Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

SOOMALILAND: DAD BAAHI IYO HARAAD U GEERIYOODAY

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
September 7, 2015
in Cunto-Yaraanta
0
Haweenka barkacayaasha tawakal oo u baahan gargaarka degdegga iyo adeegga caafimaadka dhalmada

Photo | Barakacayaal ku sugan Gaalkacayo/Sawir/kaydka/Takilo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

11 qof ayaa cunto-yari iyo haraad ugu geeriyooday deegaano dhaca galbeedka Soomaalilaan oo abaar ay ka jirto saddexddi bilood ee u dambeysay, sida ay sheegtay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaalilaan.
Maxamed Muuse Cawaale oo ah guddoomiyaha Hey’ada ayaa sheegay in sagaal ka mid ah dadkaas macluul iyo haraad ugu geeriyoodeen gobolka Selel oo ka mid ah deegaanada abaartu saameynta ugu weyn ku yeelatay. Saddexda qof ee kale ayaa ku geeriyooday tuulooyinka Bali-gubadle iyo Salaxley oo oo ku yaal hawdka koofurta Hargeysa.

Abaarta ayaa saameynta ugu weyn ku yeelatay dadka xoolo-dhaqatada ah iyo beeraleyda gobolada Selel, Awdal iyo Gebiley oo roob wanaagsan helin labadii sanno ee lasoo dhaafay. Bulshadaa waxaa abaarta u nugleysay isbedelka cimiladda, xaaluf ku yimid dhulka, biyo qabatinka dhulka oo yar, iyo hanaankii adkaysiga dadka oo dhintay, sida uu sheegay Maxamed.

Cabdirisaaq Waaberi Rooble, gudoomiyaha gobolka Selel ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in dadka xoolo-dhaqatada ah ay ka barakacaan gobolka, iyagoo oo qaarkood xoolahooda daaqsin iyo biyo ku raadinaya, halka qoysas abaarka ku ceyrtoobayna ay magaalooyinka galayaan. “Tiro ma leh xoolaha dhimanaya oo bakhtiga xoolaha meelkasta ayuu daadsan yahay,” ayuu yiri Cabdirisaaq. Wuxuu tusaale usoo qaatay, qoys lahaa saddex boqol oo neef oo ay u hartay sodon neef oo keli ah oo magaalada kusoo barakacay.

Cabdilaahi Maxamed Faarax wuxuu ka mid yahay boqolaal xoolo-dhaqatu ah oo ka barakacay gobolka Salel. Wuxuu u barakacay gobolka Hawd oo daaqsin iyo biyo ay ku tuhmayeen, laakiin xoolo-dhaqatadu isu timid deegaanka ayaa horseeday in daaqsin ku filan xoolaha oo dhan laga helo deegaankaas. Wuxuu Cabdilaahi sheegay in daaqsin yar oo kooban deegaanku leeyahay, laakiin waraha iyo barkadaha biyaha oo dhan ay gureen.  “Baligubadle baan joogaa, dhibin biyo ahna kuma haysanno,” ayuu yiri Cabdilaahi oo 80 ka mid ah xoolihiisu abaarta ku dhinteen. Waxaa u haray 150 neef oo keli ah.

Xoolo-dhaqatada oo kali ah ma ahan, laakiin abaartu waxa ay saameysay dadka beeraleyda ah ee gobolka Gebiley oo aan sanadkan beeraha tabcin roob la’aan awgeed.  Cabdiraxmaan Quule oo ah gudoomiyaha beeralayda deegaanka Ijaara ayaa Raadiyoow Ergo u sheegay in raashinkii keydka ahaa uu ka go’aday qoysas beeraley dhan 1200 oo qoys oo ku tiirsanaa miraha kasoo go’a gobolka. Wuxuu intaa ku daray in la joogi xilligii la guran jiray tacabka beeraha, laakiin sanadkan aysan mirna u go’in bulshada deegaanka.

Sagal Axmed Rooble/MX/MR

Previous Post

Buuhoodle: Ceelashii ugu horreeyay oo la hirgeliyay

Next Post

BIYO LA`AAN KA JIRTA DEEGAANKA TOWFIIQ EE GOBOLKA MUDUG

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Cadaado oo laga mamnuucay ceel-biyoodyada afka bannaan

BIYO LA`AAN KA JIRTA DEEGAANKA TOWFIIQ EE GOBOLKA MUDUG

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo