Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beledweyne: Bulshada oo iska xiraya biyo-mareeno

Radio Ergo by Radio Ergo
October 5, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Beledweyne: Bulshada oo iska xiraya biyo-mareeno

Photo | Sawir/waddada la dhisayo/Beledwayne/Makaraan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dadka degan xaafadaha degmada Baladweyne ee ku dhow webiga ayaa bilaabay dhismaha iyo caro-tuurka wado biyo-mareen noqotay oo ku taal barriga magaalada. Wadadan oo Laanta Tiimbo la yiraa ayaa bohol noqotay, iyadoo biyaha buuraha magaalada ku dhow iyo kuwo webiga kasoo rogmada ku fatahisa  xaafadaha barriga ee Baladweyn. Dhismaheeda ayaa qeyb ka ah dedaal dadka deegaanku uga gaashaamanayaan daadadka laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobka deyrta ee bilowda bisha Oktoobar.

Lacag dhan shan kun oo doolar ayaa ku baxeysa dhismaha iyo carro-tuurka wadadan oo dadka degan xaafadaha ku dhow ay horey u barokici-jireen xilliyada webigu biyo badan keeno ama ay da’aan roobab daadad wata. Lacagtan waxaa laga ururiyay ganacsatada iyo bulshada deegaanka. “Qof walba oo degan xaafadahan wuxuu ku tabarucaa dhaqaalaha uu awoodo. Ganacsataduna garab weyn bay noo yihiin,” ayuu yiri Cumar Daahir oo ka mid ah u qeybsanayaasha howshan.

Xaliimo Xuseen oo muddo afar iyo toban sanno ah degan xaafada Kooshin oo ka mid ah deegaanada sida weyn ay wadadan biyaha ugu deyso ayaa sheegtay in carro-tuurka jidka Laanta Tiimbo inay uga maarmayaan barokaca ay ku qasbanaayeen xilliyada roobabka xoogan iyo daadadku ay jiraan. Waxa ay Raadiyoow Ergo u sheegtay in sidoo kale wadadu u noqon karto marrin ay ku baxsadaan haddii jihooyin kale ay daadad uga yimaadaan xaafada. “Markii hore dadku ma aysan heli karin jid ay ku baxsadaan oo carruurta iyo dadka aan tabarta laheyn iyo xoolahuna go’doon bay geli jireen xitaa haddii ay biyaha ka badbaadaan,” ayey tiri Xaliimo.

Weriyaha Raadiyoow Ergo ee Baydhabo wuxuu sheegayaa in xaafadan si joogta ah ay biyaha webiga iyo roobkuba ugu soo rogmadaan, iyagoo nolosha dadka halis geliya, guryana dumiya.  Daadadkii ugu dambeeyay ayaa xaafada Kooshin ku rogmaday bishii April ee sanadkan oo roob aan xooganeyn uu da’ay.  Xoolo iyo guryo dhowr ah ayuu la tagay roobkaas oo dadka xaafadana barakici yahay. “mararka qaar wadada biyo ayaa xira oo baabuur gurmad ah xitaa nooma imaan karin,” ayey tiri Xaliimo.  Saddex sanno kahor, daadad isla xaafadaas kusoo rogmaday ayaa dilay 12 qof oo ay ka mid ahaayeen carruur iyo dad waayeel ah.

Previous Post

BADHAADHE OO LAGA MAMNUUCAY UGAARSIGA

Next Post

Baardheere: Dadka oo raashin keydsanaya cabsida Elnino awgeed

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Baardheere: Dadka oo raashin keydsanaya cabsida Elnino awgeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-FEB-2026

IDAACADDA 11-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo