(ERGO) – Qoysas noloshu ku adkeyd ayaa helay il-dhaqaale oo joogto ah markii lagu maal-galiyay digaag iyo ari ay dhaqdaan. Waa dad xaqooti ah oo ku nool xerada Sheedheer ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Diib Axmed Faarax waxay ka mid tahay Konton haween ah oo arintan ka faa’ideystay. Waxay sheegtay inay heleen dakhli joogto ah iyo kalsooni dhaqaale,
Waa meesha ka baxay cunno yari iyo nolol adag oo ay wajahayeen muddo sannad ah, markii uu ka istaagay gargaar ay siin jirtay hay’adda cunnada Adduunka ee WFP.
Haweenkan ayaa mid kasta la siiyay bishii Janaayo ee sannadkan 80 xabo oo digaag ah iyo 40 ari ah. Diib ayaa xustay in ukunta digaaga ay ka ganacsato, maalinkiina ay ka hesho ugu yaraan shan Doollar.
Waxay ku iibisaa xerada dhexdeeda. Waa dhaqaale ay tilmaantay inuu ku filanyahay iyada iyo siddeed carruur ah oo ay kaligeed koriso.
“Carruur yaryar ayaan haystaa. Waxaan ku maareeyaa digaaga ukuntiisa, qeybna waan biilanaa, qeybna ganacsiga iyo digaaga ayaan dib ugu celiyaa. Ilmo ayaa iskuul ii dhigta oo iga raba buugaag, qalmaan, dharkii iyo kabihii. Intaasba waxaan ka maareeyaa digaagga oo kaliya.”
Waxay intaas ku dartay inay ka maarantay gacan hoorse iyo ku tiirsanaanta kaalmada hay’adaha oo muddo dheer ay dantu ku qasbeysay. Hadda waa ganacsato leh keyd dhaqaale oo gaaraya $265.
Noloshan ayay ku tilmaantay tii ugu heerka sareysay oo soo marta muddo 23 sano ah oo ay qaxooti ku tahay dalalka dariska ah ee Ethiopia iyo Eritrea.
“Waxaa dhici jirtay in marar badan aanan wax karin saddex ilaa afar maalmood oo xidhiidh ah. Nolosheydu aad ayay u liidatay. Waxaan hadda ka mid ahay qoysaska lagu tiriyo dadka ladan ee dabaqadaha sare ee xerada ku nool.”
Diib oo 47 jir ah ayaa tilmaantay inaysan u warwareyn nolosha carruurteeda oo ah agoon uu aabahood ku dhintay xerada sanadkii hore ee 2024.
Afar carruur ah ayaa u dhigta iskuul xerada ku dhexyaalla oo dowladdu leedahay oo ah hoose, dhexe iyo sare.
Diib ayaa inta ugu badan cimrigeeda ku qaatay qaxooti. Dalkeeda hooyo ee Soomaaliya waxaa ugu dambeysay sanadkii 2002, markaas oo amni darro ay uga qaxday gobolka Jubbada Hoose oo ay ku nooleyd.
Dalka Eritrea ayay xaqooti ku aheyd muddo 17 sano ah. in halkaas ay ka soo guurto ayay go’aansatay, markii madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu joojiyay in dalkiisu qaabilo qaxootiga ka imaanaya dalal ay Soomaaliya ku jirto.
Uma cayinna waqtiga ay ku sii jiri doonto nolosha qaxootiga oo lixsano oo ka mid ah ay ku qaadatay xerada qaxootiga Sheedheer ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ay ka deggan tahay aqal jilicsan oo cariish ah.
“Hoyga aan ku noolnahay waa rafaad. Noloshu isma raacdo mar walba, laakiin waxaan ka fakarayaa inaan ka baxo xeradan iyo hoy xumadan oo aan dego magaalada jigjiga oo digaageyga ku dhaqaaleysto oo nolosheyda kor ugu qaado ayaan ku fekarayaa.”
Ariga iyo Digaagga waxaa haweenkan ku taageeray hay’adda DAI. Ujeedada laga lahaa ayaa aheyd inay helaan ildhaqaale oo ay ku maareeyaan noloshooda.
Dadka la caawiyay waa tiro yar, marka la barbar dhigo qoysaska ka yimid Eritrea ee ku nool xeradan oo tiradoodu tahay 400 oo qoys.
Shugri Axmed Gurxan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in caqabadda ugu weyn ee haystay ay aheyd cunno yari, ayna ka baxday markii lagu caawiyay 40 neef oo ari ah.
Xoolaha oo ay ka ganacsato ayay xustay inaysan ka sameyn keyd dhaqaale, balse ay ka hesho dhaqaale ku filan maareynta nolosha qoyskeeda oo ka kooban sagaal carruur ah, iyada iyo seygeeda.
“Nolosha qoyskayga waxaan ku maareeyaa adhiga aan rog rogo kharashaadka yare e iga soo gala, haddii neefka aan ku soo iibsado $46, waxaan dib u siistaa $53, marka faa’idadaas oo kale ayaan ciyaalka ugu soo gadaa raashiin iyo khudaar. Gacan maran iyo gacan wax haysata isku mid maaha.”
Shukri ayaa intaas ku dartay inay tahay qofka kaliya oo reerku ku tiirsan yahay. Seygeeda oo noloshooda ku dabari jiray shaqo xamaali ah ayay xustay inuu kilyaha ka xanuusaday oo uusan shaqo tagin muddo labo sano ah.
Waxay tilmaantay inay xoogga saareyso horumarinta ganacsigeeda oo isha kaliya dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin ah tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.
Shukri ayaa sheegtay in iyadoo jirta labo sano ay waalidkeed kala soo qaxeen magaalada Muqdisho sanadkii 1991, markaas oo uu bilowday burburka Soomaaliya.
Hadda waa 34 jir, curadkeedu ku dhow yahay qaan-gaar, walina aan haysan rajo wanaagsan oo ku riixda inay dib ugu noqoto Soomaaliya.
“Hooyadey anigoo yar oo aan waxba xasuusan ayay ila soo qaxday. Jabuuti ayaa nimid oo qaxooti ku noqday, halkaas ayaan ku barbaaray oo aan ku guursaday, kuna dhalay ilmihii iigu horeeyay. Daleyga hooyo hadduu nabad noqdo waan ku noqonayaa oo wax ii dhaama malahan dhulkeyga.”
Xerada qaxootiga ee Sheedheer, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyuhu waa u bilaash oo waxaa dadkan ka taageera dowladda oo kaa shaneysa hay’adaha gargaarka.
Hinda Cali Cabdi oo halkan deggan tan iyo Sannadkii 2019 waxay sheegtay in qoysku ka soo kabtay dhaqaale darro iyo cunno yari ay wajahayeen.
Waxay nolosha ku dabari jirtay dhaqaale yar oo ah hal iyo illaa labo Doollar oo ay ka heli jirtay shaqo aan joogto aheyn oo ah dhar-dhaqis ay u aadi jirtay magaalada Awbarre oo u jirta 16km, halkaas oo ay u lugeyn jirtay.
Caqabadahaas ayay xustay inay ka gudubtay, markii lagu caawiyay 150 digaag ah oo ay xerada ku dhaqato. Dhaqaale joogta ah oo noloshooda ku filan ayay sheegtay inay ka hesho.
Waxay intaas ku dartay in dukaan bagaash ah ay ku furatay lacag $500 oo ay ka keydsatay ganacsiga digaagga.
“Markii hore waxaan ahaa qof iska tabar yar oo aan waxba qabsan kareyn oo ciyaalkeeda aan dhar iyo cunto ku filan u heli karin, laakiin markii digaaga ley siiyay korbaan u kacay oo illaa hadda shaqadii oo sii kobceysa ayaan wataa.”
Hinda oo qaxooti ah tan iyo sanadkii 2006, waxaa ku tiirsan sagaal carruur ah oo kaligeed ay koriso. Waxay dhashay xeryo ku yaalla dalalka Jabuuti, Eritrea iyo Ethiopia.
Isbeddelka ku yimid nolosha haweenkan wuxuu tusaale u yahay sida taageerada lagu saleeyay horumarinta qoysaska ay u horseedi karto isku filnaasho dhaqaale.










