Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Isbitaallada Muqdishu oo ka faa’iidaystay warshad soo saarta Ogsejiinka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 8, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Isbitaallada Muqdishu oo ka faa’iidaystay warshad soo saarta Ogsejiinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay u fududaatay helista adeegga ogsejiinka ee loo isticmaalo in dadka xanuunsan lagu siiyo neefta kadib marki warshada sooraata hawadan laga hirgaliyay magaalada.

Dr Cawaale Maxamed Cabdullahi oo ka howlagala isbitaalka  ee Muqdisho ayaa sheegay in waayadii hore ay aad u adkayd in la helo ogsejiin diyaar ah oo mararka qaar ay dhici jirtay in dadku u dhintaan Ogsejiin la’aan. Wuxuu sheegay in ay jiraan laba nooc oo neefsiga qofka lagu siiyo, mid si kumeel gaar ah loo istimaalo iyo mid haan ku jira oo saacado badan qofka ahayn kara.

“Isticmaalkiisa waxaad mooda in uu aad iyo aad noogu badan yahay bukaanada qarkood, dadka qaarkood ayaa kuu imaanaya markaa aad neeftooda fiiriso, qaadashada neeftooda uu ka hoseeyo 92%, waxaan ku qasabannahay in aan oxygen siino, oxygen waxyabaha kale ee muhiimka noogu yahay waxaa ka mid ah marka isbitaalada joogno qaliin qofka u sameeyno la suuxiyo oo kale,” ayuu yiri Dr Cawaale oo soo dhaweeyay furitaanka warshadan.

Wuxuu sheegay in ka hor warshadan laga keeni jiray dalalka Kenya, Jabuuti iyo Yemen, wuxuu sheegay in mararka qaar uu soo daahi jiray.

Dr Cawaale ayaa daahidda oxygenka laga keeno waddamada kale ku sheegay in ay sabab u tahay isagoo ka mid ah waxyaabaha qarax loo isticmaalo sidaa darteedna ay adag tahay in diyaarad qaadda.

“Hubin toos ah ma jirto laakiin waan ku kalsoonnahay, qalabka ayaa lagu xirayaa cabirka loogu talo galay qofka, labo sedex qof ayaa u baahan kara, Waxaa kale oo u baahan dadka ku jira xaaladaha gargaarka degdegg ah, Bukaanno u baahan ayaa jira oo aan la talino sida ay u isticmaalaan in kasta oo khatar badan yahay, sidaa darteed guriga kuma isticmaali karaan waa in ay helaan dhaqtar,” ayuu yiri Dr Cawaale oo sharxaayay muhiimmada uu leeyahay Ogsejiinka.

Warsjhadan laga hergeliyay magaalada Muqdisho ayaa dhaqaale ahaan wax wayn ka tartay helidda ogsejiinka, iyadoo hadda haanta 42kg ah ay warshadu iibiso $200 halka markii hore kuwa debedda la keeno ay ahaayeen $500.

Abuukar Maxamed Xasan Lafoole oo ah maamulaha shirkadda Warshadda Som-Oxygen oo la furay sanadkii hore ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay kadib la ogaaday in ay jirto baahi wayn oo ah in loo helo ogsejiin bukaannada kala duwan.

Warshadan ayaa waxaa aasaasay aqoonyanoo hore iyo kuwa dhawaan sanadadan danbe ka baxay jaamacadaha dalka.

Abuukar wuxuu sheegay inay adeegan gaarsiiyaan magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Cadaado iyo meelo kale oo dalka ah.

Warshadan xarunteeda Muqdisho ayaa waxaa shaqo abuiur ka helay 50 ruux.

“Dhammaan gobollada waan gaynaa, qayb guryaha ku istimaala, waxaan ka dhalinaa hawada Soomaaliya, habeenki la daaro, ICU-ka, haanti waxaa ku jiratan 40 KG, qayb guryaha iyo gaawaarid gargaarka deg deg ah,” ayuu yiri Abuukar.

Dr Musfataf Cismaan oo ah dhaqtar cudurada guud kana shaqeeya isbitaalka Durdur ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marki hore ay caqbad kaga imaan jirtay neefta qofku u baahan yahay oo aan diyaar ku ahayn isbitaallo.

“Oxygenta oo diyaarsan oo warshada ay sameeysay oo noola keeno oo bukaankayaga u isticmaalno, taasina waxaa ay naga anfacday baahi badan oo aan qabi jirnay, dhibbaatooyin badan ayay naga dabooshay warshada. Waxaa kale oo ay noqabata baahi badan oo waxii oo deg deg ah meeshina way noo dhawdahay, markasta ayaan heli karnaa,w alwal badan oo na heysan jiranyna waa naga haray,” ayuu Dr Musfataf.

Bukaannada qaar, ayaa waxaa waajib looga dhigaa in ay ogsejiinta ay ku isticmaalaan guryahooda balse marwalaba ay tahay inay helaan dhaqaatiar talo ka siiya isticmaalka iyo in marka ugu horeysa bukaanka uu ku isticmaalo gudaha isbitaalka si uu ula qabsado.

“Caqabadaha ugu muhiimsan ay lakulmaan waxaa ka mid ah mashiinka kuma isticmaali karaan gurigooda, oxygen ka sidoo kale kuma isticmaali karaan, waxaa ay ku qasaban yihiin in marka kowaad ee ay cusbitaalka tagaan iyo inay helaan makiinada yar oo naqaska fureyso ay marwabalba helaan si ay u caawiso,’ Dr Cawaale Maxamed.

 

Previous Post

Garowe: Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dad ku nool xero barakac

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 8–OCT–2019

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 8–OCT–2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo