Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BIYO LA`AAN KA JIRTA DEEGAANKA TOWFIIQ EE GOBOLKA MUDUG

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
September 9, 2015
in Cunto-Yaraanta
0
Cadaado oo laga mamnuucay ceel-biyoodyada afka bannaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Biyo la`aan ayaa ka jirta deegaanka Towfiiq oo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug u jirta 240km, sababo la xiriira roobabkii guga iyo deyrta oo aan si wanaagsan ugu di`in deegaanka.

Shaafici Axmed Cumar  oo ka mid ah dadka deegaanka oo Ergo lasoo xiriiray ayaa sheegay in 60 neef oo ari ah oo uu lahaa ay uga hartay 20 neef, iyagoo harraad u le`day. “Meesha noogu dhow ee biyo laga heli karo waxaa loo socdaa afar beri, lagamana helo biyo nagu filan, waana biyo qaraar ah oo iyaga ayaaba cudur laga qaadaa.” Ayuu yiri Shaafici.

Safiyo Maxamed Nuur oo iyadana ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in xoolaha marka loo waraab geeyo ceel 40km u jira deegaanka Towfiiq ay dhacdo in xoolaha qaar ay waddada ku dhintaan. Waxay sheegtay in biyaha ceelkaas oo dhanaan iyo qaraar ah darteed ay sababto in carruurtu ay ka qaadaan shuban biyood, oo deegaanku uusan heysan biyo kale.

“Anigaan kula hadlaya dorraad ayaan biyo dirsaday welina la iima keenin, biyo kalena guriga iima yaallaan. Waxaan indhaheyga saaray ari harraad waddada ugu dhintay.” Ayay tiri.

Guddoomiyaha deegaanka Towfiiq, Maxamed Cabduqaadir Axmed ayaa Ergo u sheegay in biyo la`aanta ka jirta deegaanka ay sababeen roobab yaraan, iyadoo dadka deegaankuna ay ku tiirsanaayeen baraagaha lagu keydiyo biyaha roobka. Wuxuu sheegay in haddii xaaladdu ay sidan kusii socoto ay dadku u dhiman karaan harraad.

“Ceel uma dhowa deegaanka, haddana baraaguhu waa qallalan yihiin, marka xoolaha ayaa ugu daran oo biyo la`aan u le`da, ceelka ugu dhow waa mid gacanta lagu qoday oo biyihiisu ay yar yihiin, isla markaana ay yihiin kuwo wasakh ah, sidaas bey dadku isaga cabaan biyahaas, oo weliba yar.” Ayuu yiri Maxamed, isagoo ku baaqay in gurmad biyo lala soo gaaro dadka deegaanka.

Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar/FM/MR

Previous Post

SOOMALILAND: DAD BAAHI IYO HARAAD U GEERIYOODAY

Next Post

Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo