(ERGO) -Qoyska Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo afartii sanno ee u danbeeyay laga barakiciyay 10 xero ayaa ka mid noqday 63 qoys oo la siiyay dhul ku yaalla duleedka Afgooye. Waxaa ku tabarucay nin ganacsade ah.
Taageeradan ayaa timid, markii Radio Ergo ay baahisay warbixin ku saaban halgan ay qoysaskan ugu jireen helidda dhul, taas oo ku dhiiri-galisay ganacsadaha in $29,169 uu ugu iibiyo dhulka.
Xabiibo waxaa u baaqatay $4.5 oo bil walba ay bixin jirtay. Lacagtan waxay qayb ka ahayd ayuuto ay ku midoobeen 103 qoys si ay boosas ugu gataan isku darka dhaqaalahan, inkasta oo ay culays ku ahayd.
Haweenaydan waxay heshay dhul cabbirkiisu yahay 12mx12m, kaas oo ay sheegtay in qoyskeeda uu u yahay soo kabasho, maaddama ay ka daaleen barakicin qasab ah oo u diiday in ay helaan nolol deggan.
Waxay xustay in jawi farxadeed ay galeen qoyskeeda, markii ay ka war-heleen in ay ka mid noqdeen dadka nasiibka u helay dhulka, isla markaana laga dhaafay lacagtii ayuutada.
“Farxad iyo bood-bood ayaan ka bixi la’nahay aniga iyo ciyaalkayga. Ilmaha xitaa waa aamini la’yihiin. Run weeye ayaa dhahay sabarloogada hadda ayaa naloo soo wadaa. Farxadeena ma soo koobi karno.”
Waxay tilmaamtay in dhulka ay heshay horaantii bishii Diseembar ee sanadkii 2025. Tan markaas lacagta ayuutada ay ku bixinaysay oo u badbaadday ayay u wareejisay waxbarashada labo carruurteeda ah.
Waa labo gabdhood oo ay ku dartay iskuul si gaar ah loogu barto gargaarka caafimaad ee degdegga ah, kaas oo ay dhigtaan galinka danbe ee maalintii, halka galinka hore ay wax kabataan iskuul bilaash ah.
Qoyska Xabiibo waxay ku nool yihiin xerada barakaca Hilaac Wanaag oo ku taalla degmada Garasbaaley. Dhulka ay deggan yihiin ayay sheegtay in ay leeyihiin dad shacab ah oo dhowr jeer ku amray in ay baneeyaan.
Waxay qorshaynaysa in dhulkeeda cusub ay ka dhisato buush, si cadaadiskan ay uga hoos baxdo. Waxay aaminsan tahay in fursaddan ay seegi lahayd haddii uusan Raadiyow Ergo baahin baahidooda dhuleed.
“Raadiyow Ergo kaalin aad iyo aad u wayn oo aan soo koobmayn ayuu ku leeyahay. Warkeena ayuu noo shaaciyay. Kaalintiisa waan helnay boqolkii boqol. Khayr Allaha siiyo warkeena Raadiyow Ergo ayaa gaysay, maahane ayaan u sheegan lahayn? Hadda dhul baan leeyahay. Walwalkii waa iga baxay. Buushkayga ayaan ka dhisanayaa, cabsina ma qabo.”
Xabiibo oo 45 jir ah waxay nolol-maalmeedka carruurteeda ka soo saarataa sandaqad yar oo ay ku iibiso caano-booraha bacaysan, nacnac iyo bagaash kale, halkaas ayay ka heshaa maalintii lacag aan ka badneyn labo dollar.
Ganacsigan muddo ku dhow toban sano ayay ku soo jirtay, balse horumarkii ay ka samayn lahayd waxaa cuuryaamiyay barakicinta ay la kulantay, taas oo niyad jab iyo nolol xumo u horseedday qoyskeeda.
Intaas waxay ku dartay in khibradda ay u leedahay ganacsiga in ay ka faa’iideysan doonto marka ay u wareegto dhulkeeda cusub oo ay kaga samatabixi doonto caqabada ragaadiyay nolosheeda.
Xabiibo waxay ka soo barakacday sannadkii 2021 degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo ay ku iibin jirtay qaadka. Waxay xustay in ay soo salkicisay sababo amni-xumo.
Fekradda ayuutada, oo ay ku midoobeen qoysaska ku nool xerada ay deggan tahay Xabiibo waxay aasaas u ahayd helidda dhulka, maaddama ay si iskood ah u billaabeen qorshaha dhul raadinta.
Badankood hadda waxay haystaan dhul ay milkiyaddiisa leeyihiin. Cali Xasan Cali oo 47 jir ah ayaa ka mid ah. Wuxuu ka mid ahaa hurmuudkii kooxdii abaabulay iskutashiga bulsho.
Wuxuu sheegay in dhibaato ay ku qabayn bixinta lacagta ayuutada, maaddama nolosha ay la halgamayaan. Waa muruq-maal aan si joogta ah u helin shaqadiisa qodidka gododka.
Waxaa jira qoysas ayuutada la iskudardaray ku iibsaday dhul, balse Cali kama mid noqon. Wuxuu xusay in dhulka uu bilaash ku helay, beddelkii uu sugi lahaa ayuuto waqti dheer qaadan laheyd.
Wuxuu tilmaamay in dhulka ay heleen uu yididiilo iyo niyad wanaag uu galiyay isaga iyo dadka la midka ah.
“Qalbigaan ka ooyay haddii aan runta kuu sheego. Dhibaato ayaan ku jiray intii aan soo aruurinaynay. 40 boos ayaa ayuuto ku gadnay iyadoo taas aan wadno ayaa nalgu yiri boosaskii waa la idiin gaday. Farxad darteed ayaan la oynay. Ma filaynin guushaan in aan gaaridoono.”
Wuxuu sheegay in muddo ka badan shan sano ay ku qaadan lahayd helidda dhulka ay qorshaynayeen in ay ayuutada ku iibsadaan. Wuxuu xusay in ay jireen caqabado badan oo ku horgubanaa helidda lacagaha laga soo aruuriyo qoysaska qaar oo aan xitaa dabka shidan karin.
Xoogsatada uu ka mid yahay ayuu xusay in xitaa bishii aysan ka go’in ama aysan bixin karin lacagta la iska rabay oo ahayd $4.5, maaddama shaqadooda aysan joogto ah ahayn, noloshana aysan maarayn karin.
“Haddii Radio Ergo ahaan lahayn codkeena ma bixi lahayn. Ayuutadeena baan iska sugi lahayn shan sano iyo intii noo dhiman nasiibkeena ayaan baraawayn lahay. Marka Radio Ergo jir oo jog.”
Wuxuu sheegay in qorshihiisa uu yahay sidii uu ugu guuri lahaa dhulka uu leeyahay si uu xal ugu helo barakinta joogtada ah, taas oo saamayn nololeed ku reebtay sida shaqo la’aan iyo hoy la’aan.
Aragtida ah inay dhul yeeshaanqoysaska ku nool xerada Hilaac Wanaag ee degmada Garasbaaley waxaa billaabay Maxamed Aweys Maxamed oo ah guddoomiyaha xerada, kana mid ah dadka soo barakacay.
Wuxuu tilmaamay in dhowr jeer laga barakiciyay dhulal ay deegaansadeen, taasi oo ku noqotay caqabad xasilooni darro ku abuurtay, taas oo keentay in dadka xerada uu u soo bandhigo qorshahan.
Wuxuu sheegay in ay ku raaceen 103 qoys, kuwaas ku midoobay Ayuuto ay ugu magacdareen Tiriye, oo ay bilaabeen bishii August 2025. Waxay u suurto galisay in ku iibsadaan tan iyo markaas 40 boos.
Cabdinaasir Cali Adoon oo ah ganacsade ah ku nool Muqdisho ayuu sheegay in uu la soo xariiray maamulka xerada, isla markaana uu u sheegay in qaybta u hartay uu isagu bixin doono. Taageeradan la’aanteed ayuu xusay in 5 sano ka badan ay ku qaadan lahayd helidda dhulka.
“Hamigii aan jeexnay Ilaahey waa ku guulaysiiyay. Waxaan uga baahan nahay garab saa’id ah. Haddii nala caawiyo waan dhisan karnaa dhulkeena. Dad hadaf leh ayaan nahay. Ma ku dheeldheelayno wixii nala siiyo. Waa ku faro adaygaynaa.”
Wuxuu sheegay in u jeedadiisu aheyd in dadka uu baro inay ka maarmi karaan inay maciin bidaan dhul aysan laheyn, maaddama caqabadaha ka yimaada aysan xamili karin dadkan oo ah kuwa nugul.
Qoysaska dhulalka helay waxay ka mid noqonayaan dadka deegaanka Boodboodka ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, kaddib sannado ay wajahayeen caqabad dhul la’aan oo noloshooda cariiri galisay.










