(ERGO) – Daad ka dhashay roobabkii guga ee da’ay ayaa qoyska Cabdinaasir Maxamed Xuseen dhaxalsiiyay hoy xumo, shaqo la’aan iyo cunno yari. Waxay ka mid yihiin 250 oo qoys oo 5 bishan ka barakacay deegaanka Docoley oo 45 km dhanka bari ka xiga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Qoyskiisu hal waqti ayay dabka ku shitaan raashiin uu deyn uga soo qaato dukaamo ku yaalla tuulada uu ka soo barakacay oo u jirta 4km.
“Wax hadda raashin ah oo meeshii aan kala soo baxnayna majiraan. Wixii markaas la karsanayo ayaa laga soo qaataa qaraabada. Maalinkii hal mar ayaa la karsadaa. Wax hadda kayd ah ma jiraan, kaydadkii iyo meeshii wixii yaaleen biyihii ayaa latagay.”
Cabdinaasir oo ah aabbaha 7 carruur ah ayaa xusay inaysan isku haleyn karin deynta ay ku tiirsan yihiin oo ah midaan sii socon doonin haddii uu bixin waayo tii uu qaatay bishan May oo ah $110.
Xaaladaas waxaa u dheer hoy iyo hu’ la’aan ay ku wajahayaan Tuulo-garas oo ay maciin bideen. Waxay gabbaad sadaan geed dusha laga saaray maryo iyo kartoomo oo aan ka xajin karin qabowga habeenkii iyo roobabka guga ee da’aya.
Wuxuu dusha ka arkaa gurigii uu daganaa oo ah labo qol oo dhagax ah, balse hadda wax tar uma leh oo biyo ayaa fadhiya.
“Maalinkii aan ka soo baxnay iyo hadda inta ka dhex leh xitaa qof ma aadi karo oo lama soo fiirin karo oo kor in looga jeedo maahan ee balli bay ku dhexyaaliin oo biyihii caradii waa waran yihiin.”
Halka uu degay Cabdinaasir waa dhul barwaaqo ah oo roobabku ka da’ayaan, balse waa ceyr oo duunyo uu dhaqdo ma hayo. Doogga baxaya oo uu sheegay inuusan helin xilligii uu muhiimadda u lahaa oo aheyd sanadadii 2017 iyo 2018, markaas oo abaar darteed ay uga la’deen Ari 200 oo neef ah iyo 50 geel ah.
Daadka ka dhashay roobka guga ee hooray ayuu ku waayay maqaayad uu nolosha qoyska ka dabarayay tan iyo 2018, markaas oo ay soo degeen tuulada Docoley. Mehradda ayuu ku furtay $700 oo dayn uu iska bixiyay uga qaatay qof ehelkiisa ah. Wuxuu tilmaamay inay ku jireen nolol warwar la’aan ah, maalinkina uu soo gali jiray dhaqaale $10-$12.
“Maqaayadaas ayaa wixii biila laga heli jiray, maadaama meelihii aan ka shaqeysan jirnay ay biyihii haystaan. Waxaan qabano malahan, meeshaan aan joogana shaqooyin laga shaqeysto malahan oo carruurta ayaan la harsadaa meeshan.”
Waxaa xusid mudan in qoysaskan ay baahi weyn u qabaan biyaha barakiciyay oo helitaankooda ay ku dhiban yihiin sida Raadiyow Ergo uu u sheegay Axmed Cabdullahi Xasan oo tilmaamay in maalin kasta ay biyaha jiirkaano uga soo dhaansadaan ceel riig ah oo ka fog 2km. Fuustadii ayaa qiimaheedu yahay $2.
Xilliyada qaar ee roobku da’ayo ayuu xusay inay weelal u dhigtaan xareedda, si ay uga baaqsadaan biyaha iibka ah oo hadda uu ku gato $25 oo ah hantida kaliya ee uu la tagay Tuulo-garas oo uu ku barakacay.
“Meeshan waa meel duud ah (Taag) oo aan biyo deg laheyn, hadana caduun ah oo aan nagu anfaceyn sidatan joogisteeda, maadaama qof aan ahay shaqeysan jiray, hadana aan waxba awoodin waxaan dhihi karaa waa walaac guud oo nolosheyda haysta.”
Qoyska Axmed waxay dulsaar ku yihiin reer ay qaraabo yihiin oo ay la cunaan wixii ay dabka saartaan, balse xaaladan ka hor wuxuu sheegay inuu ahaa ganacsade nolosha ka maareeya dukaan lagu gado bagaashka, kaas oo biyuhu ay qaadeen isagoon waxba ka badbaadsan.
“Biyuhu dukaanka horay iyo gadaal ayay uga baxeen. Wax qoyay iyo wax biyaha raacay ayay noqdeen. Wax iga cayntay maba jiraan.”
Axmed oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa tilmaamay in roobabka da’aya ay xaaladooda uga sii darayaan, labo arin darteed. Inaysan haysan hoy ay ka galaan dhibicda roobka iyo waqtiga ka maqnaashaha deegaankooda oo sii dheeraanaya.
“Geed ayaan waabanay. Waa laga yaabaa qorraxda inuu celsho. Laakiin qabow iyo roob waxba kama galo. Waa jirtaa inaan wali roobkii tagin, biyaha gudaha ku jirana looga xisaabtamo saddex illaa afar bil inay ku jiraan, maaddama saddex roob oo kala danbayday ay deegaanka buuxsheen, hadana wali cirkii sidii u cusubyahay, hoy iyo cunana ilaah xagii galeen marka waxaa la dhihi karaa waa walaac laban laaban.”
Docoley waa deegaan ku yaalla dhul godan ah oo u nugul in biyuhu fariistaan. Tog dhex mara ayaa ku soo rogay biyaha.
Guddoomiyaha tuulada Cilmi Axmed Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ku dhowaad saddex bil ay qaadan karto in dhulku gursado biyaha oo dib loo soo dego.
Wuxuu xusay in 500 qoys oo deggan qeyb taag ah ay dhici karto inay wajahaan cuduro faafa oo ka dhasha bullaacado dumay oo ku furmay biyaha.
“Magaalada saddex meelood ayay labo saamaysay oo biyuhu fariisteen,sida goobaha ganacsigoo dhan way qabsadeen dhamaantood waa looga baxay, Suuqii, bakhaaradii, meelihii magaladii Docolaydii hore oo ganacsiga ahayd dhamaanteed waa laga baxay. Meelaha xaafadaha laftooda qaybo ayaa laga baxay kale,magaalada ha lama labo meel ayaa xoogaa dhul-dheer ah laakiin inta kale si toos ahay ula wareegeen.”
Dhulka Soomaalida wax ku cusub maaha in magaalooyin looga barakaco daad iyo fatahaad wabiyadu sameeyaan. Biyahaas dhibanaha loo noqdo waa kuwa loogu baahi badan yahay xilliga jiilaalka oo ay dhacdo in xoolaha iyo dadkuba waayaan waxay cabaan, Beeruhuna qalalaan oo tacabku istaago.