(ERGO) – Dhaqaale darro iyo soo kabasho la’aan ayay wajahayaan ganacsato ku hanti beelay dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho shanta bishii April ee sanadkan, kaas oo baabi’iyay 200 mehradood. Hantiilayaashii shalay ayaa maanta ah kuwo maareyn la’ nolosha qoysaskooda, sida waxbarashada, cuntada iyo kirada guryaha. Taas waxaa u sii dheer deyn kummaanaan Doollar ah oo lagu leeyahay.
Yuusuf Cabdi Maxamed oo aysan waxba uga badbaadin carwo dharka lagu gado oo uu lahaa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu ka quustay in ganacsigiisii uu dib u soo celiyo. Wuxuu tilmaamay in tan iyo horraantii bishii hore uu yahay guri joog aan haysan dhaqaale uu ku dabaro nolosha qoyskiisa.
“Wixii masaakiinta ahaa ee i dulsaarnaa meel aan wax uga keeno ma aqaano. Maanta haddii hilibkeyga laga kariyo guriga way iska cunayaan ilaa waxba lama hayee. Ilaahay ayaa wax haya.”
Yuusuf ayaa xusay in reerka uu ku biilo deyn uu dukaamo ka soo qaato, taas oo uu tilmaamay inaysan sii socon doonin haddii uusan bixiyo tan hadda lagu lee yahay oo ah $275.
Ninkan oo ah aabbaha10 carruur ah ayaa xusay in carwada ka gubatay hantida tiilay ay aheyd $70,000. Lacagtaas soddon kun oo ka mid ah ayuu tilmaamay inay tahay deyn lagu leeyahay.
Dabka ayaa ku soo beegmay xilli uu soo adeegtay dhar badan si uu uga faa’ideysto dadka u diyaar garoobayay ciidda soon-fur, maaddama lagu jiray toddobaadkii ugu damabeeyay ee bishii Ramadaan.
Filashadiisii wanaagsaneyd waxaa bedelay dab xilli aroor ah qabsaday goobtiisa ganacsi oo il dhaqaale u aheyd muddo 29 sano ah.
“Deyntii waa layga rabaa oo nimanka igu leh suuq ayaa gubtay iyaga ma quseyso, waxna ma cafinayaan. Meel aan ka keeno ma aqaano oo xoole kale ma lihi, markii horaba xamaali ayaan ku keenay.”
Yuusuf ayaa tilmaamay in xaaladaas lama filaanka ah ee soo martay naxdintii uu ka qaaday ay sababtay in cudurka dhiikarka uu ku dhaco, kaas oo uu ogaaday markii uu baaritaan caafimaad ku maray isbitaalka Kalkaal.
Ninkan oo 65 jir ah ayaa sheegay in rajo xumada uu wajahayo ay u dheertahay walaaca ay ku hayso xal u helis la’aanta waxbarashada carruurtiisa.
Lix ka mid ah oo dhigata iskuulka hoose iyo dhexe ee Sayudiib ayuu sheegay in bishii la soo dhaafay uusan bixin lacagta laga qaado oo ah $60, tan xigtana uusan meel ku ogeyn.
Sidoo kale wiil uu dhalay oo dalka Bangaladesh jaamacad ka dhigta ayuu sheegay inuu u awoodi waayay $300 oo iskugu jirta noloshiisa iyo waxbarashada, taas oo bil kasta uu ka bixin jiray.
Bishii hore waxaa caawiyey dhallinyaro ay wax wada bartaan oo qarashaadka ka bixiyay, balse taasi ma aha taageero u sii socon doonta.
Gubashadu ma saameyn milkiilayaasha oo kaliya ee waxaa shaqo la’aan ku noqday 65 qof oo mushaar bille ah ka heli jiray suuqa.
Waxaa ka mid ah Anfac Yuusuf Cali oo qoyskeedu cunno yari ka dhaxlay, xaaladaas markii uu dabku soo gabagabeeyay mushaar $400 oo bishii ay ka qaadaneysay Carwo lagu gado dharka dumarka oo muddo afar sano ah ay iibka u qaabil saneyd.
Wali may helin fursad kale oo shaqo, goobtii isha dhaqaale u aheydna ma soo kaban. Qoyska oo kaligeed ay u shaqeyn jirtay ayaa hadda hal waqti dabka ku shita raashiin kooban oo ay ku soo qaaday deyn ay mudeysay inay bixiso marka ay shaqo hesho.
“Reerka biil ayuu u baahan yahay. Deyntii waa la iska rabaa. Kharashaadkii ilmaha ee waxbarashada waa la iska rabaa. Shalay wax culeys ah iguma heyn sababtoo ah waxaan ahaa qof shaqaysanaya, maantana waxaas oo dhan maaro uma hayo.”
Anfac oo 24 jir ah iyo afar ay walaalo yihiin waa agoon. iyada ka hor wuxu reerku ku tiirsanaa hooyadeed oo shaaha ku gadi jirtay waddooyinka, balse way iska daysay, markii ay shaqo bilowday gabadheeda oo curad ah.
Qoyska ayaa deggan guri laba qol ah oo kiradiisa oo bishii ah $40 aan la bixin tan iyo markii Anfac ay shaqo la’aanta noqotay.
Suuqa oo aan dab damis laheyn waa sababta keentay inay baaba’do hanti badan oo la badbaadin karay. Waa musiibo aan kala reebin dabaqad kasta oo ay la haayeen dadka halkan ku ganacsan jiray.
Gubashada suuqa bakaaraha waa arin aan dadka ku cusbeyn oo soo noqnoqotay. Sida uu xaqiijiyay maamulka suuqa dabkii u dambeeyay wuxuu ka dhashay xargaha korontada.
Cabdifitaax Maxamuud Ciise oo ah injineer ku takhasusay qorsheynta dhismayaasha suuqyada ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sababta dhibaatada soo celcelisay ay tahay suuqa oo aan laheyn nidaamka ka hor tagga iyo la tacaalidda haddii uu dab kaco.
“Marka Soomaaliya lagu saleeyo waxyaabaha soo celiya gubashada suuqyada waxaa ka mida ah maamul xumada. Waxaad arkaysaa korontadii iyo kaalmihii shidaalka oo is dhexdaadsan, goobihii ganacsiga ayaa feerta isku haya mana jirto wax ka hortag ah oo muuqda.”
Cabdifitaax ayaa xusay in xal loo heli karo dabka soo noqnoqday, balse taasi ay u baahantahay in wax laga badalo qaab dhismeedka suuqa oo ah mid isku raran ah.
“waxaa loo baahan yahay markii la sameyno in mustaqbalka la eego. Waa in wadooyinka la baneeyo, in la kala fageeyo kaalimaha iyo meelaha shaaha lagu gado, waa in fiilooyinka iyo korontada meelaha daadsan la nidaamiyo, ganacsatada waxaa laga rabaa in ay u naxaan hantidooda.”
Adeegga dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ah mid aan wali awood laheyn, balse dhismahiisu socdo sida uu sheegay maamulku.