyeyaasha ayaa calaamadaha cudurka ku sharraxay bogagga ay bulshadu ku xiriirto ee internet-ka.

Ibraahim Muuse Dahraan oo ah weriye madax-bannaan oo hadda ka soo raystay karoone ayaa sheegay in weriyeyaashu la mid yihiin dadka kale loogana baahan yahay taxaddar dheeraad ah.

“Cudurkan cidna ma kala soocayo – weriye, xildhibaan, wasiir ama shacabba,” ayuu yiri. “Dadka waxaan leeyahay xaddar muujiya, isna ilaaliya, waxyaabo cajiib ah ayaa ku jira cudurkan, adiga oo qof dhan ah ayaa meel ku xidhmaya xabsi ka daran.”

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland, Maxamed Daahir Caynsane ayaa kula taliyay weriyeyaasha ka soo warramaya arrimaha cudurka inay la yimaadaan taxadar dheeraad ah, si ay u badbaadiyaan noloshooda iyo tan bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa 4-tii Oktoobar shaacisay inay kordhayaan kiisaska cudurka, markii 147 kiis oo hor leh la xaqiijiyay, kaddib baaritaan 665 qof lagu sameeyay.

Dr.Daahir Muuse Cali ah, sarakaalka arrimaha cudurka Koofid-19 u xilsaaran Wasaaradda Caafimaadka ayaa kororka u sababeeyay xilliga qaboobaha ee lagu jiro.

“Xanuunkii aad iyo aad ayuu u soo laba kacleeyey meel aad u sarraysa ayuuna marayaa marka loo eego bishan iyo bishii dhammaatay. Aad baan uga xunnahay waan dedaalaynaa, in aan dadka wacyigelinno, iyo in isu imaanshaha la yareeyo, afka la xidho, farahana la dhaqdo. Waxaa ugu wacan in waqti qaboobe soo galay, fayraskuna qabowguna kor ayuu u kacaa,” ayuu yiri Dr. Daahir..

Wuxuu intaa ku daray in ay filayeen sare u kaca xaaladaha cudurka, haddana dardargelinayaan wacyigelinta. Haddii ay sii socoto faafista cudurka waxaa suurtagal ah inuu maamulku dib u soo celiyo xannibaadaha lagu xakameynayo.

Previous Post

Dad ku barakacay Beled-Xaawo oo carro ay webiga ka qotaan nolol ka raadiya

Next Post

Gaalkacyo: Dad uu ganacsigooda saameeyay cudurka Koroona oo laga caawiyay soo kabashadiisa

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Ayuutada casriga ah oo haweenka u noqotay fursad maalgashi

Gaalkacyo: Dad uu ganacsigooda saameeyay cudurka Koroona oo laga caawiyay soo kabashadiisa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-AUG-2026

IDAACADDA 26-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo