Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

Jibril Osman by Jibril Osman
January 29, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Farxiya Maxamed oo dhabta ku haysa ilmo ay dhashay oo wajahaya dhibaato cunno yari /Cabdullaahi Mohamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Gargaar cunno iyo biyo deg-deg ah ayay u baahan yihiin in ka badan 621,000 kun oo qof oo ku nool deegaannada Koonfur-galbeed. Xog aruurin ay bishii December soo saartay Wasaarada Gagaarka maamulkaas ayaa lagu ogaaday tiradan.

Roob la’aan dhowr xilli ah ayay ku waayeen beerihii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen. Waxaa ka dhamaaday kaydadkii cunnada iyo biyaha, taas oo ku qasabtay inay soo maciin bidaan xeryaha barakaca ee magaalooyinka waaweyn.

Ibraahim Daa’uud Cumar oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay in qoyskiisa oo 9 qof ah ay isku raacday, cunno la’aan, biyo yari iyo hoy xumo tan iyo bishii October ee sanadkii hore.

Waxaa xilligaas ka dhamaaday intii ugu danbaysay kayd galey, masago iyo digir ahaa oo ay isticmaalayaan. Kaalmo aan joogto ahayn oo ay dadka waydiistaan ayay marmar dabka ku shitaan.

“Nolol aad u xun ayaan ku jirnaa, sidii aan halkaan u imaanay. Qoyska hal mar ayuu dhib ku helaa cunnada, waana wax ay muslimku nasiiyaan . Waxkale oo na soo gala ma jiraan, hay’ad na gargaartay ma leh, nololna ma jirto halkan. Ciyaalka waxay ii cunaan ayaan u baahanahay umana heli karo.”

Ibraahim ayaa quus ka muujiyay inuusan hayn qorshe uu ku beddelo nolosha carruurtiisa. Waa 60 jir ay ku adag tahay qabashada shaqooyinka xoogsiga ah.

Xaaskiisu waxay qabtaa cudurrada dhiig-karka iyo sonkorta oo muddo hore dhaqaatiirtu ku sheegeen, halka carruurtiisuna ay yaryar yihiin, taas oo keentay i uusan jirin qof u shaqeeya.

Xerada Gawaan oo bishii hore ay yimaadeen ma lahan ceel-biyood. Qoyskiisu ma awoodo shan kun oo shilin Soomaali ah oo lagu shubto 20-litar. Arintaas ayaa ku qasabtay inay maalinkii saddex illaa shan liitar ka soo baryaan dariska.

“Culaysyada na haysta waa baahida iyo oonka. Biyo aan isticmaalno ma haysano. Noloshu waa biyaha iyo baadka labadiina ma heli karno. Wax carruurtu cabto ama wax lagu karsado ama lagu dhaqdo ma jiraan aad ayaan ugu dhibtoonay.”

Ibraahim ayaa sheegay inay ka soo barakaceen deegaanka Oflow oo Diin-soor hoos yimaada billowgii December. Waxaa ka dhintay intii ugu danbaysay 30 neef oo ari, lo’ iyo geel ah oo xoolo uga joogay. Roob la’aantu waxay ka hor istaagtay wax beerashada oo noloshiisa kaalin mug leh ugu jirtay muddo dheer.

Bishii sagaalaad ayuu markii ugu danbaysay beertiisa oo 4 hektar ah dhigay dalagyo isugu jira badar iyo qudaar, kuwaas oo biyo la’aan uga wada qallalay. Waxaa loo haystaa $200 oo ah dayn ay dad kala duwan ku leeyihiin, taas oo abuurka, falida iyo shaqaalaha uga baxday.

Waxay Baydhabo u soo lugaynayeen labo toddobaad, markii ay waayeen gaari raac. Wuxuu hadda ka murugsan yahay saddex cunug oo qandho badan uu ku arkay, balse uu u la’yahay qarash oo isbitaal ku geeyo.

Wuxuu sheegay in carruutiisu ay xamili la’yihiin xaalada adag ee ay galeen. Qorraxda iyo dhaxanta ayay bannaan- yaal u yihiin in ka badan bil oo ay barakac yihiin. Wuxuu xusay inaysan xitaa haysan geedo har fiican leh.

Isbeddelka cimilada oo keenay roob yaraanta, kulalyka daran, iyo fatahaado baabi’iyay ilaha wax soo saarka ayaa kumanaan qoys u horseeday hubaanti la’aan nololeed.

Farxiyo Maxamed Maxamuud oo beeralay ahayd mudo 20 sano ah waxay markii ugu horraysay bishii tobnaad ee sanadkii 2025 ku qasbanaatay xaalad barakac ah oo aysan horay uga baaraan-dagin. Carruurteeda oo 10 ah waxay u la’dahay raashin, biyo iyo gabaad.

Xaabo ay sii iibiso ayay maalin kasta duurka ka soo gurtaa si ay ilamheeda hal mar cunno ugu hesho. Maalinkii ay soo waydo, waxay sheegtay inay gaajo ku joogaan. Xaabada oo ku qaadada labo saac oo sii socod iyo soo laabasho ah waxaa ugu badnaan ka soo gala $1.5 aan qoyskeeda oo badan aan ku filnayn.

“Nolol-maalmeedka ciriiri ayuu galay, beerihii waa naga abaarsadeen oo Baydhabo ayaan u soo barakacnay si aan uga helno nolol. Cunno xumo ayaa nagu haysata halkaan maalin iyo habeen wax la karsado ma leh. Carruurtu 12 saac ayay baahi ku joogaan xaaladu aad ayay u liidataa.”

Farxiyo ayaa sheegtay inuu u joogo cunug 8 bil jira oo aan cuni karin raashinka iidaan la’aanta ah, kaas oo aysan u awoodin inay caano u iibiso. Habeenada qaar ayay xustay inuu baahi la seexan waayo.

Xaaladaan adag ayay kali ku noqotay, maaddaama ay saygeeda uga soo tagteen deegaanka Abay-dhiin oo Baydhabo u jira ku dhawaad 60 km. Wuxuu ku haray 7 sac oo u soo socon waayay ayna xoolo ka leeyihiin.

Waxay ku nool yihiin buul ka samaysan maryo iyo qoryo aan ka celin karin cadceedda iyo dabaysha. Farxiyo waxaa walwal ku haya dayn looga leeyahay deegaankii ay ka timid oo joogto loo waydiiyo.

“Beerta shaqaale ayaan galiyay qof tabar yar ayaan ahay oo ma abuuri karin lacagtii aan daynsadayna waa bixin waayay.  Nolosha iyo dayntaas ayaa igu daran. Dadkii aan ka qaatay waxay leeyihiin lacagteenii ayaad la dhuumatay.”

Farxiyo ayaa sheegtay inay ka qasaareen dalagyo galey iyo qudaarta cagaaran iskugu jiray oo ay rajaynaysay in ay ka hesho faa’iido gaaraysa ugu yaraan $1,000. Waxay ku abuurtay beerteeda oo ahayd 2 hektar oo biyaha roobka ku tiirsanayd, balse aan roobsan labadii xilli ee ugu danbaysay.

Barakacan waxaa uga waxbarasho beelay afar carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegaankoodii. Meesha ay joogaan hadda waxaa qofkiiba laga doonayaa $3, taas oo aysan heli karin. Waxay sheegtay in aysan lahayn xirfad ay magaalada uga shaqaysato oo nolosheeda ay ahayd beeraley iyo xoola dhaqato.

Agaasimaha wasaaradda gargaarka Koonfur-galbeed Xuseen Nuur Aadan ayaa sheegay in roob la’aaantu saamaysay ilihii ugu muhiimsanaa ee nolosha dadka. Qoysaska barakacay meelaha ay tageen kuma haystaan adeegyada aas-aasiga ah, taas oo xaalad adag galisay.

“Dadka waxyaabaha ugu horeeya ee ay la dhibaatoonayaan waa cunno xumo, biyo yari iyo roobabkii oo aan la helin, nafaqo darro, dalagii beeraha oo meesha ka baxay iyo xaalado aad u cakirin oo binu’aadanimo. 18 degmo ee Koonfur-galbeed waxaa ugu daran 10 ay ka mid yihiin Baydhabo, Bardaale, Qansaxdheere, Afgooyo, Marko iyo Buur-hakaba.”

Agaasimaha ayaa sheegay inay meelo kooban ka sameeyeen biyo dhaamin iyo raashin qaybin. Xaalada oo adag, dhaqaalaha ay heli karaan oo yar iyo dadka oo badan dartood wuxuu xusay inaysan dabooli karin baahida taagan.

Hay’adaha gargaarka, dowlada Fedraalka iyo cid kasta oo awooda ayuu sheegay inay u direen codsi dadkan loogu gurmanayo. Hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA ayaa dhawaan sidoo kale sheegtay in gobollada dalka intooda badan ay xilligaan ka jiraan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, markii ay baaqdeen roobabkii la filayay deyrta, gugii horena aan deegaanno badan laga helin.

Previous Post

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

Next Post

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post
blank

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la'aan ah oo Hargaysa hoostaga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo