Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda

Jibril Osman by Jibril Osman
November 11, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda

Qaar ka mid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee helay shaqada joogto ah/Xasan Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan shan boqol oo nin oo ah xoogsato ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka soo kabtay shaqo la’aan ay wajahayeen labadii sano ee la soo dhaafay markii ay samaysteen urur ay ku midaysan oo leh xafiis ku xira shaqooyinka.

Raggan oo horay shaqooyinkooda ay ula wareegeen dad ajaaniib ah oo ay dalka keeneen shirkado ka shaqeeya dhismaha ayay arrintan u noqotay xal ay mahdiyeen. Waxay si la mid ah shirkadaha qaataan qandaraasyada maaddaama ay leeyihiin xirfado kala duwan oo u sahlaya inay qabtaan shaqo kasta.

Cabdiraxmaan Cismaan Cabdi oo ka mid ah ayaa sheegay in tan iyo markii la furay xaafiiska xoogsatada bishii shanaad ee sanadkan uu helayay shaqo joogto ah. 

Ninkan oo ah farsamo yaqaan ku shaqaysta alxanka iyo dhismaha guryaha ayaa sheegay in hadda uu si maalinle ah u helo ugu yaraan $10. Dhaqaalahaas ayuu xusay inay qoyskiisa u suuragelisay inay ka soo kabtaan nolol xumadii ay wajahayeen, muddadii uu baagamuudada ahaa.

“Hadda waxaa igu dhiirigaliyay in aan shaqadda kusoo laabto xafiiskan, waxyaabo badan ayay iga saacideen, markii hore markii aan shaqadda raadsado waxaa la i weydiin jiray damanaad si shaqada la ii siiyo balse hadda xafiiskaan ayaa iga damiin ah, hadda shaqo joogto ah ayaan helaa iyagaa damiin ah, waxaana dib ugu soo laabteydii shaqaddii aan horay iska dhaafay.”

Cabdiraxmaan inuu maareeyay cunno u helidda qoyskiisa waxaa u dheeer in bishii Agoosto ee sanadkan uu ka saaray xerada barakaca Harwanaag ee degmada Kaxda oo ay ku jireen muddo sanad iyo 7 bil ah, halka ay hal waqti karsan jireen wax ay ku caawiyaan dad magaalada degan oo ay qaraabo yihiin.

Muddada ay joogeen halkaas wuxuuu sheegay in carruurtiisa ay kaga dhacday nafaqo-darro daruufaha isku biirsaday darteed, balse ay hadda ka soo kabteen maaddaama ay heleen cunno ku filan. Xeraada ayuu xusay inay ku biireen 2023 markaaas oo uu bixin waayay kirada guri uu degnaa oo ahayd $50. Wuxuu sheegay in hadda uu gudaha magaalada ka kiraystay labo qol ah oo uu bishii ka dhiibo $120.

Ninkan shaqo la’aanta uu kala sinaa dadka la mid ka ah waxaa u dheeraa inuu ka xirmay garaash lagu samayn jiray albaabada iyo Alwaaxa oo uu ku lahaa gudaha magaalada, kaas oo uu uu iibiyay dhamaan qalabkii u yaallay isaga oo ka bixiyay $1,500 oo ay masruufteen.

“Markii hore waxaan ahaan jiray faryaamo yaqaan, Muddo ayaan ka shaqeynayay shaqadaasi, balse marwaliba waxaa igu soo badanayay culeyska aan wajahayo, mararka qaarkood dagaal ayaan ku gali jiray markii la ii diido Joornaati aan maalinkaasi shaqeystay, ka dibna waxaan go,aansaday in aan wadi karin shaqaddaan waana iska joojiyay.”

Qoyska Cabdiraxmaan ayaa ka soo barakacay gobolka Shabeellaha-hoose 2012 xilligaaas oo abaaro ay ka dhameeyeen ari iyo geel ay dhaqan jireen. wuxuu tilmaamay in tan iyo markaas uu ku shaqaysanayay xoogsiga oo ahayd waxa kali ah ee uu fahmi karay maaddaama uusan xirfad kale lahayn.

Ninkaan iyo ragga la mid ka ah ayaa si isku mid ah u soo noolaatay rajadooda suuqa markii ay iska diiwaan-geliyeen xaafiiskan oo ay ka arkeen baraha bulshada, kaas oo aan ku xirin wax shuruud ah si ay ugu soo biiraaan.

Nuur Cusmaan Xasan oo toban saano ku shaqaynaayy koronto gelinta balse aan shaqayn saddexdii sano ee u danbaysay ayaa ka mid ah dadka fursadda helay. Wuxuu tilmaamay in tan iyo markii uu iska qoray xaafiiska bishii June uu si maalile ah u shaqaynayo.

Wuxuu maalintii kasbadaa ugu yaraan toban doolar oo ah qiimaha loogu shaqeeyo halkii qof ee koronto loo xirayo. Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaahas uu nolol wanaagsan u horseeday qoyskiisa 9 qof ah oo xaalad adag wajahay muddadii uu shaqada ka maqnaa.

“Isbeddel wayn ayaan hadda dareemayaa dhibaatadii aan awal waan ka baxay shaqo fiican ayaan helay. Waan shaqaystaa culays kasta oo halkaas iga haystana hadda waan xalliyay.”

Xasan wuxuu tilmaamay in xilligii hore uu tegi jiray shirkadaha guryaha dhisa isaga oo ka dalban jiray inay ka shaqalaysiiyaan koronto gelinta, balse markii ay keensadeen shaqaale u gaar ah ay isaga ka maarmeen, taas oo ku riixday inuu shaqada ka fariisto.

Ku soo biiritaanka midowga ayuu sheegay inuu dhaxalsiiyay inuu si joogta ah u helo shaqo. Guryaha ay dhisayaan ayay isaga iyo koox ay wada shaqo yihiin u qaabilsan yihiin inay geliyaan korontada, taaas oo ka dhigaysa inuusan ka welwelin qaabka uu ku helayo shaqada.

“Markii hore Caqabado badan ayaa heystay oo ah damiin haddii aan shaqo qabanaayo, mararka qaar markii aan shaqo dalbado dadka qaar ayaa i dhihi jiray tuug ayaad tahay ayaa kaa masuul ah, adoo shaqo yar haya ayaa lagu leeyahay qof kaa damin ah keen, hadda dhibkaas waan ka raysanay.”

Xasan wuxuu sheegay in shaqo helidiisan ay kor u qaaday rajadiisa. Wuuxuu hadda billaabay inuu sii kordhiyo xirfaddiisa isaga oo barta qaababka casriga ah ee loo geliyo korontada iyo iska ilaalinta qataraheeda, si uu ula sii qabsado suuqa.

Ururka ay leeyihiin xoogsatadan oo lagu magacaabo Mideeye, waxaa fikirka lagu aasaasay lahaa lahaa 4 nin oo muddo dheer ku soo jiray shaqooyinka muruqmaalka xog baaris dheerna ku sameeyay cilladaha jira iyo qaabka looga gudbi karo.

Nuur Maxamuud Xasan oo horjooge u ahaa ayaa sheegay inay u arkeen midawga halka qaab ee ay wax kula qaybsan karaan shirkadaha. Wuxuu tilmaamay in qof kasta oo xoogsato ah oo leh xirfad uu ku shaqaysto ay soo dhaweeyaan iyaga oo aan ka qaadin wax dhaqaale ah.

Ujeedkooda ayuu ku sheegay in ay doonayaan in dadkaan ay dib u soo celiyaan shaqadooda. Shirkadaha iyo shaqsiyaadka u baahan in looga shaqeeyo dhismayaasha ayuu sheegay inay la galaan heshiis maaddaama ay haystaan shaqaale ku filan inay wax kasta qabtaan.

“Waxaan aragnay in Ajaabibta la tixgalinayo oo Farsamayaqaanada Soomaaliyeed aan loo heyn wax tirxgalin ama ixtiraam ah, waxaan ogaanay in Ajaanibta sababta lagu jecel yahay ay tahay inay ka socdaan Shirkaddo anago waxaan go’aansanay in aan Shirkad noqo.”

Nuur ayaa sheegay inay qorshaynayan inay sii ballaariyaan ururkooda ilaa ay ka gaarayaan inay wada diiwaan-geliyaan xoogsatada dalka oo dhan. 

Iyada oo dalka ay ka jirto shaqo yari wada taabatay dhamaan bulshada ayaa haddana iskaashigu wuxuu u muuqdaa waddo fududaynaysa in laga gudbo caqabado aan midmid lagu xallin karin.

Previous Post

Jigjiga: Haween qaxooti ah oo dib uga soo kabanaya nolol xumo markii xoolo la siiyay

Next Post

Dhaqaale la’aan ku qasabtay qoysas ku nool Hargaysa in ay ku biiraan xeryo barakac

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Dhaqaale la'aan ku qasabtay qoysas ku nool Hargaysa in ay ku biiraan xeryo barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo