Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhaqaale la’aan ku qasabtay qoysas ku nool Hargaysa in ay ku biiraan xeryo barakac

Jibril Osman by Jibril Osman
November 12, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Aamino iyo carruurteeda oo ka mid ah dadka ku biiray xerayah barakaca, markii ay bixin waysay kirada guri ay daganayd/ Sabaax Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan boqol qoys oo saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ku biiray xerada State House ee magaalada Hargeysa ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo duruufo kale.

Qoysaskan oo danyar ah ayaa ku qasbanaaday inay galaan nolosha barakaca markii ay dhaqaale darro darteed isku keeni waayeen bixinta kirada guryihii ay degganaayeen iyo biilka.

Shukri Yuusuf oo 60 jir ah waxay halgan ugu jirtaa inaysan carruurteeda calool marnaan ku seexan balse waxay awoodi la’ dahay inay dabka u shido hal xilli oo joogto ah.

“Nolosha waa iska ciriiri, maalinna way helaan maalinna way waayaan, haddana way ka sii dartay oo magaaladii waa busaarad. Wax aan gacanta ku hayo ma laha, shaqana hadda waa la waayay.100 jeer ayaan raadiyay, wixiiba qabyaalad ayay noqotay.”

Shukri ayaa sheegtay marka ay xaaladdu ku adkaato inay wacdo dad ay ehel yihiin, kuwaas oo u soo dira lacag aan joogto ahayn isla markaanna aan ku filnayn baahidooda.

Haweeneydan, ma awooddo inay qabato hawlaha xoogsiga ah maaddaama ay waayeel tahay. Shaqooyinka  ay xustay in lagu bixiyo weji garasho ayaa quus sii galisay.

Shukri waxaa gaajada iyo gabaad xumada xerada u dheer tahay culeys ka haysta wiil ay dhashay oo kooxaha wax tahriibiya ugu xiran dalka Liibiya tan iyo bishii koowaad ee sanadkan. Waxay sheegtay inaysan u haynin dhaqaale ay ku siidayso.

“Tolkii ayaa igu dayriyay. Xasuustiisa habeen ma dhigo. Maanta ma hayo wax uu Liibiya kaga baxo anna masaariif uma diri karo. Mar mar waxaa jira xadka aan ka baxo. Haddaan laamigaas Hargeyso maro waxaan is-iraahdaa gaariga ayaa ku jiiri.”

Shukri ayaa tilmaamtay in xorriyad la’aanta curadkeeda 27 jir ah ay ku hayso feker joogto ah. Waxaa welwelka ku sii kordhinaya muuqaalo lagu jir-dilayo oo whatsapp-ka loogu soo diro.

Saygeeda oo reerka ka biili jiray shaqooyin muruq-maal ah ayaa tan iyo bishii shanaad shaqo la’aan ah.  Haweeneydan ayaa sheegtay inay qaaraan u doonteen qaraabadooda oo miyi deggan si xoolo loogu soo aruuriyo sii daynta wiilkeeda.

Balse waxay xustay inay ku hungoobeen maaddaama qoysas uu maciin bidday ay ku cayroobeen abaaro deegaannadooda ku saameeyay. Markay xaaladahan isku biirsadeen ayay sheegtay inay xeradan soo beegsadeen bishii sagaalaad oo ay bixin waayeen kirada guri ay xaafadda Faluuja kaga degganaayeen $40.

Dadka kale ka fursan waayay nolosha barakaca, waxaa ka mid ah Aamina Cabdi Xuseen. Waxay cunno ku filan ku la’dahay carruurteeda oo afar ah. Noloshooda ayaa ahayd mid sidan ka wanaagsan inta aysan soo deggan dabayaaqadii bishii tobnaad.

Shukri waxay sidoo kale ka welwelsan tahay mustaqbalka labo ka mid ah carruurteeda oo waxbarashada ka haray markii ay dhaqaale u wayday. Maamulka iskuulka ayaa u kafaalo qaaday tacliinta gabar oo dhigata fasalka 7aad ee dugsiga hoose.

Haweeneydan ayaa sheegtay inaysan carruurteeda u adkaysan karin baahida saacado badan balse waxay xustay inay habeennada qaar qadooyo ku seexdaan.

“Maanta uma karin. Xalay uma karin. Shalay uma akrin. Alle un baa og. Maanta oo kale marka aan sidan oo kale wax u waayo derikiska ayaan dhahaa wax iigu kariya. Maalin walba miyaan ku noqon kartaa? Hunguriga iyo meesha aan degganahay ayaa iigu daran.”

Qoysaskan ma haysan adeegyada aasaasiga ah sida biyo iyo caafimaad. Aamina ayaa sheegtay inay sidoo kale haysato biyo yari. Maamulka magaalada ayaa toddobaadle u keena labo booyad oo labo-labo jirkaan loo shubo qoyskiiba.

Maaddaama biyahan aysan ku filnayd qoysas intooda awoodda waxay gataan biyo ganacsado ay keenaan balse Aamino waxay ka codsataa in dayn lagu siiyo.

Nolosha ayay sheegtay inay ku adkaatay. Waxay intaas ku dartay in shaqooyinka xammaaliga ah oo saygeeda uu ka soo dhicin jiray biilka ay yaraadeen sicir barar guud oo jira darteed.

Geesta kale, Faa’isa Jaamac Xuseen oo korsata sagaal carruur ah, waxay maarayn la’dahay noloshooda afartii bil ee tagtay oo ay deggan yihiin isla xerada State House.

Ninkeeda oo ka taageeri jiray masruufa reerka ayay sheegtay inuu yahay bukaan socod dhakhaatiirtana ay kula taliyeen inuusan shaqooyin badan qaban.

“Odaygu wuu iga xanuusanayaa. Xanuuno badan buu is-kala nool yahay. Dhiig subag buu leeyahay, tayfoodhna wuu leeyahay laba jeerna dhaxan baa ku dhacday. Immika wakhtigaa dhaxanta oo kale maba kici karoo jidhkoo dhan baa la wada garaacayaa meel walba xadhig buu isaga xidhaa wuxuu yidhaa dhiiganaa i fadhiisanaya.”

Dhaqaale xumada haysata ayay sheegtay inuusan awoodin inuu gado dawooyinka uu u baahan yahay. Noloshooda ayaa ku tiirsan maalmo kooban oo uu saygeeda  xoogsi tago isaga oo jirran. Haweeneydan ayaa sheegtay inay barakac noqdeen markii ay bixin waayeen kiro 50 doollar ah.

Waxay sheegtay inay shan ka mid ah carruurteeda ay waxbarashada iskuulka ka hareen markii dhawr bilood fasalka looga saaray inaysan lacag bixin darteed.

Xerada waxaa biliii tagay ku soo ku soo kordhayay qoysas xammili waayay nolosha magaalada oo qaali ah, tani waxay keentay inay ciriiri noqoto.

Cabdirisaaq Cabdillaahi Ismaaciil oo ah xoghayaha guddida xeradan, ayaa sheegay in dad badan ee soo degayay ay keentay waddo la’aan, taasina ay horseeday in dhaw mar uu ka kacay dab qasaare geystay.

“Xaafadani waa isku raran, waddo ma leh. Sanadkii intaas oo guri baa naga gubta. Gubashadaa meel ay u soo maraan ayaa la waayaa guryaha kale ayay sii dumiyaan oo dab damisku. wax qabad ah oo aanu dawlada ka haynaana ma jirto.  Sannad walba labaatan guri baa naga gubta.”

Qoysaska xerada bilihii tagay soo degay filashadooda ayaa ahayd inay gargaar ka helayaan balse waxay ku wajahayaan hubanti la’aan.

Guud ahaan, xaaladda xeradan waxay u baahan tahay gargaar degdeg ah oo dhinacyo badan leh, sida taageero dhaqaale oo qoysaska shaqo la’aanta la daalaa-dhacaya wax loogu qabto.

Previous Post

Muqdisho: Xoogsato laga caawiyay shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda

Next Post

Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo

Qoysas ku hanti beelay colaadda Qoryoolay oo wajahaya nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo