Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

CADAADO:-XOOLO-DHAQATO-BEERALEY-NOQONEYSA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 16, 2015
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
CADAADO:-XOOLO-DHAQATO-BEERALEY-NOQONEYSA

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Daaq yari ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday ee adkeeyay nolosha dadka reer guuraaga ah ayaa xoolo-dhaqatada gobolka Galgaduud horseeday inay isu badaleen xoolo-dhaqato  beeraley. Xoolo dhaqasho-beeraleynimada waa hab nololeed ku cusub gobolada dhexe oo caan ku ah dhaqashada xoolaha, laakiin ah dhul tacabka beerahu aysan ku badneyn.

Cabdullaahi Nuure waa lixdan iyo shan sanno jir noloshiisa oo dhan xoolo-dhaqde ahaa. Wuxuu leeyahay sagaal carruur ah iyo xaas. Markii uu daaq  ku filan u waayay xoolohiisa oo badidood haraad iyo cows yari u dhintay, ayuu ka fikiray il dhaqaaleed kale oo ku tiirsanaado. Wuxuu noqday xoolo-dhaqde-beeraleey sanadkii hore, isago oo markii ugu horreysay noloshiisa tacabka ka bilaabay deegaanka God-Dhurqaa oo degmada Cadaado u jirta 20km.  “Waxaan beertay digir iyo qare oo waxaa iga soo galay lacagtii ugu badneyd oo cad oo aan mar qura helo oo dhan $2000,” ayuu yiri  Cabdulaahi.

Nolosha beeraleynimadu wuxuu ku tilmaamay mid degan oo si sahlan hormar looga sameyn karo marka la barbardhigo tan reer guuraaga.  Beeraleynimadu waxa ay xitaa xal ugu noqotay daaqyarida xoolohiisa, isagoo beerta ka helay caws uu u dhigo xoolahiisa oo hadda dhan 160 neef oo ari ah. “Nolosheynu aad bay u wanaagsan tahay.  Xoolo waan heystaa, beerna waan tabcadaa,” ayuu yiri Cabdulaahi oo la hadlay Raadiyoow Ergo.

Deegaanka God Dhurwaa ee duleedka magaalada Cadaado ku yaal ma ahan dhul leh taariikh fog oo dhanka tacabka ah. Kow iyo toban sanno kahor ayaa beertii ugu horreysay laga hirgeliyay. Cabdiraxmaan Abshir oo qoyskiisu ku ceyrtoobeen abaaro deegaanka kusoo noqnoqday ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee beer ka tabca deegaankaas. “Xoolihii baa haraad iyo caws yari iiga baqtiyay, carruurtana waxaan u waayay wax ay cunaan. Kadib baan bilaabay in aan tacabka beeraha ka fikiro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu hadda leeyahay dhul beereed dhan afar hiktar oo ay sanad walba la guro dalagyo ay ka mid yihiin digir, qare iyo khudaar kala duwan. Waxaa sidoo kale u baxa geed miroodyo dhowr ah oo ay Babaay iyo Liin ka mid yihiin. Tacabkaas badidiis waa loo soo dhoofiyaa suuqyaada gobolada dhexe. Wixii ka dambeeyay markaas, waxaa Cabdiraxmaan kusoo biiray beeraley kale oo dhan kontan qoys. Badidood waa xoolo-dhaqato beeraley isu badashay. “Noloshiinnu way degan tahay; guur guurka waan ka nasanay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo sheegay in carruurtiisu ay u heshay waxbarasho joogta ah.

Curadkiisa oo hadda saddex iyo toban jir ah wuxuu dhigtaa Dugsi Sare oo ku yaal magaalada Cadaado. Carruurta kale waxa ay ku jiraan dugsiga hoose, iyagoo u hoyda qoyskoosa. “Waxbarasho iska dhaafi, ma aysan heleen deganaan haddii aan reer guuraaga uun sii ahaan lahaa,” ayuu Cabdiraxmaan u sheegay Raadiyoow Ergo.

Laakiin helitaan biyaha oo yar, iyo cilmiga iyo wacyiga la xariira tacabka oo aad hooseeya ayaa caqabad ku ah kobaca beeraha gobolada dhexe, sida uu sheegay Bashiir Maxamuud oo ah cilmiga beeraha ku takhasusay. “Dadkaani ma ahayn kuwo beerasho-yaqaan ah, mana aysan helin tababar iyo aqoon-kaab la xariira beerashada,” ayuu yiri Bashiir. Maadaama dhulku oomane yahay, ciidana oo dhan aan biyo la gaarsiin karin, Bashiir wuxuu sheegay in xoolo-dhaqatada beeraleyda noqoneysa in ay u baahan yihiin tababar la xariira hab geedka keligiis biyo lagu siin karo.
Diirshe/MH/MR

Previous Post

Baardheere: Dadka oo raashin keydsanaya cabsida Elnino awgeed

Next Post

Baydhabo: Daad la tegay carruur

Related Posts

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Baydhabo: Daad la tegay carruur

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-AUG-2026

IDAACADDA 14-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-AUG-2026
August 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo