Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

Radio Ergo by Radio Ergo
September 21, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

Keydka sawirrada/Dad iyo xoolo ka cabaya biyaha tamarta/Muxyadiin Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Saddex bil kahor dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool tuulada Boonkeey, ugu yaraan saddex saacadood ay u socon-jireen si ay biyo uga helaan ceelka ugu dhow oo ku yaal magaalada Baydhabo. Sidaas oo ay tahay, biyahu bilaash ma aheyn oo waxa ay ku qasbanaayeen inay lacag bixiyaan. Haddase, si joogto ah ayey biyo nadiif ah oo bilaash ah ugu helayaan tuuladooda oo 15km ku jirta magaalo madaxda gobolka Bay. Taa waxaa suurtogeliyay ceel tamarta ka hela leyrarka cadceeda ku shaqeeya oo deegaanka ay ka hirgelisay hey’adda qaxootiga u qaabilsan dowlada Norway ee magaceeda loosoo gaabiyo NRC.

Ceelkaas oo bishii saddexaad shaqeynaya ayaa  noqday il biyood ay ku haraad go’aan qoysas ka badan saddex kun oo ku nool tuulada oo xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira. Xaawo Sheekh Maxamuud oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa Raadiyoow Ergo u sheegtay in qoysas badan horey uga qaxeen deegaanka biyo la’aanta awgeed. “Marar badan markaan Baydhabo biyo u doonano waxaa dhici jirtay in aan dib usoo noqono annaga oo dhibic biyo ahna aan helin,” ayey tiri Xaawo. Waxa ay intaa ku dartay in xitaa mararka biyaha la helo in qiimaha lagu kordhin jiray taas oo u horseedi jirtay in dadka qaarkood dib ula noqon weelashooda oo maran.

Si kastaba, Xaawo iyo dadka la mid ah hadda waxa ay ku faraxsan yihiin inay deegaankooda laga hirgeliyay ceel ay si joogto ah biyo uga helaan. Ceelkaas wuxuu bulshada tuulada Boonkeey u sahlayaa inay xoolaha iyo beeraha ka waraabsadaan. Laakiin bulshada deegaankaas oo kali ah ma ahan ee xitaa dadka ku dhaqan tuulooyinka ku dhow ayaa usoo biyo-doonta ceelkan.

Ibraahim Cali wuxuu kasoo arooray tuulada Salboy  oo 15 km u jirta Boonkay. Isaga oo la sii galbanaya dameer dhowr jirkaan oo biyaha uu u duudiyay, wuxuu Ibraahim Raadiyoow Ergo u sheegay in ceelasha ku shaqeeya tamarta cadceeda laga dhaliyo ay wax weyn ka badalayaan nolosha dadka reer guuraaga ah oo biyo yaridu ay ka mid tahay dhibaatooyinka waa weyn ee heysta. Wuxuu intaa ku daray in ceelasha noocaas ah laga hirgelin karo xitaa dhulka fog ee ay korontada magaalooyinka aysan gaarin. Tuulada uu Ibraahim ka yimid ma leh wax ceel biyood ah, waxa uuna horey ugu aroori jiray magaalada Baydhabo u jirta in ka badan 30km.

Si kastaba, weriyaha Raadiyoow Ergo ee Baydhabo wuxuu sheegaya in ceelkan ku shaqeeya tamarta laga helo cadceeda uu bilow horleh u noqon karo haqab-beelka biyo ee dadka reer guuraaga ah ee ku tiirsan ceel-biyoodyada ku shaqeeya shidaalka oo qaali ku ah bulshada xoolo-dhaqatada ah iyo kuwo ku nool deegaanada aysan ceel-biyoodyadu ka jrin.

Previous Post

BIYO LA`AAN KA JIRTA DEEGAANKA TOWFIIQ EE GOBOLKA MUDUG

Next Post

BADHAADHE OO LAGA MAMNUUCAY UGAARSIGA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
BADHAADHE OO LAGA MAMNUUCAY UGAARSIGA

BADHAADHE OO LAGA MAMNUUCAY UGAARSIGA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo