(ERGO) – Samafale da’yar oo is xilqaamay ayaa ku guuleystay inuu xabsi ka sii daayo dhallinyaro dhiggiisa ah oo sannado u xirnaa deymo lagu yeeshay oo ay waayeen cid ka bixisa.
Cabdullaahi Maxamed ayaa sabab u noqday inay xorriyadooda helaan siddeed maxbuus oo ku xirnaa magaalada Muqdisho. Waxay dib ula midoobeen qoysaskoodii ay kala baadeen.
Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdifitaax Maxamed Dhaqane oo bishii October ee 2025 ka soo baxay xabsiga dhexe ee caasimadda oo uu ku xirnaa saddex sano iyo lix bil.
Qoyskiisa ayuu hadda kula nool yahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wuxuu ku howlan yahay inuu dabaro nolosha afar carruur ah iyo hooyadood.
Wuxuu qabtaa shaqo aan joogta aheyn oo ah sameynta mobilada, taas oo maalinka uu helo uu ka soo galo dhaqaale gaaraya $3. Wuxuu sheegay inuusan ku filneyn dhaqaalahaas, balse uu ku qasban yahay shaqadan inta uu ka helayo mid kale.
“Hadda been kuuma sheegayo, hal qol oo ka jiingad ah ayaan hadda ku jirnaa. Magaaladan ayaan wax ka raadinayaa si aan u helo labo Doollar ama saddex Doollar oo aan reerka dabka ugu shido. Kiradii guriga ayaa maanta la igu haystaa, mulkiilihii ayaana iigu yimid guriga, labo bilood oo kira ah ayaa la igu leeyahay. Macallinkii dugsiga isna lacag ayuu igu leeyahay.”
Sanooyinka uu xirnaa ayuu tilmaamay in qoyskiisu ay wajahayeen nolol xumo aysan wali ka soo kaban, maadaama uusan wali helin shaqo fiican.
Xaaskiisa ayaa nolosha reerka ku sii dabari jirtay shaqo dhar-dhaqid ah, taas oo marka ay weydo ay ku qasbaneyd in dadka ay weydiisato kaalmo, si hal waqti ay u shitaan dabka.
Cabdifitaax ayaa xusay inuu waxbarasho geeyay labo ka mid ah carruurtiisa oo waxbarasho la’aan ahaa inta uu xirnaa. Wuxuu bishii ka dhiibaa $14 oo marna uu helo, marna uu waayo.
“Muddo saddex bilood ah ayaan bannaanka joogaa, hadda labo bilood ayay dugsiga dhiganayaan. Toddoba doollar ayaa hadda la igu leeyahay, suuq xumo ayaana jirta hadda.”
Cabdifitaax oo 39 jir ah ayaa ku dadaalaya inuu dib u billaabo shaqadii uu qaban jiray inta uusan xabsiga galin, taas oo aheyd iibinta teleefannada.
Dhaqaale xummada haysa darteed, howshaas uma sahlana hadda. Qaabka uu ku shaqeyn jiray ayaa ahaa in qeyb uu lacagta bixiyo, inta kalana uu ku soo qaato deyn uu iska bixin jiray markay u gadmaan.
“Magaaladii hadda xaalkeeda waad aragtaa, qof kasta wuu ka shakisanyahay. Waxaa igu adag qarashkii aan moobaylada ku soo gadan lahaa ma hayo. Meeshu waxay u baahan tahay inuu qofku lacag haysto uu moobaylada ku soo gato.”
Ninkan ayaa la xiray bishii June ee 2022, markii lagu yeeshay $590 oo ah lacagta toddobo Mobile oo uu kasoo deyntay dukaan ku yaalla degmada Afgooye. Tuugo jidka u gashay ayuu tilmaamay inay ka dhacday, kadibna uu iska bixin waayay lacagtaas, taas oo keentay in xukun xarig ah ay ku riddo maxkamadda degmada Afgooye.
Dhallinyarada uu xabsiga ka soo daayay samafalaha ayaa ah kuwo aan dambi galin, balse la kulmay caqabado aysan dooran.
Cabdullaahi Maslax Idiris oo xorriyadiisa helay bishii September ee sanadkii hore ayaa ka mid ah. Shan sano ayuu u xirnaa lacag dhan kun oo Doollar ah oo ah xukunka nin ay isla dhaqayeen gaari oo si aan ku talo gal aheyn uu xusul uga jabiyay ilkaha.
Qoyska uu ka soo jeedo oo danyar ah ayaa awoodi waayay inay ka bixiyaan lacagtaas. Quus ayuu sheegay inuu ku sugnaa xilliga la soo deynayay.
Wuxuu ahaa qofka kaliya ee ay ku tiirsan yihiin hooyadiis iyo toddobo carruur ah oo ah walaalihiis ka yar, kuwaas oo noloshooda uu ku dabari jiray $5 illaa $15 oo uu ka heli jiray shaqada gaari dhaqista.
“Horta intaan xabsiga ku jiray waxyaabaha welwelka igu hayay ee aadka ii dhibayay markii aan xusuusto waxa ay ahaayeen hoyaday, walaalahay, noloshooda, iyo halka ay ku dambeeyaan. Ilaahay mar uun hadduu iga saaro ayay iga ahayd. Alxamdullilaah maanta bannaanka ayaan imid horta, waxaa mahad leh ninka isoo daayay.”
Cabdullaahi ayaa xusay in xirnaashihiisu uu qoyska biday inay gacan hoor sadaan dad qaraabada ah. Xaaladaas ayaa ah mid ay wali ku tiirsan yihiin, maadaama uusan wali helin wax shaqo ah.
Wuxuu la tacaalayaa dhaawac caabuq ah oo lugta ka soo gaaray intii uu xabsiga ku jiray. Wuxuu tilmaamay caqabad dib u dhigeysa inuu shaqo billaabay.
“Shaqo ayaan raadiyey, dadaal badan ayaan u galay sidii aan shaqo u heli lahaa. Maalin ayaan is-leeyahay shaqo dhismaha ah (shubka) qabso, laakiin dhibaatadu waxay tahay lugtayda oo boqonku ka naafada yahay. Markii aan isku dayey inaan shamiintada qaado, culayskii shamiintada iyo jilicdii lugta ayaa is-qabsan waayey, markaasay lugtii i dillaacday oo i xanuuntay. Hadda guriga ayaan iska fadhiyaa oo shaqo ma qaban karo.”
Cabdullaahi Maxamed Cali oo ah nin dhalinyaro ah oo deggan magaalada Muqdisho ayaa noqday rajada iyo garabka dad danyar ah, markii uu u istaagay qorshe bini-aadantinimo oo uu xorriyadooda dib ugu soo celinayo maxaabiista u xiran deymaha ay iska bixin waayeen.
Muddo sannad ah oo uu qorshahan waday ayuu sheegay inuu ku guuleystay in xabsiga uu ka daayo 8 dhallinyaro ah oo uu ka bixiyay lacago uu ka soo aruuriyay dad Soomaaliyeed oo baraha bulshada ka arkay ololaha uu billaabay.
“Qisooyinka iigu yaabka badnaa waxaa ka mid ah hooyo carruur agoon ah haysata, halkeedii wiil ee u shaqaynayayna haddana uu ka xiran yahay, aanan haysan maanta awood ay ku soo deyso, haddana wiilkeedii u baahan. Sanadkii 2024, dhexdiisa ayaan bilaabay. Illaa hadda lacagaha guud ee baxdayna waa illaa shan iyo toban kun oo Doollar.”
Qorshihiisa is xilqaanka ayaa dib u mideeyay qoysas danyar ah. wuxuu xusay in howshan uu sii wadayo oo aysan halkan ku ekeyn, haddii uu dhaqaale helana uu ku dari doono in shaqo abuur u sameeyo dadka uu soo daayo.
Boqollaal qof ayuu tilmaamay inuu ogaaday inay xabsiyada ugu jiraan deymo lagu leeyahay oo aysan bixin karin.
Waxay ula muuqataa arrin xalkeedu fudud yahay, haddii ay dadku u soo jeestaan oo leysku kaashado.
“Lacagta dadka waxaan ugu soo aruuriyaa dadka deegaanka Soomaaliyeed ayaan ka qaadaa, oo aan dhahaa ‘war qof baa halkaas ku xiran, xaaladdiisu sidaas ayay tahay, waxaan rabnaa inaan ka qaybqaadanno, xorriyaddiisa inaan siinno aan ku dadaallo maaddaama qofkaas uusan iska bixin karin. Dadka aan caawinno waxay joogaan magaalada Muqdisho iyo Shabeellada Hoose, Afgooye qaar baa ku nool.”
Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in sanadkan cusub uu qorsheynayo in xabsiga uu ka sii daayo in ka badan tirada uu hadda caawiyay.










