Shaqo la’aanta, colaadaha iyo maqnaanshaha hanaankii maamul ayaa ka dhigay bulshada ku nool Soomaaliya inay noqdaan kuwo ku jira saboolnimo aad u liidata, waxay kaloo duruuftaani khasabtay inaad aragto haween tamar iyo xirfadkale aan lahayn laakiin dushooda ku dhaamiya biyo ay u iib geeyaan guryaha duugoobay ee Muqdisho ee aan lahayn biyaha tuubooyinka.
Sitey Xuseen Cumar waa hooyo 50 jir ah waxay dhashay sideed carruur ah, 10 sano ee la soo dhaafay waxay biyaha ka dhaamisaa xaafadda xamar jajab, “Maalintii waxan qaadaa ilaa 8 jirikaan oo midkiiba yahay 20 litir, dushaydaan ku geeyaa, koonayaasha xaafadda, qiimaha la iga siistaana waa 2 kun oo shillin soomaali ah, waxa iga soo gala waxaan ku quudiyaa carruurtayda”.
Faadumo Maxamed Axmed iyana waa 48 jir, suuqa bakaaraha ayey ka dhaamisaa biyaha, “Ilmahaygu waa aabe la’aan, dushaydaan biyaha ku dhaamiyaa, suuqa bakaaraha ayaan geeyaa, maalintii ilaa toban kun ayaa iga soo gasha oo u dhiganta $0.5, culayskaan qaadayo ilaa laba goor ayaa ilmo uurka ku jira iga soo dilmeen”.
Xaajiyo Maxamed muddo 14 sano ah ayey iyana biyaha dusheeda ka dhaamisa “Ceelka 1kun shillin ayuu iga rabaa, maalintii ilaa 30 jirikaan ayaa qaadaa, jirikaankana waxaan iibiyaa 2 kun, markaan bixiyo kunka ceelka kun baa ii harta, waan qufacaa muddo dheer hadda, tamardarana waan dareemayaa, mase ka nasan karo”.
Haweenkaan ayaa ka yimaadda xeryaha barakacayaasha, kuwo kalena yihin dan yar, waxayna ka cawdaan dhibaatooyin caafimaad Dr. Cabdullahi Daahir waa takhtar ku takhusasay cuduradda guud kuna sugan Muqdisho Ergo ayuu uga waramay dhibaatadda ay arkeen ee haweenkaan ay la kulmaan “Haweenkani culays aad uga badan xoogooda ayey qaadaan, muddo dheerna way la lugeeyaan, ilmo galeenka ayaa hoos u soo degga, hadday uur leedahay dilan ayaa ku yimaado, dhinaca oogada ayaa nabaro caabuqay ayaad ku arkaysaa.
Haweenkaan ayaa sheeegay inaysan dhaqaale ahaan u awoodin helitaanka daaweyn markay dhibaato ka soo gaarto culayskaan ay qaadaan.










