Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa qoysaska rag Muqdisho ku wareejin jiray shidaalka gaadiidka

Jibril Osman by Jibril Osman
November 10, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Nolol xumo haysa qoysaska rag Muqdisho ku wareejin jiray shidaalka gaadiidka

Qoys barakac ku ah xero ku taalla Baydhab/photo kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhawaad boqol rag ah oo wadooyinka Muqdisho ku iibin jiray gaaska qaboojiyeyaasha loo isticmaalo kuna shubi jiray baabuurta, mukayfyada iyo fariijyada ayaa maarayn la’ nolol-maalmeedka qoysaskooda tan biyo bishii May, markii ay meesha ka baxday shaqadoodii.

Ugu yaraan 10 ka mid ah oo bixin waayay kirada guryihii ay deganaayeen ayaa ku qasbanaaday in ay u guuraan xeryaha barkaca, sida ay noo xaqiijiyeen. Waxay sheegay in ay isku raacday shirkado waa weyn oo shaqada kala wareegay, gaaskii oo qaali noqday iyo dadka oo damiin ku xiraya.

Cabduqaadir Cali Xuseen oo raggaas ka mid ah ayaa sheegay in carruurtiisa uusan u heli karin cunno ku filan. Maalinkii ayay hal mar dabka saartaan wax ay ku caawiyaan ehel iyo asxaab uu u dan sheegto. Markii aysan waxba ka helinna qatooyo ayay ku joogaan.

“Shaqo meshaan ma jirto oo naf la caari ayaan taganahay. Hadda ah ilmahaygii wali biil uma tuurin. Markii hore way nagu filaan jirtay ehelka nagu soo cawdana wax ayaan siin jirnay, laakiin hadda ma jirto.”

Cabdulqadir ayaa sheegay in shaqada ka joogsatay ay muddo 6 sano ah ah u ahayd halka meel ee uu dhaqaale ka soo galo. Wuxuu maalinkasta lugeeyaa ku dhawaad 2 saac si uu u helo qof uu howl u qabto, balse faro marnaan ayuu gabal-dhicii ku soo laabtaa.

Ninkaan ayaa sheegay in macaamiishu waydiiyaan warqado cadayn ah oo muujinaya bad-qabka adeega ay bixinayaan, maaddama qof jidka taagan iyo alaabta uu sito aysan aamini karin amaankooda dartiis, mana lahan xafiis u fududayn kara warqadahaas.

Xaaladaan waxay qoyskiisa oo 8 qof ah u horseeday in ay galaan xeryaha barakaca, markii uu bixin waayay $20 oo ah kirada qol ay ka deganaayeen degmada Dharkaynley. Wuxuu tilmaamay in roobka, qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii ay dibad-yaal u yihiin carruurtiisa oo yar yar.

‘Hadda oo aan kula hadlayo saddex bil ayaa la igu leeyahay kiradii, markii aan awoodi wayay gurigayga iiga bax ayaa la igu yiri. Meeshaas tabar ayaa I gaysay buushashkaas ayaan iska degnay.”

Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in haamo yar yar oo tuubooyin ku xariirsan yihiin ay dusha ku xiran jireen iyagoo jidadka la istaagaya. Gawaarida iyo qofkii u yimaada ayay gaaska ugu shubayeen qaboojiyeyaasha, waxaana ka soo gali jiray dhaqaale noloshooda ku filnaa.

Shirkadaha shaqada kala wareegay ayuu xusay in ay dowlada shatiyo ka haystaan oo adeegyo sugan ay bixinayaan, dadkuna uga kalsooni badan yihiin.

“Markii ay xaaladu fiicnayd maalinkii waxaan u shaqayn jiray illaa 8 gaari galabtii ayaan ku gaari jiray, gaasku raqiis ayuu ahaa waxaa iga soo bixi jirtay maalinle $25 illaa $30.”

Cabdulqaadir waxaa murug ku hayso shan carruur ah oo waxbarasho la’aan ku ah xerada ay ku nool yihiin. Wuxuu sheegay in labo ka mid ah oo u dhiganayay fasallada afraad iyo lixaad uu bishii ka bixin jiray $20, halka saddexda kalena ay dugsi qur’aan ugu jireen, kuwaas oo bishii laga qaadi jiray $15.

Ninkan oo wadanka ka qaxay sanadkii 1990 ayaa 25 sano oo uu ku noolaa dalka Yemen wuxuu dib u soo noqday 2015. Wuxuu xusay in uusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto, markii ay meesha ka baxday tii hore.

Qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay oo noloshooda ka maareeya shaqooyinka aan damaanada lahayn ayaa wajaha caqabadaha ugu daran.

Mustaf Ducaale Dayib wuxuu ka mid yahay ragga muddada dheer gaaska qaboojiyeyaasha loo isticmaalo ku iibinayay wadooyinka Muqdisho. Tan iyo bishii June ee sanadkaan wuxuu sheegay in shaqaadiisu ay sii yaraanaysay, taas oo keentay in uu waayo masruufka reerka.

Wuxuu xusay in ay soo bateen dadka gaaska daroogo ahaan u isticmalaya, taas oo sababtay in uu qiimihiisu sare u kaco. Ninkaan ayaa tilmaamay in shaqada ka istaagtay ku tiirsanayeen 9 sano. Waxaa ku adag helida cunno maalmeedka, biyaha iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga ah.

“Caqabadaha I haysta waxa ka mid ah maanta kama bixi karo kirada, qarashka dugsiga iyo iskuulka, korontada biyaha iyo biilkii la cuni lahaa dhamaan. Maanta haddaan helno waa ku noolaanaa haddii kalena nasiibkeena ayaan qabnaa, sidaas ayaan ku moodaynaa.”

Mustaf ayaa sheegay in reerkiisa oo ka kooban 14 qof ay ku nool yihiin xerada barakaca Badbaado ee duleedka Muqdisho. Waxay halkaas tageen bishii Luulyo, markii ay iska bixin waayeen $70 oo ah kirada shan qol oo jiingad ah oo ay deganaayeen.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan helitaanka biyaha. Ceel gaar loo leeyahay oo 2 km u jira ayay xaaskiisu dusha uga soo qaato 40 liitar oo lix kun laga siiyo. Markii ay lacagtaas wayaan ayuu xusay in ay mulkiilaha u dan sheegtaan oo lagu qoro.

Wuxuu quus ka muujiyay qaabkii uu xaaladaan adag uga gudbi lahaa.

“Waxkasta oo aan ka shaqayn jiray waa weynay hadda oo xarumo kale ayaa soo baxay, waxaa soo baxeen dad gaaska daroogo u isticmaalaya, xarumo badan ayaa la furay dhaqalihii naga soo gali jiray oo dhan wuu naga xirmay walwal ayay nagu haysaa.”

Mustaf ayaa sheegay in xerada aysan ka jirin adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada. Lix carruur ah oo horay iskuul iyo dugsi Qur’aan ugu dhigan jiray ayaa daruus la’aan ka ah. Wuxuu xusay in uu isku darkooda ka bixin jiray $60 oo hadda uusan awoodin.

Waxaa sidoo kale culays ku haysa deyn $400 ah oo reerka uu raashin iyo biyaha ugu qaatay intii uu shaqo la’aanta ahaa, taas oo joogto loo waydiyo, balse faro marantiisa awgeed uusan aqoon si uu ku bixiyo.

Qoyska Mustaf ayaa sanadkii 2016 abaar uga soo barakacay miyiga gobolka Bakool, markii ay ka dhamaadeen 40 neef oo ugu danbaysay ari iyo lo’ ay dhaqanayenen.

Dadka kale ee maarayn la’ nolosha qoysaskooda, markii ay waayeen shaqooyinkooda waxaa ka mid ah Cabdisalaan Maxamed Beyle. Waa qofka kali ah ee u shaqaynayay hooyadiis oo waayeel ah iyo shan carruur walaalihiis ka yar yar ah.

Wuxuu xusay in tan iyo bishii lixaad uu maareyn waayay dhamaan baahiyaha reerka. Ninkaan ayaa xusay in markii ay ugu fiican tahay uu toddobaadka dhan hal mar helo shaqo ay ka soo gasho ugu badnaan labo dollar, taas oo hal mar oo ciriiri ah ay dabka ku shitaan.

Wuxuu sheegay in maalmaha uusan shaqo helin ay cunnaan wax dadka dariska ah ku caawiyaan. Faa’iidadii hore ee uu shaqadiisa ka heli jiray ayaa hoos u dhacday.

“Biilku wuxuu ku xirnaa qofka markaa u shaqayso lacagta aad ka qaadanayso. $20 ama $25 ayaan ka qaadi jirnay horay haddase labo ama hal dollar ayaan ka helnaa.”

Cabdisalaan ayaa sheegay in uu awoodi wayay $50 oo ah kirada qol ay ka degan yihiin degmada Wadjir ee magaalada Muqdisho. Saddexdii bil ee ugu danbaysay wuxuu sheegay in ay ka bixiyeen dad ay qaraabo yihiin, tan socotana wali lagu leeyahay.

Shaqooyinka yar yar ee xirfadaha gacanta iyo murug maalka ah waxaa ku tiirsan qoysaska dhaqaalahoodu hooseeyo. Sannadihii dambe qaar badan oo ka mid ah ayaa suuqa ka baxay, taas oo keentay in dadkaan ay wajahaan hubaanti la’aan nololeed.

Previous Post

Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa

Next Post

Jigjiga: Haween qaxooti ah oo dib uga soo kabanaya nolol xumo markii xoolo la siiyay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Jigjiga: Haween qaxooti ah oo dib uga soo kabanaya nolol xumo markii xoolo la siiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo