Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Garowe: Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dad ku nool xero barakac

Radio Ergo by Radio Ergo
October 7, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
Garowe: Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dad ku nool xero barakac

Sacdiyo Daahir Nuur, oo Kalkaaliso ka ah xannaanada hooyada iyo dhallaanka ee kaamka Jillab(3)/Maxamed Saalah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Warbixinta taxanaha xeryaha ee Raadiyow Ergo ayaa waxaa isbuucaan lagu eegayaa kaalinta dadka soo barakacay ee ka shaqeeya xarun caafimaad oo ku taalla xero ay ku nool yihiin dad soo baracay.

Sacdiyo Daahir Nuur, waa 55 jir kalkaaliso ka ah xannaanada hooyada iyo dhallaanka ee kaamka Jillab(3) ee ku yaalla duleedka ee bari ee magaalada Garoowe.

Kalkaaliso sacdiyo, shaqadeedu waa dawosiinta qofka xanuunsan, la socoshada xaaladda hooyada uurka leh iyo ilmaha, waxay sidoo kale wacyigelin ka samaysaa sixada iyo fayodhowrka ku saabsan bulshada kaamka.

Waa qofka keliya ee barakece ah ee ka howlgala xannaanada Jillab, ka hor xaruntan waxay farmashiye ku lahayd isla xerada, balse hadda waxay madax u tahay ilaa 13 qof oo kale oo magaalada ka yimaada.

Sacdiya waxay caafimaadka ku baratay magaalada Muqdisho 1985kii balse iyadoo shan sano oo keliya ku shaqaynaysa xirfadeeda ayaa dowladdii ay dhacday, waxayna markaas iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban afar carruur iyo saygeeda u barakeceen gobolka Nugaal maaddaama ehelkooda uu daganaa halkaas oo ay ka bilowday nolol miyi.

Waxay sheegtay in nolosha miyiga ay bilowgii adkeyd balse ay la qabsatay oo ay dhaqan jirtay 200 oo neef oo adhi ah oo qoyskeeda uu lahaa, balse marki dambe abaaro is xigxigay oo xoolohoodii dhameeyay ayaa ugu danbayn 2016kii ku qasbay in ay magaalada u barakacdo.

“Maaddaama aan magaalo soo galay ayay igu dhalatay fikraddan, markii horena markaan baadiyaha joogay xoogaa dawo ah ayaan qaadan jiray, dadka ayaan ugu gargaari jiray intaan taariikhdeeda iska eego. Kaalinta caafimaadku waa tan ugu muhiimsan bulshada meel aan layga jeclayn ma jirto, burburkii ilaa hadda ayaan shaqeynayaa,” ayay tiri Sacdiyo.

Waxay xustay in ay ku faraxsan tahay shaqadeeda kalkaalisonimo oo ay ku maareyso nolosha afarteeda carruura, odeygeeda oo xanuunsan iyo shan carruur ah oo kale oo ay ayeeyo u tahay.  Xannaanada Jillab (3) waxaa hirgelisay hay’adda World Vision.

“Waxaan dareemayaa mahad Alle, aqoontayda Ilaahay ayaan ku mahadiyaa, aniguna waan dedaalay marna aqoonteyda ma xoorin. Waxaan ku noolahay buushkeygii baadiyaha aan kala imi, waan jeclahay in aan barakac ka baxo, waxaan ku qanacsanahay in aan dad ila mid ah la noolahay,” ayay tiri Sacdiyo oo hadda sheegtay in nolasheeda ay ku faraxsan tahay.

Cabdifitaax Maxamed Nuur oo 27jir ah ah isna waa barakace kale oo Kaamka ku leh Farmashiye ay barakacayaashu ka helaan dawooyin.

Cabdifitaax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 2008 uu muddo labo sano ah uu dawooyinka ku bartay magaalada Gaalkacayo, isagoo markaas kaddibna miyiga u baxay si uu xoolaha ula dhaqo qoyskiisa oo u baahnaa kuwaa oo ku noolaa miyiga gobolka Mudug balse abaarihii 2016kii ayaa sababay in qoyskooda ay xooluhu wada dhaafeen oo ay ku soo xeroodeen kaamkan Jillab ee Garoowe.

Baahi Farmashiye oo ka jirtay kaamka ayuu xusay in ay ku dhalisay in uu ku shaqeysto xirfaddiisa, waxaana furashada farmashiga ka caawiyey dad ay qaraabo yihiin.

“Baahida meesha ka jirtay iyo xirfadeyda oo ahayd mid loo baahnaa ayaan isla helay, aad baan ugu faraxsannahay in aan xirfadeyda ku shaqeysto, waxbaan hadda bartaa oo online ah, waxaan jeclahay in aan sii siyaadsado cilmiga, Caqabado waa iska jiraan, isma bixiyaan waxa soo baxa iyo waxa kugu baxay waxbarashada, waxaan qabnaa rajo aan kaga baxo barakaca,” ayuu Cabdifitaax oo ku hamminaayo in uu sii kobciyo ganacsigiisa. .

Cabdifitaax hadda waxa uu luuqadda Ingiriisida iyo casharro caafimaadka ah bartaa bar internet oo Online ah, wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay shaqadiisa uu na u arko mid uu ugu adeego bulshada kale ee barakacayaasha ah.

Cabdifitaax carruurtiisa oo shan ah, afar ayaa waxbarasho u dhigato, waxana uu sheegay in bishii dhaqaale ilaa $250 ah ay uga soo baxdo farmashiyaha; taasi oo ku mareeyo nolosha qoyskiisa iyo tan waxbarashada carruurta.

Ilaa 520 qoys oo reer guuraa xoolihii ka dhammaadeen u badan ayaa ku nool kaamka Jillab, kuwaa oo soo degay abaarihii 2016kii, halkan kama jiro adeegyo bulsho marka laga reebo caafimaadka oo xannaano iyo farmishiyaha gaar loo leeyahay, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cabdiraxmaan Xasan Cabdi oo ah oo ka mid ah guddiga Kaamka Jillab.

“Dadka soo barakacay wax ay helaan ma jirto, biyo ma leh, caafimaadka MCH-kaas uun ma ahee waxkale oo la taaban karo ma leh, Waxbarasho haba sheegin, ilmaha baabuur ayaa lagu qaadaa oo lix kun laga qaadaa si ay u gaaraan iskuulada,” ayuu Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qoysaska awooda in ay ubadkooda u diraan waxbarasho ay magaalada oo 5km u jirta u diraan taasi oo ku adag ilmaha iyo in qoysasku ay maalin kasta ay ilmaha ka bixiyaan lix kun oo shilin Soomaali ah oo baabuurka ah.

Waxa uu tilmaamay in raashin aan joogto ahayn ay ka helaan WFP balse dadkan barakaca ah ay noloshooda ku maareeyaan shaqooyinka kale duwan sida dhar-dhiqista, baalashka iyo kuwo kale oo ay magaalada u soo doontaan. Barakacayaashan reer guuraga ahaan jiray waxaa ay ka kala yimaaddeen deegaannada gobolka Nugaal iyo woqooyiga gobolka Mudug.

Ka sokow baahiyaha adeegyada bulshada, dadkan waxaa dhib ku ah dhulka oo ay sheegeen in dadkii lahaa ay ugu goodiyaan in laga rarayo, walow aan marna laga rarin intii ay deggenaayeen.

 

Previous Post

Roobab ka da’ay gobolka Bay

Next Post

Isbitaallada Muqdishu oo ka faa’iidaystay warshad soo saarta Ogsejiinka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Isbitaallada Muqdishu oo ka faa’iidaystay warshad soo saarta Ogsejiinka

Isbitaallada Muqdishu oo ka faa'iidaystay warshad soo saarta Ogsejiinka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo