
Dadka ku dhaqan xaafadaha daadadka u nugul ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa bilaabay in raashinka iyo agabka muhiimka ah u rartaan dhulka taagga ah ee degmada ka tirsan. Keyd-raashineedka iyo agabyadaas ayaa laga la baxayaa shan xaafadood oo ka tirsan degmada oo dhamaadkii sanadkii hore ay daadad ku rogmadeen. Tan ayaa qeyb ah u diyaargarowga fatahaad ka dhalata roobka deyrta oo socon doona ilaa dhamaadka sanadka.
Degmada Baardheere waxaa mara webiga Juba iyo togweyn oo mararka qaar biyaha ku fatahiya magaalada. Cali Maxamuud wuxuu ka mid yahay dadka degan xaafada Horseed. Wuxuu raadiyoow Ergo u sheegay in uu raashin iyo agabyada muhiimka ah u rartay xaafada Waaberi oo ku taal dhul sarre oo dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada. “Waxaan doonayaa in aan xaafadaas u guuro haddii aan aragno daadad halis nagu noqon kara,” ayuu yiri Cali. “Wax walba oo fudud ayaan hadda sii qaadaneynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cali.
Ganacsatada ayaa iyana kordhiyay raashinka ay usoo dhoofiyaan magaalada, iyadoo magaalada la keenay gawaari kontan ka badan oo raashin wada labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. Raashinkaas ayaa lagu keydiyay dhulka taagga ah ee Baardheere ka tirsan, sida uu sheegay ganacsade Cali Maxamed. Wuxuu ganacsaduhu intaa ku daray in magaalada uu yaal raashin ku filnaan kara muddo saddex bilood ah haddii ay daadad go’doomiyaan.
Laakiin dadka beeraleyda ah ayaa ka welwelsan in daad ka dhasha roobka deyrta uu la tago tacabkii sanadkan. Waxa ay sidoo kale ka cabsi qabaan in uu baaqdo tacabka beeraha ee xilliga deyrta daadka awgood. “Degmaddu ma lahan wax baaldoosaro ah, waxay isticmaalayaanna keliya waa gacmaheenna,” ayuu yiri Cabdulaahi Cali oo xubin ka ah guddiga beeraleyda ee degmada.
Degmada Baardheere waxaa ku yaal tog weyn oo loogu talo-galay in uu biyaha ku shubo webiga Jubba ee magaalada mara, laakiin toddobaad lama dayactirin muddo ka badan labataan sanno. Wuxuuna biyaha ku fatahiyaa xaafadaha ku dhow ee degmada. Roob daad wata oo magaalada ka da’ay dhamaadka sanadkii hore ayaa horseeday in toggan biyo ku shubo shan xaafadood oo ka mid ah degmada. Dad ka badan afar kun oo qof ayaa ku barakacay daadadkaas oo guryo dumiyay, xoolana la tagay.











