Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Roobab ka da’ay gobolka Bay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 7, 2019
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Sadaasha roobabka

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roobka dayrta ee curtay ayaa Todobaadkan ka da’ay deegaanno dhaca koonfurta magaalada Baydhabo, kaddib muddo seddex sano ah oo ay deegaannadaas wajahayeen abaaro isxigxigay. Abarahaas ayaa saamayn ba’an ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool gobolka Baay.

Roobabka oo qaarkooda ilaa lix saac ka badan ka da’ayeen tuulooyinka ayaa biyo dhigay ilaa 35 warabiyood oo sanado biyo aan laga cabin. Warahaan ayaa ku yaalla deegaannada kala ah Hagarka, Bogangooy, Buula Neebsooy, Sabyi, Bootis, Tegow, Soomow, Baanow, Goofgaduud, Buula-Hereer iyo Buula-liilow.

Sahra Maxamed Cabdisalaan, waxay ka mid tahay qoysaska degan tuulada Bootis oo magaalada Baydhabo dhanka koonfurta uga beegan 47KM. Sahra waa beeralay sidoo kale waxay dhaqataa lo’a aan badneyn. Seddexdii sano ee la soo dhaafay Sahra meel na ugu ma barakicin deegaanka, iyadoo u dhaabar adeegtay abaarta.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka uu roob helay maalintii jimcaha ahayd.

Qoysaskan oo Sahra ay ka mid tahay roobabkan waraha u buuxiyay ayaa waxaa uu ka fududeeyay socod dheer oo ay u gali jireen helidda biyaha.

“Warihii waa buuxsameen, rafaad, dandaro iyo haraad ayaan soo aragnay oo nafteena halis galeysay, Allaa mahadleh, waraha waa wada buuxsameen, dhaansi ayaa u dhamaanay, waxaan bixi jiray subaxdii ilaa makhrabkii ayaan ku maqnaan jirey,” ayay tiri Sahra oo hadda rajo ka qabto in ay dib u beerato beerteeda.

Ceel Raaxole oo ah ceel biyood kuwa gacanta lagu qoday ah oo tuulada ay ku nooshahay Sahra u jira socod dhan lix-saacadood ayaa marar kala duwan iyadoo xaamilo ah dhabarkeeda biyo uga keeni jirta. Waxaana 20-laha biyaha laga siinayay shan kun oo shilinka.

“Cidii gaari dhaansan karta iyo qofkii dhabarka ku qaadanaya waa la dhaansanayay ciriiga iyo culeyska jira aan la sheegi Karin,Kuleylka oo jira ayaa mararka qaar gaba la,aan socon jirey anigoo jirgaan dhabarka ii saaran,sedax sano Dayrt iyo Gu leh ayaa cagaha biyo I gashanayeen,dumar waa iska taqanaa mararka qaar anigoo xaamilo ah ayaa silacaas mari jirey,hada umul ayaan ahay,Caruurta cidlada uga tagi jirney,waxaan u imaanayay iyagoo oohin dhamaystey haraad tacbaan la,ah”

Qoyska Sahro waa todoba ruux oo haysta shan neef lo’ ah. Sahro ayaa sheegay in hadda ay rajaynayso in daaq fiican ay u hesho xoolaheeda.

Xuseen Cadow Maxamed, oo ku nool yahay Hakarkaa oo Baydhabo u jirta 45KM, waxaa uu  Raadiyo Ergo u sheegey in labadii sano la soo dhaafay dadkii deegaanka la deganaa oo beeralay u badnaa uga barakaceen deegaanka xaalad biyo la’aan oo ka dhalatay roob yaraanta.

Sideed war biyood oo Hakarka keliya ku yaalla ayaa dhammaantood buuxsamay kadib roob fiican oo uu deegaanka helay.

Wuxuuna sheegay Xuseen Cadow in ilaa sanad lagu baxsan karo biyaha hadda waraha deegaanka galay.

“Ilaa laba sano qaleel daran oo dhanka biyaha ah ayaa dhacday, Dameerada biyaha lagu dhansanayay baaba’ ayay joogan, dadka dhibaato uma yara, hadda laakiin dhaansiga dadka iyo xoolaha dhibaato kama jirto,” ayuu yiri Xuseen oo ku faraxsan roobka ka curtay deegaankiisa.

Macalin Mukhtaar Cabdi, oo ku nool tuulada Tegow oo 50km Baydhabo u jirta wuxuu haystaa 100 oo ari ah oo uga badbaaday abaartii la soo dhaafay.

“Warta Geel-bariis ayaa ari ka waraabinayaa, waa war caan ah, roob wayn oo barako wata ayaa ka da’ay, beerihii waa la abuurayaa, xoolalayda way fahmeysan yihiin, dumarka madaxooda ayaa biyo ku wadaan sidii ay doonan ayay u dhaansanayaa warta,” ayuu yiri Macalin Mukhtaar.

Abaarta daba dheeratey ee deegaankooda ka jirtey ayaa Mukhtaar sheegay in dishay 10 lo,a ah iyo 30 ari ah.

Mukhtaar boqolka neef ee ariga ah ayuu marba meeshii daaq loogu sheego u la guurayay. Mukhtaar meesha ugu fogeed ee uu arigiisa u raray ayaa ah Gobalka Shabeellada Hoose.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 7–OCT–2019

Next Post

Garowe: Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dad ku nool xero barakac

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Garowe: Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dad ku nool xero barakac

Garowe: Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dad ku nool xero barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo