(ERGO) – Toddobo sano oo shaqo la’aan iyo nolol xumo ay la daalaadhacaysay waxay fursad u heshay Kaafiya Cali Axmed shaqo nadaafadeed, taas oo ka caawisay in cunno joogto ah ay u hesho carruurteeda oo 8 ah.
Shaqadan oo ay ka qabato waddooyinka iyo suuqyada Kismaayo waxay ku qaadataa raashin bille ah. Wuxuu ka kooban yahay bur, sonkor, baasto iyo iidaankooda, kuwaas oo loogu geeyo gurigeeda.
Howsha nadaafadeed waxaa ku wehliya 29 dumar ah iyo 20 rag ah. Waxay intooda badan ka soo shaqo tagaan xeryaha lagu barakacay iyaga oo xooggooda ku beddalanaya nolol-maalmeedka qoysaskooda.
Kaafiya ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dowladda hoose ee Kismaayo ay bilwalba ay siiso 25 kiilo oo bariis ah, 12 kiilo oo baasto ah, 5 kiilo oo sonkor ah, saliid iyo malayga gasacadaysan oo 6 ah.
Dhaqaalaha ku baxa waxaa bixisa hay’adda Gift of the Givers Foundation. Kaafiyo ayaa sheegtay in baahi ay dabooli waysay sanado badan uu xal u noqday raashinkan.
“Bariiska hadda nala siiyo horay umaanan haysan xooggayga ayaan ku keenay. Bariiskaas wuxuu ii yahay anigoo mushaar qaata oo kale. Bariiska aad soo qaadato waa wax kuu yaalla. Marka kalsoonidaas baan haystaa.”
Waxay tilmaamtay in tan iyo bishii July ee sanadkan ay ku tiirsan tahay raashinkan oo soo kabasho u noqday carruurteeda oo kaligeed ay koriso. Ka hor shaqadan ay ku beddelato raashinka waxay subax walba u dawarsi tagi jirtay magaalada.
“Dadka Islaamka ayaan dhihi jiray walaalow ilmaha waa iga gaajaysan yihiin wax ii tuura. Maalintii intay gaajo ku hadh galaan oo habeenkii ku seexdaan ayaa maalinta kale ku gaadhi jireen way dhici jirtay.”
Dhibaatadaas ayay sheegtay Kaafiyo in meesha ka baxday. Carruurteeda waxay dabka u saartaa cunnada saddex waqti oo ka mid ah maalintii. Waxay xustay nolosha ay ku jiraan carruurteeda ay yididiilo galisay.
Waxay qorshaynaysaa in ay hesho shaqo kale oo dhaqaalaha ay ka heli karto ay ku dhisto mustaqbalka waxbarasho ee ilmaheeda, kuwaas oo hadda guri joog ah, maaddama aysan u awoodin waxbarashooda.
Lix saac oo ka mid ah maalintii, gaar ahaan galinka hore waxay ka shaqaysa howsha nadaafadda. Waxay tilmaamtay in ay haysto saacado kale oo galinka danbe ah. Waxay jeclaan lahayd in ay hesho shaqo kale.
Waxay si ku meel-gaar ah u deggan tahay hal qol oo ku dhinac-yaalla, isla markaana ka mid masjid, kaas oo fursad ay u hesho iyada iyo carruurteeda oo bannaan-yaal ku ah waddooyinka Kismaayo.
“Anigoo guri haysan, carruurtaydana ay ku dayacan yihiin guri burbursan oo roobku ku da’ayo ayaa laygu saacideeyay kan. Waxaa igu saacideeyay wadaadada masaajidka. Waxay igu dhaheen halkan dag kan ayaa bilaash ah oo bayd (guri) Ilaahey ah sidaas baan ku soo dagay.”
Waxay xustay in halka qol uu cariiri ku yahay iyada iyo carruurteeda, balse uu wax badan dhaamo xaaladdii hoy la’aanta. Waxaa loo ballan-qaaday in ay daganaan karto inta ay ka helayso guri kale.
Waxay nasiib u heshay in ay ka mid noqoto danyar loo qoray shaqada nadaafadda, taas oo ay sheegtay in ay ku garab-siiyeen dad ka war-hayay xaaladda nololeed ee ay ku jireen iyada iyo carruurteeda.
Haweenaydan waxay toddobo sano ka hor ka soo barakacday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose, markii uu dhintay saygeeda oo ahaa kaluumayste, kaas oo nolol-maalmeedka u soo dhicin jiray.
Shaqada nadaafadda ee Kaafiyo iyo xoogsatada kale ay qabtaan ayaa qorshuhu yahay in ay sii socoto waqti dheer. Ujeedada laga leeyahay ayaa ah bilic soo celinta iyo shaqo siinta danyarta.
Amiina Axmed Cabdiraxman waxay ka mid tahay dumarka ka soo shaqo taga xeryaha lagu barakacay. Waxay qaabilsan tahay wadooyinka qashinka iyo ciiddu xirtay, taas oo shaqo fiican ay ka qabatay iyada iyo koox toban qof ka kooban oo hurmuud ay u tahay.
Shaqadan oo ay qabato galinka hore ee maalintii waxay ku heshaa raashin la mid ah kan ay Kaafiyo ay qoondada loo siiyo, kaas oo ka caawiyay qoyskeeda oo 10 ah in ay joogto u helaan cunno ku filan.
Aamino oo 45 jir ah waxay joogto u shaqaysa 12 saac ee maalintii. Galinka danbe waxay u shaqaysaa dad ay macaamiil ay u tahay, kuwaas oo dharka ay u dhaqdo.
Waxay ka heshaa halkii mar lacag u dhaxaysa $2-$3, taas oo ku xiran cadadka dharka ay u mayrto macaamiisheeda. Waxay sharraxaysa waxay ku dabbarto lacagtan ay hesho.
“Goosaarta iyo dhuxusha ayaan soo gataa, raashinkiina guriga ayuu ii yaalla. Intaas awal mahaysan. Raashinka ayaa igu soo kordhay oo hadda dheeri ii ah.”
Aamina oo aqal cooshad ka samaysan ku leh xerada lagu barakacay ee Gaabo waxay sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay ka soo gudbeen xaalad cunno xumo oo saamayn ku reebtay.
Waxay ku tiirsanayd shaqada dhar-dhaqidda oo iskudarsatay lacag yari iyo joogto la’aan. Hal mar oo ka mid ah maalintii ayay dabka u shidi jirtay carruurteeda. Waxay ku badbaadi jirtay daymo ay heli jirtay.
“Waxaan u tagaa dukaanle. Waxaan dhahaa: intaan baan haystaaye inta kale iga sug. Waan ka soo adeeganaa. Wixii dheeri ah oo uu igu yeesho buug buu iigu qoraa. Beri markan wax helo dayntii ayaan u gaynaa, wax kalana waan ka soo qaadanaa. Sidaas baan nolosha ku maarayn jiray.”
Waxay ka cabanaysaa waxbarasho la’aan haysa afar ka mid ah carruurteeda oo dhiganayay dugsiga dhexe. Bishii Sabteembar ee sanadkan ayuu xirmay iskuulkooda oo bilaash ay ku dhigan jireen, markii hay’addii taageeraysay ay dhaqaale xumo soo foodsaartay sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Jubbaland
Aamina oo carruurteeda ay agoon yihiin waxay ka soo barakacday sanadkii 2017 deegaanka Kansuuma oo 60 u jirta Kismaayo, halkaas oo ay ku leeyihiin beer lix hiktar ah. Waxaa saamayn ay u adkaysan waayen ku yeeshay abaar ragaadisay wax-soo-saarka beerta.
Haweenaydan iyo dadka kale ee la shaqaalaysiiyay waxaa soo xulay waaxda deegaanka ee dowladda hoose ee Kismaayo. Cabdifataah Aadan Cabdullaahi oo agaasime u ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fursaddan ay uga faa’iideeyeen dadka nugul ee nolol-maalmeedku ku adag yahay.
“Dadkaan kow marka hore waxaan shaqo abuur ayey u tahay, magaaladana horumar ayay u tahay iyo nadaafad. Dadkaan in la kordhiyo mahaane waa dad rasmiya oo sii shaqayndoona waligooda, sidoo kale waxaa jira waddooyin cusub oo dhamaystir ku dhow. Dhamaantood waxay sugayaan dowladda hoose qaabkii ay u maamuli lahayd nadaafaddooda.”
Shaqo la’aanta ka jirta qaybo ka mid ah dalka waxay ku riixday dadka soo barakacay iyo danyarta in ay doorbidaan shaqo cunno ku beddelasho, taas oo soo kabasho u noqotay.










