Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dad ku barakacay Beled-Xaawo oo carro ay webiga ka qotaan nolol ka raadiya

Radio Ergo by Radio Ergo
October 6, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer Jowhar oo ugu dambeyntii ku guulestay iney xiraan buqda webiga

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Rag deggan xerada lagu barakacay ee Iidaan ee magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo koox koox isu abaabulay ayaa carrada loo adeegsado dhismeyaasha dhagaxa ah ka soo saara gunta webiga Daawo, kaddibna qallajiya si ay u iibsadaan.

Maxamed Cabdi Cali wuxuu ka mid yahay koox ka kooban 10 rag ah oo si wadajir ah ula baxa ciidda iyaga oo qaarna gudaha biyaha gala, halka inta kalena bannaanka ay u daad-gureeyaan. Wuxuu sheegay in maalin kasta ay shaqeeyaan in ka badan siddeed saacadood si ay u helaan carro buuxin karta gaari iska-roge ah.

Maxamed oo ah aabbaha qoys ka kooban toddobo qof, waxaa ciidda oo uu ka gurto meelaha ay biyaha ku yar yihiin ee webiga uu la-bixiddeeda u adeegsadaa caag 20 liter qaad ah oo afka laga jaray.

Halkii iska-roge oo ciid ah waxaa laga siiyaa $30 oo ugu soo aadda min $3. Inkastoo ay tahay shaqo halis badan, haddana waxay u tahay fursad shaqo oo u wanaagsan marka la eego shaqo-la’aanta deegaanka ka jirta iyo dhaqaalo-xumada qoyskiisa haysay.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in sanadkan ay billaabeen in ay ciidda kala baxaan meelaha uu joogga biyuhu hooseeyo, kaddib haliso badan oo ay kala kulmeen meelaha biyuhu ku badan yihiin.

“Beled-Xaawo shaqo kale mataal, wabiga marka uu buuxsamana dadku wuuba laqaa. Wiil walaalkey oo Axmed Maxamed Cali la yiraahdo oo ilmo adeer aan nahay oo qodato ahaa ayuu hadda kahor webigu la tagay oo ku dhintay,” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu dhabarka u ritay mas’uuliyadda iyo masruufka qoyskii uu ka baxay walaalkiis oo ka kooban afar qof. Wuxuu in labo ka tirsan carruurtiisa oo da’da waxbarashada gaaray uusan wali u helin dhaqaale uu ku geeyo iskuul maaddama labo qoys uu noloshooda daboollo.

Maxamed, wuxuu ka walwalsan yahay biyaha wabiga oo xilligan kordhaya, taas oo halis ku ah shaqadooda iyo naftooda.

“Aniga hadda kula hadlaya shalayto marbuu wabiga ila tagoo la iga soo qabtay, xaaladdu hadda wey kacsantahay markuu wabiga buuxsamo oo kaleeto lamaba helaayo wax la’iibiyo wax la soo bixiyo lama helaayo.”

Billowgii 2018-kii ayuu qoyskiisu barakac ku tagay xerada ay hadda deggan yihiin ee Iidaan oo ku taalla duleedka Balad-Xaawo, kaddib markii ay abaartu dhaafisay 120 ari ah oo uu ku dhaqanayay galbeedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xoogsatada barakaca ah ee ciidda kala baxa webiga Daawo waxay ka kooban yihiin 150 qof sida uu noo sheegay Axmed Yuusuf Maxamed oo guddoomiye u ah iskaashato ay leeyihiin. Axmed oo qudhiisa xoogsatada ka mid ah wuxuu xusay in halkii ay gargaar-sugayaal noqon lahayeen ama ay dawarsan lahaayeen ay doorbideen in ay u bareeraan shaqo khatarteeda leh.

Axmed ayaa tilmaamay in shaqadan ay tahay il-dhaqaale oo qoysas badan ay ku tiirsan yihiin.

“Dhaqaale-la’aan iyo carruurta oo iska baahan iyo meesha oo wax la qabto aan lahayn alyoomka xitaa ma jirin subixii. Qolyaha guryaha dhisa waa qolyo farsamada yaqaanna waxna shamiitada qasaya, waxna ay fuundi yihiin. Marka dadka oo xirfad ay ku shaqeystaan aan lahayn iyo baahida meeshaan taalla ayaa nagu khasabtay,”ayuu yiri.

Qoysaska xoogsatadan ay u shaqo tagaan ayaa ka kala yimid gobollada Bay, Bakool iyo qaybo gobolkan Gado ah oo abaar iyo colaado ay uga soo barakaceen.

Axmed ayaa sheegay in xili-roobaadka ay ku adkaato helidda meel joogga biyaha ay ka hooseeyaan qof-dhirirkiis oo ay ciidda ay ka qotaan.

Waxaa ku xiran muruq-maalkan ganacsato si joogta ah uga iibsada ciidda ay la baxaan. Waxaa ganacsatadaas ka mid ah Maxamuud Maxamed oo ciiddan ka sii macaasha, in ka badan shan iska-roge ayuu ka iibsadaa xoogsatadan maalin walba.

Waxa uu xusay in halka ugu dhow ee ciiddan laga helo ay Balad-Xaawo u jirto 80 km isla markaana ay iyaga ay muhiim u tahay ciidda wabiga laga soo saaro maaddaama qiimo jaban ay ku helayaan.

Ganacsadahan ayaa sheegay in ay jiraan xoogsato kale oo dadka deegaanka ah oo ciiddan la baxa. Hase yeeshee uu isagu la macaamilo xoogsatada barakaca ah maaddaama ay si joogto ah u shaqeeyaan, mar kasta oo ciidda loo baahdana laga heli karo.

Previous Post

Galgaduud: Dadka deegaanka Wanaagsan oo xoolahooda ku darsaday ceel laga hirgeliyay deegaanka

Next Post

Weriyeyaasha laga helay cudurka Koofid-19 oo ku batay Puntland

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
WERIYAYAASHA OO DIIDAY XEER CUSUB

Weriyeyaasha laga helay cudurka Koofid-19 oo ku batay Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo