(ERGO) – Maxamed Muuse Cali wuxuu qoyskiisa oo 14 qof ah u awoodi la’yahay biyo, cunno iyo dhamaan baahiyaha kale ee aas-aasiga ah taniyo bishii Febraayo. Xaaladdan ayay galeen, markii qalabkii uu ku kallumaysan jiray uu ka burburiyay markab jariif ah.
Si la mid Maxamed arrintan waxay baagamuudo-nimo u horseeday in ka badan kun kallumaysato ah oo agabkooda shaqada ay ka qaateen maraakiib ajaaniib ah, kuwaas oo jooga xeebaha Murcanyo, Bareeda, Caluula, Bandar-bayla, Dhaadaar iyo Caris ee gobolka Bari.
Ninkan ayaa sheegay in qoyskiisa ay wajahayaan nolol xumo. Hal mar oo aan ku filnayn qoyskiisa ballaaran ayuu xusay inay dabka ku shitaan $3 oo uusan joogta uga helin shaqooyin xamaal ah.
“Qoyskayga uma awoodo saddexda waqti. Waa dareemi kartaa qof baagamuudo noqday oo waayay meelihii ay wax ka soo gali jireen xaaladiisa. Noolosha waa nagu adag tahay hadda.”
Maxamed ayaa sheegay inay meesha ka baxday $15 illaa $20 oo uu maalinkii ka heli jiray kalluunka uu iibsado. Waxaa intaasi u dheeraa qiyaastii $400 oo uu toddobaadkii ka helay jiray kalluun kala duwan oo uu ka gadan jiray ganacsato u iib geeyo magaalada Boosaaso.
Ninkan ayaa xusay inuu faro marnaan ka joogo afar shabaagood oo uu dhamaan dayn ku soo qaatay dhamaadkii sanadkii hore ee 2025. Lacagtii lagu amaahiyay oo dhamayd $2,100 ayuu xusay inuu ka bixiyay $900.
Cunno xumada ayuu sheegay in reerkiisa ay u dheertahay biyo yari. $6 oo ay fuustadii iibiyaan biyaha macaan booyado ka keena deeganka Tageer oo qiyaastii 6 km u jirta magaalada Bareeda oo ay ku nool yihiin ayuusan awoodin. Waxay ku tiirsan yihiin jirgaan ay dayn ku qaatan ama ay ka soo dawarsadaan xaafadaha dariska la ah.
Biyaha ceelasha ayuu tilmaamay inay yihiin qaraar aan cabid galin. Daruufaha isku raacay reerkiisa ee uusan awoodin inuu wax ka qabto ayuu sheegay inay walwal ku hayaan.
Dhanka kale waxaa xaaladdan uga waxbarasho beelay lix ka mid ah carruurtiisa. Bishii Abriil ayaa laga soo cayriyay iskuul hoose dhexe oo ay dhiganayeen. Waxaa looga yeeshay $300 oo isku gaartay intii uu baagamuudada ahaa. Waxaa culayska ku sii kordhinaya daymo lagu leeyahay.
“Lacago badan baa la igu leeyahay oo shan kun oo doollar gaaraysa. Waxay iskugu jirtaa mid hore iyo mid hadda la igu yeeshay. Sacad walbo ayay i soo waydiyaan dadka igu leh, iga suga un baan ku iraahdaa. Culays bay igu haysaa. Hadda waxaan qabaa cabsi ah goorme lagu xiri doonnaa.”
Maxamed oo kallumaysato ahaa in ka badan 10 sano ayaa sheegay in xaaladdan oo kale uusan horray u mudan. Wuxuu ka shalaysan yahay inuusan wax kayd ah dhigan muddadii uu shaqada haystay.
Dhamaan kallumaysata ay arrintan saamaysay ayaa ka siman nolol xumada. Bandar Maxamed Maxamuud oo ah aabbaha qoys sagaal qof ka kooban ayaa sheegay inuu maarayn la’yahay noloshooda.
Wuxuu xusay in intoodii badnayd laga burburiyay agabkiisi kallumaysiga. Waxay hadda qoyskiisa ku tiirsan yihiin dayn iyo ugu badnaan $2.5 aan joogta ahayn oo uu ka soo helo shaqooyin dhagax jabin ah.
Ninkan ayaa tilmaamay inay meesha ka baxday $25 illa $30 oo uu maalinkii ka heli jiray kalluumaysiga. Dhaqaalahan ayuu xusay inuu si buuxda ugu filnaa baahiyaha qoyskiisa oo hadda ku sugan nolol xumo aysan horray u mudan.
“Wixii Illaahey na siiyo ayaan dabka ku shidana. Marna waan helna marna waan waynaa. Mararka qaar maalmo ayaan wax helin. Illaahey xaggiisa uun baan ku tiirsanahay. Khayraadka badda oo aan iibsano ayaan masruufan jirnay, iyadiina caqabad ayaa naga haysata.”
Bandar ayaa sheegay in sidoo kale qoyskiisa ay biyo yari wajahayaan. Xaaskiisa ayaa ceel riig bilaash ah oo u jira 1 km dhabarka uga soo qaado hal jirgaan oo ay maalinkii tashiishaan, maaddaama aysan awoodin biyaha ay iibiyaan gaari dameerada oo labaatankii litir siiya $0.25.
Waxaa reerkiisa culasyadaas u wehliya hoy la’aan. Labo buush oo uu joogta u dayac-tiri jiray ayaa hadda qarka u saaran inay dumaan. Wuxuu xusay in bacihii u saarna ay duug noqdeen uusan hayn dhaqaale uu ku beddelo.
Xilligaan oo ay roobab ka da’ayaan deegaannada gobolka Bari ayuu sheegay in qoykiisa ay bannaan-yaal u yihiin dhibicda roobka iyo dhaxanta. Carruurtiisa oo yaryar u badan ayuu tilmaamay inay xaaladan la qabsan la’yihiin. Ninkaan ayaa xusay in uu badbaadsan waayay qalabkiisi kallumaysiga.
“Anagoo isku dayayno inaan qalabkeena difaacano ayaa awood noola adeegsaday oo nagala baabi’iyay. Inaan nafaheena badbaadsano ayay noqotay. Hub ayay wataan, qofkii u dhawaada waa xabbadaynayeen. Maraakiib iyo doonyo ayay iskugu jireen. Waxaa la iga burburiyay shabaago, jilbo iyo tasbiiq. Kallumaysiga ayaa ahaa shaqada kaliya ee aan masruufka ka soo saarano. Hadda nolol xumo ayaan ku sugan nahay.”
Bandar ayaa sheegay inuusan dib ugu laaban karin kallumaysiga, maaddaama ay wali joogan xeebaha marabiibti shisheeye. Wuxuu sidoo kale quus ka muujiyay inuusan dib u heli karin agabkii laga burburiyay.
Gaadiidka iyo qalabka maraakiibtu baabi’iso oo joogto noqday iyo shirkadaha oo marka hore dayn ku bixiya qalabka, sidoo kalana waaya dhaqaalihii ay kallumaysata ka filayeen ayuu xusay in dhaqaala darrada ay ku keentay shirkadaha oo xirmay.
Shaqadan ka istaagtay wuxuu ku tiirsana 16 sano. Wuxuu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay saddex mar laga burburiyay agabkiisa, balse saamaynta ugu xooggan ay hadda soo gaartay.
Dhanka kale Yuusuf Samatar Bulxaan oo ah guddoomiye ku xigeenka iskaashatada ximilo oo ay ku midaysan yihiin kallumaysatada deegannada dhaca xeebaha gobolka Bari ayaa sheegay in ka badan 1000 qof ay baaga-muudo yihiin, markii jiriifku saameeyay.
Wuxuu sheegay inay iskaga soo baxeen badda, markii agabkoodi la burburiyay. Xaaladdan darteed qoysaskii ku tiirsana waxay wajahayan daruufo nololeed.
“Jariifka sharci darrada ah dhibaato ayuu nagu haya. Meelaha ugu badan waa Yeman. Iraan, Bangaladesh, Shiinaha iyo maraakiib reer galbeedku leeyihiin. sharci qabanayo malahan, anagana malihin awood aan iskaga qabano. Illaa 500 oo saxiiimadood ayaa howlgab noqday oo aan wax shaqo ah lagu qaban. Xaaladdu aad ayay u adag tahay.”
Yuusuf ayaa sheegay in kallumaysatada aysan dib ugu noqon karin badda cabsi ay qabaan awgeed, maaddaama la xabadaynaayo. Dowladda Putland ayuu ugu baaqay in arrintaan ay wax ka qabato.
Kallumaysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye ayaa saamayn soo laalabatay ku yeesha qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo waaya hab kale oo ay nolol-maalmeedka ku soo dhacsadaan, maaddaama khayraadka badda uu ahaa ishooda dhaqaale.










