(ERGO) – Xaalad nolol xummo ah ayaa soo foodsaartay 40 qoys oo ku haray deegaanka Gaboobe oo hoos taga magaalada Hargaysa, markii dadkii deganaa ay u hayaameen deeganno kale, kadib roob la’aan jirtay labo sano. Qoysaskan oo ay u joogaan dad naafo iyo waayeel ah ayaa guuri wayay.
Qoysaskan oo ay roob yari nacfi tirtay Xoolihii ay dhaqanayeen ayaa waxaa isku raacay biyo yari, cunno xumo, waddo la’ aan iyo adeegyada caafimaadka oo aysan heli karin. Siraad Maxamed Cilmi oo ka mid ah waxaa qoyskeeda oo 6 ah ku adag nolol-malmeedka.
Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo ay waydiistaan dad ay ehel yihiin oo ku nool magaalada Hargaysa. Mararka qaar oo ay ka waayan waxay sheegtay in ay qatooyo mutaan.
“Saddex waqti hal mar ayaan wax cunno haddaan helno. Waxaan ku tiirsanayn markii hore xoolaha oo aan iibsan jirnay raashin iyo arrad-tirna aan siisan jirnay. Hadda xoolihii roob yari ayaa saameeysay, annagana nolol xumo ayaay na galisay.”
Siraad ayaa sheegtay in cunna xumada ay u dheer-tahay biyo yari. Waxaa gabi ahaan qallalay Ceel-gacmeedyo ku yaallay deeganka. Waxay ku tiirsan yihiin hal jirgaan oo ay dhabarka uga soo qaado ceellal bilaash ah oo ku yaalla deegaanka Bacado oo u jira qiyaastii 3 km.
Haweeyneydan oo 76 Jir ah ayaa xustay in ay kala kulanto daal badan masaafadaas dheer ee ay lugeynayso iyo culayska ay soo qaado, hasa ahaate ay dantu dhaafin wayday. Waxay sheegtay in aysan iibsan karin biyaha ay booyaduhu ka keenaan magaalada Hargeysa.
Waxay ka faro marantahay $2 oo ay fuustadii iibiyaan. Duruufahaas ay roob la’aantu badday waxaa u dheer murug ay ka dhaxashay labo wiil oo ay dhashay oo midna ka geeriyooday midna mas ka cunay sanadkii hore.
“Labo wiil oo aan dad ka dhalay mid 4 bil ka hor ayuu baraag ku dhacay kuna dhintay, midkii kalana arday Hargeysa wax ka barta ayuu ahaa, laakiin mas ayaa lug ka qaniinay. Hadda waa roon yahay. Anigana xaaladeyda waad aragta waxbo ma tari karo. Dhibaatooyinkaas ayaan ku suganahay.”
Siraad ayaa sheegtay in wiilka masku ka cunay uu weli lugta ka xanuunsanayo aysnna gayn karin goob caafimaad dhaqaale xumo darteed. Arrintaas ayay xustay in ay ku hayso welwel joogto ah. waxay ka cabsanaysaa in lugto ay naafo noqoto sida ay u sheegeen dad aqoon u leh sunta maska oo la talin siiyay.
Dhanka kale haweeyneydaan ayaa sheegtay in deeganka aysan ka jirin xarumo ganacsi. Hal Dukaan oo ku yaalla ayay sheegtay in waxyabaha lagu iibiyo ay qaali yihiin oo mararka qaar ay waxbo uga goyn waydo $1 illa $2 oo lagu caawiyo.
Arrintaas ayaa sababta in dayn lagu qoro. Waxaa 5 bil lagu yeeshay $300, taas oo sababtay in bishii hore loo sheegay in buugeeda la xirayo haddii aysan lacagtaas bixin. Xilligaan adag ma tahli karto in ay bixiso.
Qoyska Siraad oo waligood xoola-dhaqato ahaa ayaa roob yari jirtay labo xilli ku waayay boqol ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxay uga la’deen baad xumo, biyo yari iyo cudurro aysan aqoon oo isku raacay.
Dadka looga guuray deeganka Gaboobe ayaa si isku mid ah u wajahaya nolol xumo. Jamaal Mahad Maxamed waxaa qoyskiisa oo 10 qof ah ku adag helida cunno hal mar ah, biyaha iyo adeegyada kale ee aas-aasig ah.
Wuxuu sheegay in ay ku tiirsan yihiin raashin dayn ah oo ay hal mar maalinkii dabka ku shitaan. Dukaanka uu ka soo qaato oo looga yeeshay $500 ayuu xusay in looga soo diido mararka qaar.
“Digniin joogta ah ayay ii siiyaan dadka daynta igu leh. Danta ayaa igu qasbeysa inaan u dan sheegto oo aan ku dhaho markii roob la helo ayaan kuu guudi doonna ee dabka ii shid. Si dhib badan ayaan uga soo qaadanaya waxaan dabka ku shidano. Xaaladu waa nagu culays tahay.”
Jamaal ayaa sheegay in shaqooyin xamaal ah uu marar kala duwan ka raadiyay magaalada Hargeysa oo ku dhawaad 20 km u jirta deegankiisa, balse uu ku hungoobay.
Wuxuu u sababeeyay shaqooyinkii xogsiga ahaa oo yaraaday iyo in uusan magaalada ka aqoon cid gacan qabata. Dhanka kale waxaa xaaladan darteed waxbarasho la’aan ka noqday labo carruur ah oo horray dugsi Qur’aan bilaash ah ugu dhiganayay.
Dugsigii ayaa xirmay, markii qoysaska ardaydii wax lagu barayay ay meelo kale u hayaameen. Ninkaan ayaa sheegay inuu awoodi waayay $200 oo qoyskiiba ay ka rabaan gawaarida lagu guuro.
“Dadkii daganaa deegaanka waa ka tageen. Waxay haysteen gadiid ay reeraha ku rartaan, balse inagana gadiid la’aan iyo dhaqaale xumo ayaa nagu reerbtay. Waan jeclaan laha in xoolaha ii haray aan meel biyo iyo baad leh la aado, balse waan tahli waayay.”
Jamaal ayaa sheegayin tan iyo bartamihii sanadkii 2024 uusan deeganka helin wax roob ah. Soddon ka mid ah 80 neef oo iskugu jiray geel iyo ari ay dhaqan jireen ayuu xusay in ay xaaladan uga la’deen. Wuxuu tilmaamay in uu calaf u iibin waayay daaqna uusan jirin.
Faro marnaanta haysa darteed ayuu xusay in ay ka hor istaagtay in uu xoolihiisa badbaadsado. 50 neef oo u haray ayuu tilmaamay in aysan cad, caano iyo suuq gayn midna lahayn. Wuxuu ka cabsi ka qaba in ay ka dabar go’aan haddii aysan dhawaan roob helin.
Wuxuu sheegay in uusan hayn qaab kale oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa, maaddaama ay waligood xoolaha ku tiirsanaayeen.
Roob la’aantu waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta xoola dhaqatada Soomaaliyeed, taas oo saameysay dadkii iyo duunyadii ay ku tiirsanaayeen.
Faaisa Yuusuf Caraale oo ah gudoomiyaha ku xigeenka deegaanka Goboobe ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dadka ku haray deeganka ay wajahayan xaalad aad u liidato.
Dhaqaale xumo haysa darteed waxay tilmaamtay in maamul ahaan aysan waxbo u awoodin.
“Afartan qoys oo wayeel iyo naafo iskugu jira ayaa ku haray deeganka. Cunto la’aan ayaa ugu daran, sidoo kale biyo ma haystaan. Daaq malahan, isbitaal iyo waddo malahan. Dadka haray waxbo ma heli karaan. Illahay ayay dhankiisa wax ka sugayaan. Xoolihii waa ka dhamaadeen. Kuwa ay xoolaha yar u joogana gaajo iyo haraad ayay uga dhimanayaan.”
Gudoomiyaha ayaa sheegtay in xaalada dadkaan ay gaarsiinayaan dowlada Somaliland iyo hay’adaha samafaalka si caawimaad loo soo gaarsiyo.
Saamaynta ka dhalatay jiilaalka daba dheeraday ayaa marba marka ka danbeysa ka sii dareysa. Xoolaha oo ka mid ah ilaha ay dad badan ku tiirsanaayeen ayaa meesha ka baxay, taas oo dhalisay in qoys markii hore ladnaa ay hadda maarayn waayeen nolol-maalmeedkooda.










