(ERGO) – Faarax Cali Kalayr wuxuu ku wajahayaa Baladwayne dhul iyo hoy la’aan tan iyo bishan July, markii laga saaray sanadkan xeradii labaad, taas oo saamayn nolol xumo ku yeelatay qoyskiisa oo barakac ah.
Wuxuu ka mid yahay boqollaal danyar iyo barakac iskugu jira, kuwaas oo maaro u waayay deegaan la’aanta ku haysa magaalada. Dadka leh dhulka laga raray ayaa amray in ay guuraan si ay u iibsadaan.
Faarax ayaa si kumeel-gaar ah u dagay xerada Kaxare oo ku taalla duleedka Baladwayne. Waxaa hoy u ah geed hoostiis oo dusha maryo uu ka saarray, halkaas oo cunno xumo iyo biyo yari ay ku hayso.
Wuxuu sheegay in xerada aysan lahayn il-biyood, taas oo ku qasabta in ay magaalada oo ka durugsan ay dusha uga soo arooraan. Xaaladda qoyskiisa ayuu ka cabsi qabaa in ay ka sii darto bisha Ogoosto.
Wuxuu sheegay in dhulka ay ku taallo xeradiisa cusub dadka daggan ay heleen war-galin ay uga guurayaan bil gudaheed. Geedigii tobnaad ayuu isku diyaarinayaa tan iyo markii barakac uu noqday.
“Sagaal goobood oo dagnay ayaa nalaga barakiciyay. Kow meeshii aan ku aas-aasnay waxaa ay aheeyd Buulo Xuubey. Nin ayaa dhul nasiiyay. Dhulkii markii aan sanad Joognay oo musqulo nalooga dhisay oo hay’aduhu ay nagu barteen wuxuu na yiri hulkeyga waa u baahanahay ama iga guura ama iga kireeysta. Waan ka soo guurnay.
“Midda kale laamigaas wadda Heli-kilmo ayaan dagnay. Qolo hay’addo ah ayaa guryo noo dhisay, maacuuna way nasiiyeen, haddana waa nalaga soo raray. Meeshii sagaal oo hadda aan daganahay bil baa noo dhiman.”
Wuxuu tilmaamay in xeradii hore ee laga barakaciyay uu ku haystay qoyskiisa hoy, biyo galin iyo waxbarasho. Waxaa iskuulka u dhiganayay 2 gabar iyo 4 wiil, kuwaas duruuftu ay ka reebtay.
Waxay ka soo fogaadeen iskuulkooda, taasi oo keentay in ay socod ku gaari waayaan carruurta oo kan ugu wayn uu jiro 15 sano, kaas oo dhiganayay dugsiga dhexe, halka inta kale ay ku jireen kan hoose.
Ka hor xaaladda barakaca wuxuu Faarax ku filnaa nolosha qoyskiisa. Wuxuu ku dabbari jiray shaqo muruq-maal ah oo maalinle uu u qaban jiray. Waa farsama yaqaan bartay dhismaha guryaha.
Wuxuu maalintii heli jiray lacag celcelis ahaan u dhaxaysa $10 ilaa 15, taas oo uu u qaybin jiray cunnada, biyaha iyo waxbarashada. Hadda se shaqadaas joogto maahan, maaddama uusna haysan macamiil.
“Nolosha qoyskayga aad bay u adagtahay. Waayo baladka baagamuuddo badan baa ka dhacday. Shaqo malahan. Annaga awalba xoogsato baan iska ahayn duudkeena baan iskaga xamaalanaynay.
“Aniga xitaa nolol-maalmeedkayga maanta markan magaalada galo waxaa laga yaabaa si aan u dhextaaganahay $1.5 in aan ka soo helo, noloshaydana aanan waxba uga soo cuni karin, habeenna waan helaa oo ilmaha ayaan dabka u shitaa, habeenna waan soo waayaa. Waan iska seexanaa. Biyahaas cadna waa iska cabnaa.”
Wuxuu xusay in barakicinta lagu hayo ay beddeshay hab-nololeedka qoyskiisa. Wuxuu isku keeni la’yahay shaqo raadinta iyo ilaalinta qoyskiisa oo xilli kasta la kulmi kara barakicinta ku socota.
Wuxuu intaas ku daray in uu ka quustay helidda boos uu dajiyo qoyskiisa, kaas oo laga heli karo xeryaha ku yaalla dhul dadka barakacay ay leeyihiin, maaddama ay la ciirciirayaan dad aad u badan oo ku biiray.
Wuxuu gocanayaa noloshii uu haystay ka hor inta aysan billaaban barakicinta qasabka ah. Ka sokow dhaqaalaha uu ka heli jiray shaqadiisa waxaa u dheerayd taageerada hay’adaha gargaarka.
Xeradii u danbaysay ee laga raray wuxuu ku haysta guri labo qol ah, kaas oo ay u dhistay hay’ad samafal. Sidoo kale wuxuu bilaha qaar uu helayay raashin ama lacag gunno ah oo aan cadad go’an lahayn.
“Musqulo waa nalo dhisay, ceelal baa naloo dhisay, guryana waa nalo dhisay, balse ma calfan. Waayo dhulkii haddii aad adigu leedahay way kaaga dhisnaan karaan, annaguna ma awoodno dhulka in aan gadano. Ceelashii nalo qoday meeshii ayaan uga soo tagnay. Meel noo dhisan oo aan ku wajahanay oo aan isleenahay qofkaas boos idin siiyay malahan.”
Wuxuu tilmaamay in xerada ay dageen aysan ku haysan taageero, isla markaana aysan u diiwaan-gashanayn hay’adaha, taas oo saamayn ku haysa qoyskiisa iyo boqollaal la mid ah.
Faarax wuxuu siddeed sano ka hor ka soo barakacay miyiga deegaanka Mustaxiil, halkaas oo uu ku leeyahay beer 5 hiktar ah. Abaar saamaysay dalagga beerta ayaa soo salkiciyay qoyskiisa.
Dadka ay saamaysay barakicinta waxaa u badan dad nugul oo u badan carruur, haween, waayeel iyo dad naafo ah, kuwaas oo aan haysan cunno ku filan iyo hoy xilli ay ku dul hoorayso dhibicda roobka.
Waxaa ka mid ah Faadumo ibraahin Raaxow oo korinaysaa 8 carruur ah oo ay ka dhinteen wiil iyo gabar ay dhashay. Waxay sheegtay in ay la daalaadhacayso helidda cunno biyo ay ku noolaan lahaayeen.
Waxay ku nool xerada Kaxare, halkaas oo ay tageen billowgii bishan July. Waxay sheegtay in ay hayso hoy la’aan. 48 mar ayay xustay in iyada iyo carruurta ay helaan raashin iyo dhowr liitar oo biyo ah.
Waxaa ku taageera carruurta oo 9 ah dad xerada uga horreeyay, nolol ahaana aan waxbadan dhaamin. Faadumo ayaa xustay nolol xumada haysa iyo hubanti la’aanta deegaan ee haysa ay quus-bideen.
“Hadda waa nalagu soo maqan yahay in nalaga bixiyo ayaa la rabaa, annaguna malihin. Waxaan wax ku gadanana mahaysano. Ilmo rajooyin ah oo gabadhaydu ay dhashay ayaan hayaa, awalna ilmo agoon ah ayaan haystay.”
Nolosha qoyskeeda markii hore wuxuu ku tiirsanaa wiil kabo-caseeye ah, kaas oo nolol-maalmeedka u soo dhicin jiray, balse hadda shaqo la’aan, markii ay ka soo fogaadeen magaalada Baladwayne.
Wuxuu shaqadaas ka heli jiray lacag u dhaxaysa $1 ilaa $2. Sidoo kale waxay heli jireen caawinta dad daris iyo qaraabo lahaa, kuwaas oo kala irdhoobay, markii laga barakiciyay xeradoodii hore.
Faadumo oo 62 jir ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in tabar darro haysa awgeed aysan shaqo tagi karin, sidaas darteedna ay walaac ku haysa badbaadada carruurteeda oo waalid kale haysan.
“Marbaan casho karsanaa oo aanan qado karsanin. Marba si ayaan ku nool nahay. Wax ku joogno meeshan maleh. Ilaahey xaggiis baan ku joognaa maahane. Wax aan wax ku gadano mahaysano.”
Dhul la’aanta ayay xustay in saamaynta ugu daran ay ku hayso, maaddama aysan awood u lahayn iibsashada dhul ay leedahay, taas oo ku qasbaysa in ay dib ugu laabato halkii ay ka soo barakacday.
Sanadkii 2018 ayay ka soo barakcday dagmada Qalaafe oo beer lix hiktar ah ay ku tabcan jirtay. Colaad saamaysay ayaa sababtay in ay u soo wareegto Baladwayne, halkaas oo nolol cusub ay ka billowday.
Kororka qiimaha dhululka Baladwayne ayaa loo sababeeyay barakicinta lagu hayo dadka dantu ay biday xeryaha sida uu sheegay Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo ah madaxa xafiis ururka qareennada Tolwaaye.
Wuxuu xusay in dadka soo barakacay aysan helin deegaamayn ama aan la dajin dhul dowladdu ay ku ogtahay, taas oo u nuglaysay dadka iskaleh dhulalka ama xoogga kula wareega milkiyaddiisa.
Wuxuu intaas ku daray in ay billaabeen u dooditaanka dadkan oo hanti kulahaa dhulka laga kiciyay sida guryo iyo ilo biyaha laga helo, kuwaas oo la burburiyay ama lala wareegay.
Wuxuu tilmaamay in ururkooda oo kaliya aysan xal u heli karin ka hortagga barakicinta qasabka ah haddii aysan garab ka helin maamulka iyo maxkamada, si dhibaatada looga yareeyo dadkan.
Wuxuu soo jeediyay in dadka laga saaray gurayoodaha xal degdeg ah loo helo dhibaatada haysata.
“Inta duruufahoodu ka xalismayaan waa in dowladdu meel gaar ah u calaamadayso oo ay ku hayso. Waxyaabaha horumarka ahna halkaas ugu gayso. Sharciga dhulka iyo nidaamkiina iyada oo la marinayo si halkaas aysan u noqon meel qof iska qaato oo xilligii uu doonana uusan ka burburin. Meeshaas dowladda ayaa maamulaysa ama hay’ado dowladdu ku ogtahay oo ku koontarooshay.”
Labadii sano ee u danbeeyay waxaa kordhay tirada dadka hoy la’aanta noqday, markii dowladda Soomaaliya iyo shaqsiyaad ay ka saareen dhulal ay muddo dheer ku noolaayeen dad soo barakacay.









