Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

Jibril Osman by Jibril Osman
January 28, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

Beeraley goosanaya dalag uga soo go'ay beeraha/kaydaka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isbeddel nololeed iyo kobac dhaqaale ayay helaan tan iyo bishii December qoysaska 80 rag ah oo ku nool deegaanka Ceel-aqwaan ee gobolka Mudug. Waxaa u suuragaliyay dalagyo uga soo go’ay beero ay ku dhiiraddeen markii hay’adda NRC ay isugu dartay abuur, tubbooyin u waraabiya, cayayaan dille, dawooyin, qalab, iyo tababar 3 bil ah.

Cabdullaahi Axmed Diiriye oo ka mid ah ayaa sheegay inuu faa’iiday $775 oo uu ka helay dalagyo khudaar u badan oo dhowr mar uu ka goostay beertiisa oo 2.5 hektar ah. Lacagtaas ayaa u sababtay inuu si walwal la’aan ah u daboolo baahiyaha reerkiisa.

Fursadaan waxay ka saartay nolol xumo haysay iyo daymo lagu lahaa. Beerta ayaa u noqotay Ishii ugu horraysay ee uu ka helo dakhli kaafiyay caruurtiisa oo 10 ah iyo xaaskiisa.

“Beerashada kaalinta ugu muhiimsan ayay iigu jirtaa. Wixii aan u baahano markii ay noo bislaadaan ayaan ka soo goosanaa. Qoyskayga waa dhowr iyo toban qof. Wixii aan cunno mooyaane inta kale waa iibsanaa oo raashinka kale ayaan ku soo beddelanaa. Cunno ama dhar wixii aan u baahano waa gadan karnaa.”

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu goostay yaanyo, qare, batiiq iyo khudaarta cagaaran, welina qaar kale ugu yaallaan beerta. Macaamiiil uu ku leeyahay Gaalkacyo iyo deegaankiisa ayaa ka iibsada.

Wuxuu ku iibiyo qiimo ka hooseeya kan ay siiyaan ganacsatada magaaalada. Ninkaan ayaa xusay in maalin-kasta uu qaado ugu yaraan 6 jirigaan oo khudaar ah. Waxaa maalinba maalinka ka danbeeya ku soo xirma dad cusub oo dalagiisa iibsada.

Wuxuu iska guday $290 oo ka mid ah $870 dayn ah oo lagu lahaa ku dhawaad sanad uu shaqo la’aanta ahaa. Bilaha soo aadan ayuu qorshaynayaa inuu bixiyo qaybta ku harsan, maaddaama uu tacabkiisa ku guulaystay.

“Daynta aan bixiyay waa badan tahay. $10 maalinkii aan helo waa bixiyaa. Awal waxay igu gashay dad cuntadiisa oo carruurtaas ayaan ku biilayay. Hawadaydu waa badan tahay wixii ii siyaadana nolosha dadkayga ayaan uga faa’iidaynayaa.”

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in ka hor beertaan ay ku tiirsanaayeen dayn uu ka qaadan jiray dukaamo Ceel-aqwaan ku yaalla iyo wax uu waydiisto qaraabadiisa. Waxaa bartamahii sanadkii hore meesha ka baxay shaqo dhagax jabis ah oo maalinkii uu $5 ilaa $7 ka heli jiray, taas oo kaafin jirtay quud-maalmeedkooda.

Shirkado waa weyn oo soo saara dhagax qoran kana qiimo jaban midkooda gacanta lagu qodo ayuu sheegay inay la wareegeen shaqooyinkoodii.

Beerta wuxuu dhinac kaga abuuray caws uu siiyo 10 ari ah oo u joogta. Saddex irmaan ayuu xusay inay yeesheen caano uu hadda carruurta ugu cadaysto.

“Awal wax walba waa raadin jirnay oo Gaalkacyo ayaan aadi jirnay. Hadda si weyn ayay isku beddeleen. Waa ka raysanay khudaartii la soo gadayay ama la so daymanayay, waa soo iibsanaa ama waaba nala aaminayaa inlee dalag ayaa beerta nooga soo go’ayee, awalse cidina nama aamini jirin.”

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu dugsi Qur’aan ku daray labo carruur ah oo horay aan waxba ugu baran jirin. Wuxuu isku darkooda bishii ka dhiibaa $20.

Wuxuu beertiisa si bilaash ah maalin dhaaf ugu waraabiyaa tubbooyin loogu xariiriyay haan weyn oo beeralayda ka dhaxayso. Soolar iyo diinimo loogu rakibay ceel riig uu deegaanku horay u lahaa ayaa si dhib yar ku soo gaarsiiya biyaha.

Qoyskiisa ayaa 2023 ka soo barakacay deegaanka Qoorasayn ee gobolka Mudug, markii daaq iyo biyo la’aan dartooda ay uga le’deen 63 ari ah iyo 5 geel ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Wuxuu magaalada la yimid 6 ari ah oo aan nacfi lahayn.

Abaaraha ayaa sababay in reer guuraa badan ay door bidaan tacabka beeraha. Cawimaadda hay’adaha, iskaashiga dhexdooda ah iyo kaalmo yar oo meelaha qaar ay maamulada ka helaan ayaa horseeday inay ka miro dhaliyaan iskudaygooda.

Bashiir Axmed Maxamed oo kamid ah ragga fursadaan helay ayaa sheegay in uu labadii bil ee ugu danbaysay qoyskiisa ka saaray hubaanti la’aan cunno oo ay wajahayeen. $580 oo uu ka helo dalagyadiisa ayuu ku dabaray masruufka, kirada iyo qeyb uu beerta dib ugu celiyo.

“Khudaar ayaan abuuranay aad ayaana meel fiican uga gaarnay. Waxyaabo badan ayay naga kaafisay, sida raashinka waxaa la karsadaa qado, quraac iyo casho. Dhaqaalaha iga soo gala ciyaalkii xitaa nafaqo ayay ii heleen oo dhiig ayay ii yeesheen.”

Bashiir ayaa xusay inuu iska bixiyay $140 oo 7 bil looga lahaa kirada labo qol oo jiingad ah oo ay ku nool yihiin qoyskiisa oo 7 qof ah, kuwaas oo bishii $20 ah.

Bashiir ayaa tilmaamay inuu ku haminayo in beertiisa uu ballaariyo si wax soo saarkiisa uu meel badan u gaaro.

Ninkaan ayaa sheegay inuu soo qaatay tababar u socday saddex bil oo ku saabsan hab beerashada, dhulka wax lagu abuuri karo, sida cayayaanka loola dagaalo iyo biyaha ay dalagyadu u baahan yihiin. Aqoontaas iyo agabka loogu daray ayaa u fududeeyay.

“Beerta silig ayaa naloogu xiray. Waa naloo habeeyay oo carro jabin ayaa naloogu sameeyay markii hore oo howl badan ayaa laga qabtay. Abuurkii waa nala siiyay iyo qalabkii lagu beeri lahaa. Waxaa ii suuragashay in aan iska bixiyo daymo horay la iigu lahaa waxna aan beerta meel u dhigo.”

Bashiir ayaa sheegay in taageerada la siiyay iyo dadaal uu bixiyay ay ka caawisay inuu faa’iido badan helo. Dhul aabihiis uu leeyahay ayuu beerta ka samaystay, taas oo kiro uu kaga baaqsaday.

Waxay deegaanka Ceel-aqwaan yimaadeen sanadkiii 2022, markii 300 oo ari oo ay dhaqanayeen ay 287 ka mid ah kaga baxeen abaar isxigxigay intii kalena ay nacfi beeshay. Gaalkacyo ayuu ka billaabay dhismaha guryaha si uu nolol-maalmeed ugu helo carruurtiisa, balse fursadaha oo yar ayaa caqabad ku noqday.

Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo ah gudoomiyaha beeraleyda deegaanka Ceel-aqwaan ayaa sheegay in dadka ka faa’idaystay mashruucaan ay ka mira dhaliyeen xirfadihii la baray iyo agabkii la siiyay. Dhaqaalaha ka soo gala beeraha ayay dib ugu celiyeen qoysaskooda oo ay uga saareen nolol xumo haysay.

Wuxuu intaas raaciyay in dadkaan lagu soo xulay baahiyaha ay qabaan iyo sida ay u kala liiteen dhaqaale ahaan. Waxay ahaayeen rag aan la hayn wax xirfad ah oo noloshooda ay ku maareeyaan, shaqooyinkoodii xoogsiga ahaana ay ka joogsadeen

Beeralayda waxay laf dhabar u yihiin wax soo saarka cunnada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka. Taageerada ay helaan waxay u suuragalisaa in ay sare u qaadaan tacabka oo ku tiirsanaantiisu ay nolosha muhiim tahay.

Previous Post

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Next Post

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post
blank

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo