Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

BADHAADHE OO LAGA MAMNUUCAY UGAARSIGA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
September 23, 2015
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
BADHAADHE OO LAGA MAMNUUCAY UGAARSIGA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulka degmada Badhaadhe ayaa mamnuucay ugaarsiga door-joogta dib ugu soo noqoneysa dhulka hawdka ah ee gobolka Jubbada Hoose. Gudoomiye xigeenka degmada Maxamed Muxumad ayaa Raadiyoow Ergo u sheegay in mamnuucistu ay ka dhaqan-galeyso dhul hawd ah oo dhan 180km oo isku wareeg ah oo ku yaal xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Dhulkaas wuxuu ku yaal inta u dhaxeysa degmada Badhaadhe, deegaanka Kulbiyow iyo magaalada Xeebta ah ee Raaskaambooni oo duur-joog raxan raxan u socota lagu arkay horraantii bishan markii ugu horreysay muddo sanado ah. “Qofkii la qabto isaga oo dilaya ama dilay ugaar, maamulka ayaa kala wareegi doona hubkiisa. Wuxuu sidoo kale muteysan doonaa bil xarig iyo lacag ganaax ah oo $200 ah,” ayuu yiri Maxamed.  Maamulka degmada Badhaadhe waxa ay sidoo kale mamnuuceen iibinta hilibka ugaarta iyada ooqofkii ku luglahaada uu muteysan doono labaatan maalin oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $100.

Amarka maamulka degmada ayaa dabo-socda kadib markii door-joog raxan raxan u socota oo isugu jira Gorayo, Geri, Lo’gisi, Siigga, maroodi, libaax iyo Shabeel dib loogu arkay deegaanada oo horey u ahaa keymaha ugu weyn ee duur-joogta Soomaaliya ay ku noolaayeen. Halkaa waxaa ka howl-geli jiray ciidankii ilaalinta duurjoogta ee dowladdii kacaanka si ay uga hortagaan ugaarsiga. Duur-joogtaan oo la rumeysan yahay in markii hore ay hawdkaas uga qaxeen ugaarsiga xadka ka baxay ee burburkii dabo-socday ayaa hadda kasoo qaxay dagaalka ciidamada dowladda Kenya iyo kooxda Shabaab ku dhexmaraya keymaha Kenya ee Boni ee ku dhow xadka Soomaaliya.

Dadka xoolo-dhaqatada ah ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in qulqulka duur-joogta soo qaxday aad looga dareemayo tuulooyinka iyo dhulka daaqsimeedka xoolaha. Xasan Cabdi oo ah reer guuraa mudo dheer ku nool tuulada Fiila oo 10km u jirta deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegaya in duur-joog raxan raxan u socota lagu arkayo meel walba oo tuulada ka mid ah, iyaga oo aan waxyeelo u geysaneynin xoolaha iyo dadka la jira. “Ugaartaas oo aan aragno waxaa noogu dambeysay 1995-tii. Aad baan ugu faraxsanahay inay dib u soo noqdaan waayo waa quruxda dhulkeenna,” ayuu yiri Xasan oo la hadlay Raadiyoow Ergo.

Si kastaba, dib usoo noqoshada ugaartan ayaa lala xariirinayaa ugaarsiga oo hoos u dhacay Soomaaliya iyada oo dadkii ugaarsiga ku noolaa ay magaalo-galeen noqdeen, sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Badhaadhe Maxamed Muxumed. Maxamed wuxuu  amarka maamulka degmada ku sheegay in looga goleeyahay ilaalinta ugaartan dib ugu soo noqotay.

Maxamed Sahal Cumar/FM/ MR

Previous Post

Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

Next Post

Beledweyne: Bulshada oo iska xiraya biyo-mareeno

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Next Post
Beledweyne: Bulshada oo iska xiraya biyo-mareeno

Beledweyne: Bulshada oo iska xiraya biyo-mareeno

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo