Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

Radio Ergo by Radio Ergo
March 5, 2026
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

Qalabka warshad soo saarta caanaha/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan boqol rag xoola dhaqato iyo beeraley hore ah ayaa qoysaskooda ka saaray nolol xumo haysay. Waxaa isbeddelkan u horseeday shaqo ay ka heleen bishii November shirkad soo saarta bariiska iyo saliida oo ku taalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qoysaska raggan ayaa barakac ku ahaa magaalada, markii deegaannadooda ay uga soo tageen roob-yari saamaysay. Marshaale Maxamed Cali oo ka mid ah wuxuu reerkiisa oo 8 qof ah u awooday cunno joogto ah.

Waxaa u suuragliyay $80 oo bil kasta uu mushaar ahaan u qaato. Ninkan ayaa sheegay in qoyskiisa oo roob-yarida ku hanti beelay ay horay ugu tiirsanayeen kaalmo ay ka heli jireen dadka nolol dhaama ee horay u daganaa xerada Iftiin oo ay soo miciin bideen.

“Hadda labo waqti oo ku filan ayay dabka shitaan qoyskeyga. Markii hore halka mar ayaa marna la heli jiray, marna la waayi jiray. Alxamdullilaah, hadda nolosheena wax badan ayaa iska beddelay waxaan ahay qof dhaqaale soo galayo oo bishii wax ku xisaabtamaya.”

Marshaale ayaa sheegay in muddaadii uu shaqeeynayay uu awooday inuu qoyskiisa ka saaro hoy xumo haysay. Wuxuu u dhisay qol cariish ah iyo balbalo, kuwaas oo ay uga raysteen buuu ka samaysnaa maryo iyo geedo oo ay horay u deganaayeen.

Wuxuu sidoo kale awooday inuu bishii January waxbarashada dib ugu celiyo 3 carruur ah oo daruus la’aan ka ahaa tan iyo Agoosto sanadkii hore, markaas oo ay ka soo barakaceen deegaanka Doy oo dugsi Qur’aan ay uga dhigan jireen. Wuxuu xusay in isku darkooda uu bishii ka dhiibo $6.

Wuxuu tilmaamay inuu qorsheynayo in markii ugu horeysay uu iskuul ku daro ilmihiisa. Ninkan oo waligiis reer miyi ahaa ayaa xusay inuu rajo wayn ka leeyahay in carruurtiisa ay waxbarasho dhamaystiran u helaan si mustaqbalka ay u anfacaan.

Wuxuu xusay in dayn $165 ah oo raashin iyo arrad-tiir uu reerka ugu qaaday intii ay joogeen deegankoodii uu doonayo inuu billaabo bixinteeda. Ninkaan ayaa sheegay in ka hor fursadaan uu ku hungoobay shaqooyin xamaal ah oo uu raadin jiray.

“Shaqo inaan helo waan jeclaa in badan ayaan raadiyay, balse waan waayay. Shaqooyinka yar ee la heli kara qof kasta cidda uu yiqaano ayuu siisanayay. Beera falida ayaan aad u aqaanay iyadana waxbo waan ku waayay oo xilligan beerihii intooda badan waa qalaleen. Hadda illahey ayaa ii sahlay middan.”

Marshaale ayaa sheegay in shaqadiisu tahay falidda, ilaalinta iyo sidoo kale waraabinta beer ay shirkaddu leedahay oo lagu tabco bariiska iyo geedka gabbal-dayaha oo loo beddelo saliida cunnada.

Ninkan ayaa shaqadan loo qaatay markii la ogaaday inuu xirfad fiican u leeyahay falista beeraha iyo inuu mudan yahay duruufaha ku gadaaman darteed. Wuxuu ku soo baxay tartan uu la galay tobanaan rag oo doonayay hal boos oo la rabay.

Qoyska Marshaale ayaa barakaca ku qasbanaaday, markii ay ka rajo dhigeen beer roobeed saddex hiktar ah oo ay tacaban jireen. Dallagyadii u danbeyay oo ahaa qudaar uu bishii Abriil beertay ayaa biyo yari uga qasaaray.

Wuxuu xusay in $300 oo ka gashay abuurka, falidda iyo waraabka beerta aysan waxbo uga soo noqon. Waxaa dhanka kale baad xumo, biyo yari iyo cudurro uusan aqoonsan oo isku raacay kaga dhintay 50 ari ah oo ay dhaqan jireen.

Raggan ayaa shaqada helay xiilli ay baahi badan u qabeen, maaddaama ay kaabayaashoodii dhaqaale ku waayeen roob-yarida, sidoo kalana ay la’aayeen xal ay nolosha qoysaskooda ku dabaraan.

Maxamad Cabdi Xasan oo ka mid ah raggan ayaa sheegay in muddo saddex bil ah oo uu qaadanayo mushaar $100 uu si buuxda ugu filnaaday maaraynta baahiyaha qoyskiisa oo 4 qof ah.

Waxaa meesha ka baxay walwal uu ka qabay nolol-maalmeedkooda oo horay ugu tiirsanaa wax yar oo ay siin jireen qoys ay ehel yihiin oo ay dul-saar ku ahaayeen.

“Nolosha waa noo fiican tahay, hadda qoyskeyga xilli walbo ayay dabka shitan. Awal waa nagu adkayd. Mar ama labo ayaan dabka wax saaran jirnay. Mararka qaar ayaan intaasba waayi jirnay. Isbeddel ayaan helnay.”

Maxamed ayaa sheegay inuu ka raystay culays horay uga haystay helida biyaha. Wuxuu qoyskiisa maalinkii u iibiyaa 20 liitir oo laga gado $0.30. Wuxuu xusay in sidoo kale uu iska bixiyay shan dollar oo intii uusan shaqadaan helin uu biyo ku daynsaday.

Ninkan ayaa bishii December qoyskiisa u kirayay qol jingaad ah, birsad iyo jiko. Waxaa bishii laga qaadaa $10. Wuxuu sheegay in oo dhanka kale uu iska bixiyay $110 oo ka mid ahayd dayn $220 ah oo looga lahaa dukaamada raashinka ee deeganka Helo-ari oo ay ka soo barakaceen.

Wuxuu ka nastay waydiin joogta ah oo uu kala kulmi jiray dadkii ku lahaa, kuwaas oo mar walbo ka dalban jiray inuu siiyo lacagtooda. Ninkan ayaa fursadan ku tilmaamay mid mar la arag ah oo u horseedday soo kabasho nololeed.

“Farqi wayn ayaa u dhaxeeya nolosheena hadda iyo markii hore, shaqo ayaan helay maaraynta reerkeygana waa ku filnaaday. Hore culaysyada jira waa badnaayeen. Waxaa ka mid ahayd dayn la igu lahaa, iskama wada bixin laakiin waa iga fududaatay.”

Qoyska Maxamed oo xoola dhaqato ku ahaa deeganka Helo-ari oo Baardheere hoos yimaada ayaa roob-yari jirtay sanadkii hore iyo cudurro isku raacay oo aysan aqoonsan ku waayay 40 neef oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxay u awoodi waayeen baad, biyo iyo daaweyn dhaqaale xumada haysay darteed.

Dhanka kale Yuusuf Aadan Cabdulle oo ah ku-xigeenka shirkadda Dalag-Bile oo la aasaasay sanadkii 2022 ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee shirkaddu tahay inay ka qayb qaadato sidii loo yarayn laha shaqo la’aanta, sugnaanta cuntada.

“Dadka waxaan ku xulaneynay inuu yahay qof shaqadii qaban kara, inuu yahay qof daacad u ah shaqada iyo inuu rabo shaqada. Sharuudaha intaas ayay ahaayeen, majirin wax kale oo qof lagu xirayay sida deeganka uu ka yimid. Haddii sharudahaas ay buuxiyaan waan soo dhaweyneynay.”

Yuusuf ayaa sheegay inay ka shaqeeynayaan sidii loo yarayn lahaa ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, bulshadadana ay u heli lahaayeen raashin dalka gudihiisa lagu soo saaray oo ka qiima jaban kan la soo dhoofiyo.

Kororka warshadaha maxalliga ah sida shirkada Dallag-bile ayaa fursado ay mahdiyaan u abuuraya xoogsato badan oo la’aa hab ay nolosha ku maareeyan. Waxay sidoo kale bog cusub u furayaan isku tashiga gudaha ee dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

Next Post

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

Related Posts

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 28, 2026
Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-APR-2026

IDAACADDA 27-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo