Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Dadka deegaanka Wanaagsan oo xoolahooda ku darsaday ceel laga hirgeliyay deegaanka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 3, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol iyo konton qoys oo deggan deegaanka Wanaagsan oo Caabudwaaq bari uga beegan 20 km ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii saddexaaad biyaha ka cabaya ceel biyood halkaasi ay ka qoteen.

Ceelkan oo lagu hirgeliyay 60 kun oo doolar waxaa dadka deegaanka toddobo sano ku qaadatay inay iska uruuriyaan kala bar lacagta, iyadoo inta barka kale ay bixiyeen qurba-joogta deegaanka ka soo jeedda.

Cabdul Samatar Maxamuud oo ahaa guddoomiyaha gudi u xil saarnaa aruurinta lacagta ceelkan lagu hirgeliyay Raadiyo Ergo u sheegay in waqtigii lacag aruurinta ay socotay ay dadka reer miyiga ah ay gadiid sameecado ku xiran yihiin ugu sheegi jireen in ay xoolahooda ku darsadaan ceelkan, sidoo kale ganacsatada Caabudwaaq ay shirar la yeesheen halka qurba joogta ay xiriiro taleefanka ah oo joogto ah ay la sameynayeen.

“Lacagta miyiga iyo magaalo ilaa qurba joogta ayaa laga aruuriyay, dadka degaankaas u dhashay ayaa sameystay, lacag baa la aruuriyay gudi ayaa loo qabtay, gudigaas ayaa aruurin jiray lacagta. Markii ay gaartay wax ceel lagu haweysan ayaa lagu dhisay. Keliya ma aheyn lacag cad, waxay u badneyd xoolaha.”

Maxamed Jaamac oo deegaanka ku dhaqda boqol neef oo ari ah iyo shan geel ah wuxuu ceelkan aqalkiisa u jiraa 50 tillaabo. Qoyskiisa oo toban qof ka kooban ayaa maalintii caba shan jiirkaan oo biyo halka xoolaha ceelka la geeyo toddobaadkii labo mar.

Waxay horay biyaha heli jireen magaalada Caabudwaaq oo baraag uu nin kale leeyahay kaga shuban jiray booyad afartan fuusto qaadda oo qiimahedu yahay $50 labadii toddobaadba mar.

Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in marka uu lacag waayo uu dameero dadka deegaanka ay leeyihiin uu Caabudwaaq ugu dhansan jiray, waxaana socodku qaata siddeed saacadood sii socod iyo soo socod ah uu ku heli jiray labo boqol oo liitar oo biyo ah oo ay isticmaalaan cabidda iyo raashin karinta.

“Sanadka waxaa ku jira labo xilli jilaal, waana xagaaga iyo diraacda labada kale waa doog. Labadaas jilaalka waxaan ku bixin jiray biyaha min toddobo iyo toban neef, qaali ayay ahaayeen afartan doolar ayay booyadda biyaha ku imaan jirtay dadkuna ma wada heysto.”

Maxamed oo ka yimid miyiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuu deegaankan soo degay afar sano ka hor waqtiaas oo uu halkan u soo naq raacay isagoo kaddib go’aansaday ku noolanshaha Wanaagsan.

Waxay nolosha reerkiisu ku tiirsan tahay xoolaha, wuxuuna bil walba hadda raashinka iyo daawada qoyskiisa ku bixiyaa labo neef ari oo nuuca daabaxa ah. Horay waxaa darsana biyaha oo bishii ku bixin jiray labo neef oo kale balse hadda meesha ka baxay marka ceelkan laga hirgeliyay deegaankooda inkastoo ay bishii bixiyaan lacag aan badnayn oo awoodda ah iyo xoolaha ay haystaan ku qiyaasan .

“Nolol biyo ka horreysa ma jirto, hadda biyo fiican ayaan helnaa, wax weyn ayaa iska key beddlay. Hadda biyo kama fakaro, inta uu guuxayo matoorku nolosheyda kale sida caafimaadka iyo cunnada in aan ka fakaro mahane hadda biyo warkooda ha sheegin, hadda dadku shidaalka ayay bixiyaan, wixii bixin kara lacag yar oo labaatan doollar dhan ayaa iga baxeysa.”

Hirgelinta ceelkan ayuu Maxamed ku darsaday sagaal neef oo ari ah oo labo mar laga qaaday. Waxaana dadka deegaanka ay bixinayeen hadba inta ay awoodan. Ceelka ayaa hadda dadku ku cabaan bilaash iyagoo dhaansan kara hadba inta ay biyo baahdaan.

Deegaankan oo ay ku yaallan ilaa 15 baraagood waxaa intii ehel ahba ay biyaha booyadaha loogu keeno ku shuban jireen hal baraag oo ay ka cabaan.

Khaliif Caabi Ducaale oo qoyskiisu ka kooban yahay 11 qof, wuxuu deegaanka ku noolaa muddo labo sano ah, isagoo dhaqda 40 neef oo ari ah. Biyo helista ayaa caqabad weyn ku ahaa noloshiisa reer guuraanimo. Hadda oo deegaankiisu ceel ay yeeshay, wuxuu rajeynayaa in culeyso badan oo heystay uu ka dego. Wuxuu horay dad ehelkisa oo magaalooyinka ku nool uu weydiisan jiray kaalmo lacageed oo uu biyo ugu shubo qoyskiisa iyo xoolaha ay dhaqdaan.

“Afar qof ama saddex qof ayaa isku leexaneysa inta badan lacag ayay aruurinayaan, kaddib ninka booyadda ayay la hadlayaan, lacagtii waan heysanaa ee soo dir ayaa la leeyahay, qof si shaqsi ah booyad u soo kireysan kara aad ayuu u yaraa. Tuuladda wax badan oo culeys xagga biyaha ayaa jiray sababtoo ah hadda booyad ma dirsanayo, meesha ayaan ka cabayaa, xoogaa waxaa hadda igu culus in aanan heysan biyaha meel aan ku keydsado.”

Khaliif Caabi Ducaale waxaa hadda ceelkan cusub marka uu biyaha ka cabo laga qadayaa $3 waxaana gudiga gacanta ku haya ceelkan ay qoys walba oo tuuladda wanaagsan iyo hareeraheda ku nool lacagta ay uga qadaan sida ay u kala xoolo badan yihiin taaso dhamman lacagta laga qaado qoys walba ay aad uga yartahay midii ay ku bixin jireen biyaha booyadaha loogu keeni jiray.

Dadka deegaanka Wanaagsan iyo inta kale oo kala qeyb qaadatay hirgelinta ceelkan ayaa qorsheynayaan in ay sameystaan waxyaabaha kale ee nolosha asaasiga u ah sida waxbarashadda, caafimaad iyo amniga sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdul Samatar Maxamuud guddoomiyaha guddiga lacag uruurinta sameeyay.

 

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Next Post

Dad ku barakacay Beled-Xaawo oo carro ay webiga ka qotaan nolol ka raadiya

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Reer Jowhar oo ugu dambeyntii ku guulestay iney xiraan buqda webiga

Dad ku barakacay Beled-Xaawo oo carro ay webiga ka qotaan nolol ka raadiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo