(ERGO) – Ku dhawaad 600 oo qoys oo colaad qabiil uga soo barakacay degmada Qaryooley ayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya deegaanka Ceelasha-biyaha ee gobolka Shabeelaha hoose.
Dadkan oo beeraley iyo ganacsato iskugu jira ayaa halkaas gaaray bishii 9 ee sanadkaan, markii ay dagaalka dartiis uga soo tageen dhamaan ilihi dhaqaale ee noloshoodu ay ku tiirsanayd.
Maxamed Aadan Xasan oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in reerkiisa oo toddobo ah ay ku adag tahay helida cunno malmeedka.
Waxay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay ku kalmeeyan dad daris kula ah xerada Al- hidaaya oo ay soo micin bideen, taas oo marka ay waayaan ay ku qasbanaadan in ay qatooyo ku joogan.
“Inta yar ee aan helno wax nagu filan maahan oo aad ayay noogu yar tahay. Dad ay colaadu saameysay oo dhibaatadaas ku jira ayaan nahay.”
Maxamed ayaa sheegay in si uu qoyskiisa hal mar dabka ugu shido maalinkii uu shaqo xamaal ah marar badan ka raadiyay deeganka, hasa ahaate uusan helin, taas oo quus galisay.
Ninkaan ayaa sheegay in xaaladaan ay u dheer tahay hoy xumo. Waxay gabaadsadan cooshad oo ay ka dhisteen ulo iyo maryo dhamaad ah oo lagu caawiyay.
Wuxuu ka murugsan yahay in dhibicda roobka, dhaxanta iyo qoraxda maalinkii ay bannaan-yaall u yihiin carruurtiisa oo kan ugu yar uu saddex bil jiro.
“hoyga aan ku nool nahay waa meel Ilaahay xaalkiisa ogyahay, sidoo kalana waa ciriiri danta ayaa nagu qasbaysa. Illahay ayaan beddel kale ka sugeynaa.”
Maxamed ayaa sheegay in ay isaga soo tageen iyagoo aan waxba ka soo qaadan guri ka kooban 2 qol oo dhagax ah, baraag, jiko iyo musqul oo ay ku leeyihiin degmada Qaryooley.
Wuxuu tilmaamay in barakaca ay uga waxbarasho beelen labo carruur ah oo u dhiganayay dugsi hoose iyo dhexe, kuwaas oo bishii uu ka bixinay $20 isku darkooda.
Iskuullada ku yaalla deeganka Ceelasha biyaha oo halki qof wax lagu baro $5 ayuu sheegay inuusan awoodin.
Dhanka kale Wuxuu xusay in Ceelasha biyaha oo Qoryooley u jirta masaafo dhan 92 km ay ku soo gaareen socod lug ah oo labo maalin iyo habeenadooda qaatay.
Maxamed ayaa xusay inuu nolol tan dhaanta ku haystay deegankiisi oo uusan hadda dib ugu noqon karin, maaddaama ay colaadii wali ka jirto.
“Noolasheena aad ayay u wanagsansanayd, ilmaha xitaa waxbarasho ayay ii haysteen. Hadda waxaan noqonay dad barakac ah oo aan waxbo gacan ku haynin.”
Qoyska Maxamed waxay soo tageen beer saddex hiktar ah iyo dukaan bagaash iyo raashin loogu iibiyo oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Wuxuu sheegay in alaabtii dukanka u taallay ay noqotay wax la dhacay iyo qaar la gubay. Dhaqale uu $2,000 ku qiyaasay oo u dhax yaallay ayuu cayr ka jooga.
Ninkaan ayaa sheegay in sidoo kale beertiisa oo ay u saarnaayeen raashin iyo khudaar goosasho ku dhawaa ay deegamaysteen ciidaamo maleeshiyo beeled ah.
Dalagii ugu danbeeyay waxaa uga baxday $250 oo aysan waxba uga soo laaban. Qoysaska ka soo barakacay colaada degmada ayaa si isku mid ah u wajahaya nolol xumo ku haysata xeryaha ay tageen.
Aamina Cali Ibraahim waxay cunno hal mar ah u awoodi la’dahay 9 carruur ah oo ay dhashay. Waxay sheegtay in ay hal mar cunnaan maalinkii wax ay ka soo baryaan dadka ay deegaanka ugu yimaadeen.
Carruurteeda oo kan ugu yar uu saddex sano jir yahay ayay calool marnaan ku seexisaa habeenada aysan waxba soo helin. Waxaa intaas u dheer in aysan waxba uga awoodin dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah.
“Noolasha qoyskeyga ciriiri ayay ku jirta, cunto, daawo iyo biyo midna ma heli karno. Dad in ay biyo yar ku nooladan la qabsaday ma nihin oo tuubooyin aan anaga leenahay ayaan biyaha ka cabi jirnay.”
Aamina ayaa sheegtay in culaysyada haysta ay ka mid tahay hoy la’aan. Waxay gabadsadan qol cooshad ah oo ay ka sameeysteen kartamo, maryo iyo geedo ay isku geeyeen, kaas oo aan ka celin karin qabowga iyo qoraxda midna.
Waxay dibad-yaal ka noqdeen guri ka kobnaa saddex qol oo dhagax ah, musqul iyo jiko oo ay ku leeyihiin Qaryooley. Waxay xustay in ay iskaga soo tageen iyagoo faro maran.
Haweeyneydan ayaa sheegtay in ay walwal ku hayso $150 oo ah deyn ay raashin iyo arrad-tir ugu soo qaadatay carruurteeda intii ay deegankoodii joogeen, taas oo aysan hadda aqoon si ay ku bixiso.
“Waxaan rajaynaya inaan iska bixiyo hadduu Ilaahay wax ii siiyo. Haddii aanan waxbo helin si kale oo aan ku bixin karo maaqan.”
Aamina ayaa xustay in noolasha qoyskeeda ay ka soo saari jirtay khudaar ay ku iibin jirtay waddooyinka Qaryooley, halkaas oo ay maalinkii ka heli jirtay $5 oo faa’iida oo ka kaafin jirtay baahiyaha reerkeeda.
Qoysaska ay saamayso ee ku biira xeryaha kama helaan noolashii ay rajaynayeen, taas ayaa keenta in ay u sii kordhaan dhibaatooyinka nolosha ee ay wajahayaan.
Ibraahim Xasan Muuse oo ah gudoomiyaha xerada Al-hidaaya ee deeganka Ceelasha-biyaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska dagaalkaan ka soo barakacay ee xerada soo miciin biday aysan wali heli wax caawimaad ah.
“Dhibaatada daran ee dadka haysa darteed waxaan maamulka Konfur-galbeed iyo hay’adaha gargaarka bixiya ka codsanayna in caawimaad lala soo gaaro. Cunto, biyo iyo hoy intaba waa u bahanyihiin dadkaan.”
Gudoomiyaha ayaa xusay in tan iyo bishii Sebtember ay diiwangaliyeen ku dhawaad 600 oo qoys oo colaad uga soo barakacay degmada Qaryooley iyo deeganno kale oo gobolka Shabellaha hoose ka tirsan.
Dagaallada qabiilka ee ka dhaca deegaanno badan oo dalka ka tirsan waxay baabi’iyaan iliha dhaqaalaha sida beeraha iyo ganacsiyada, taas oo xaalad nolol xumo ah galisay qoysas markii hore haystay ladnaa.










