Helista garsoorka caadil ah ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka haysta dadka Soomaaliyeed inay helaan xasilooni, magaaladda Kismaayo ayaa sanadkaan 2015 markii ugu horaysay waxaa dib loo aasaasay hanaankii garsoor, iyadoo la hawl galiyey maxkamadda degmadda Kismaayo, tan gobolka iyo tan racfaanka.
Sheikh Xasan Isaaq Cali waa garsooraha koowaad ee maxkamadda degmada Kismaayo wuxuu Ergo u sheegay in dhibaatadda haysataa tahay helitaanka garsoorayaal, ayse dadku ku niyad wanaagsan yihiin inay helaan goob ay dacwadooda keensadaan.
Sheikh Xasan ayaa sheegay in dacwadaha ugu badan ee ay qaadaan tahay dhinacyadda dhulka iyo arrimaha qoyska oo ah runtii laba qodob dadku ugu baahi badan yihiin, waayo haweenku maysan helin wax garsoor iyo cadaalad ah muddo dheer, taasina waxay keentay in ragoodu si xun ula dhaqmaan, waxba siin, xuquuqdoodii qoys ee ay lahaayeenna loo diido, waana taas tan hadda keentay inay ka mid noqdaan kiisaska ugu badan ee maxkamaddaha yimaada, sidoo kale dhulka la isku haysto ayaa aad u badan.
Cabdinuur Cali waa garsooraha koobaad ee maxakamadda gobolka ayaa isaguna Ergo u sheegay in Kismaayo 24 sano kadib ay dib u hawl galeen hanaan garsoor, “Maxkamadaani waxay shaqo gashay bishii Janaayo 1deed ee 2015, ilaa hadda dacwadaha aan qabano waxaa ka mid ah kuwa ciqaabta iyo kuwa rayidka ah, kiisaska dhulkuna waa caqabadda ugu badan ee garsoorka soomaaliya haysata, mudadii burburka ayaa dad badani iska qabsadeen dhul mid dad leeyahay iyo mid kaleba, dhibaatuna tahay inaysan hayn cadayn sharci ah oo lagu qaado dacwadooda ah”
Hodan Xasan Gasle waa haweenay ka mid ah dadka ku nool Kismaayo waxayna Ergo u sheegtay “Runtii haddaan nahay haween, garsoor la’aanta iyo hanaankii cadaalad ee luntay waxay nagu ahayd dhibaato aan si aan uga baxno la’ayn, haween 30 sano la qabay oo aan wax xuquuq ah la siin, haween lagu dayacay carruurtii oo biil la siinayn, xitaa maysan helayn dhaxalkii ninkeedu ka dhintay, marka in garsoor la helo kow ayey u tahay haweenku inay ka helaan xuquuqdooda.”
Axmed Maxamed Takhal isagu waa nin dhalinyaro ah “Anniga weli maxkamad iyo hanaan sharci ma arag, waase wax wanaagsan in qofkii dhib loo geysto uu helo meel uu u dacwoon karo, koley khalad wuu jirayaa waa garsoor bilow ah dadkuse inay dul qaataan ayaa muhiim ah, aminaanna sharciga iyo kala danbaynta, dadkuna gacan siiyaan hanaanka sharci si meesha hadda la joogo horay looga sii socdo, amaanna u helno.”
Garsoorayaasha ayaa sheegay in fal denbiyeedka dilalka iyo dh aawacyadda kale badi bulshadu ay ku xalistaan xeer dhaqameed, tanoo dhibaato ku ah arrimaha amaanka oo qof wax dilay la sii daynayo isagoon sharci la marin kadib marka qoyskiisu ka bixiyaan mag.










