Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda

Jibril Osman by Jibril Osman
September 25, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda

Photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo wajahday qoysaska ragga muruq maalka ah ee ka shaqeeya dhismayaasha guryaha ee magaalada Hargeysa. Arrintan ayaa timid markii shirkadaha dhismaha iyo injineerradooda ay samaysteen shaqaale gaar ah oo ay u yeertaan marka ay u baahdaan cid hawl u qabata.

Cabdi Nuur Faarax wuxuu subax kasta u kallahaa baqaarradda lagu gado qalabka dhismaha si uu shaqo xamaali ah uga helo balse saacado fadhi ah kaddib wuxuu ka soo noqdaa isaga oo daalan, fara-maran oo bus leh.

Ninkan ayaa sheegay in xaaladan uu wajahayay afartii bil ee la soo dhaafay, taas oo qoyskiisa galisay hubanti la’aan cunno.

“Waxay u saamaysay aad iyo aad. Nolosha waxay ku xirnayd shaqada, wixii aad soo ehsho ayaad u keenaysay. hadda bishii ayaa labo mar shaqo la heli. Amaan ayay qaadanayaan, yoomka aad hesho ma bixinayso. Dayntii markaad qaadato, qaadato naga tag ayaa lagu dhihi. Culeys badan ayaan dareemayaa.”

Ninka ayaa sheegay muddadii ay shaqadiisu ahayd seeg-seega in lagu yeeshay dayn gaaraysa shan boqol oo dollar, taas oo culeyska ku sii kordhinaysa. Wuxuu xusay inuusan xilligan awood u lahayn bixinteeda isla markaana loo haysto.

Ma laha xirfad kale oo uu ku xoogsado. Isbeddelkan ku dhacay ma ahayn mid uu u sii diyaar-garoobay. Wuxuu ku baraarugay shaqadiisii maalinlaha ahayd oo noqotay mid nasiib ah in la helo isla markaanna laga maarmay kaalintiisii.

“Dadkii wax dhisanayay ee injineerrada ahaa ayaa dad keensaday. Shaqaale ayay samaysteen. Ehelkoodii bay keeneen. Marka sidaas awgeed ayaa meeshii aad tagtaba aadan wax uga heleynin. Sidoo kale qalab  ayay haystaan shaqaalaas nagga ma haysanno.”

Cabdi ayaa sheegay inuusan haynin wax qorshe oo uu qoyskiisa kaga saaro nolol xumada ay la daalaa-dhacayaan waqtigan. Noloshooda ayaa ku tiirsan badar aan ku filnayn oo uu dukaamada ka soo baryo.

Wuxuu intaas raaciyay ka sokow inaysan helin quud wada deeqa inay u dheer tahay inaysan haysan wax iidaan ah. Ninkan ayaa sheegay inay carruurtiisa la qabsan la’yihiin gasiin yarida iyo caano la’aan ku dhacday.

“Markii shaqadeenna ay jirtay, meel walba waa laga shaqaynayay. Maalinna ma aanan fariisan jirin. Nolosheena markaas aad u wanaagsanayd, heer sare ayay ahayd. Maalin walba lacag ayaa soo baxaysay. Iyagoo biilkii shalay haysta ayaan kii kale siinanay. Wax naga maqnaa iyo wax aan u baahnayd midna ma jirin.”

Cabdi ayaa sheegay inuu maalinle u heli jiray ugu yaraan siddeed dollar, taas oo kaga filnayd maaraynta baahiyaha aasaasiga ah ee qoyskiisa oo shan ah. Wuxuu sheegay inuusan hadda ka hor uusan cid u baahan.

Shaqo la’aanta ku dabo-dheeraatay ayaa ku qasabtay in marka uu waayo amaan dabka reerka loogu shido uu u sharaad tago qaraabadiisa iyo dadka kale ee kuu ku tuhmayo inay caawin karaan.

Xoogsatadaa dhismaha ee magaalada ayaa ka siman baaga-muunimada. Maxamuud Yuusuf Jaamac wuxuu maarayn la’ yahay cunnada, kirada, waxbarashada carruurtiisa iyo baahiyaha kale qoyskiisa oo danyar ah.

Ninkan ayaa sheegay in shaqo la’aanta ku dhacday ay ku soo aaday iyada oo magaalada uu ka jiro sixir barar keenay inay maceeshadda ay noqoto qaali. Arrintan ayuu xusay inay xaaladooda sii murjisay.

“Marna waan cashaynaa, marna waan qadaynaa. Culeysyada aan dareemayo waxaa ka mid ah dhaqaale yari, xaggii waxbarashii, xaggii caafimaadkii, hadday arrad beel noqoto meelo badan ayay naga taabanaysaa. Marka shay la soo helaya shay ayaa dhiman, biyihii, saliidii, dhuxushii baahidu aad ayay u badan tahay.”

Maxamuud ayaa sheegay inuu maalintii heli jiray lacag u dhaxaysa toban doolar ilaa laba iyo toban doolar balse hadda toddobaadkii uu labo helo ugu badnaan shaqo xoogsi ah. Waxaa intaas dheer in shirkadaha ay kala bar-dhimeen lacagtii uu ku hawl gali jiray.

Ninkan ayaa tilmaamay inuu qoyskiisa ka raray guri labo qol ah oo ay degganaayeen markii uu kirada oo ahayd $10 bishii iyo nolosha reerka uu isku keeni waayay.

Hadda waxay ku hoydaan buul kiradiisu bishii tahay shan dollar, kaas oo uu xitaa awoodi waayay inuu nal gashado oo mugdi ah habeenkii. Waxaa intaas u wehlisay inay carruurtiisa tacliinta uga hareen dhaqaale la’aan.

“Markii aan shaqada haystay noloshayda aad ayay u fiicnayd oo xitaa caruurtayda waxbarasho fiican ayay haysteen. Madarasada ayaan awoodanay inaan iska bixinno  oo iskuul ayaan awoodaynay inaan iska bixinno. Markii shaqadii ay yaraatay waxbarasho la’aan ayaa caruurtii naga haysata oo guryaha ayay noo joogaan. Waayo ninka ka fekeraya maxay u cunnaan maxay bartaan hami uma hayo.”

Maxamuud ayaa sheegay in markii shaqadiisu joogtada ahayd maalinta uu waayo uu dukaamada dayn ka heli jiray balse markii lagu yeeshay lacag gaaraysa $350 loo sheegay inaan mid kale la siinaynin inta uu iyada ka gudayo.

Ninkan ayaa xusay haddii uu shaqooyin kale raadin lahaa inay noqdeen kuwo lagu bixiyo nin jaclaysi.

Intii aan ku jirnay diyaarinta sheekadan sababaha aan ogaanay ee shirkadaha ka shaqeeya hawlaha dhismaha ay u door-bideen xoogsado gaar ah waxa ka mid ah inay magaalada ka heleen shaqaale ka soo jeeda dalalka Bangladesh, Yemen iyo Ethiopia, kuwaas oo qiimo yar maalintii ugu shaqaynaya.

Maxamed Axmed Yoonis oo enjineerka ka ah shirkad dhisme ayaa sheegay in waxyaabaha keenay qorashada shaqaale gaar ah inaysan intaas ku koobnayd. Wuxuu tilmaamay inay cillado uga timid shaqadooda ku tiirsanaanta xoogsatada oo uu xusay inaysan marka marba degdeg u heli karin.

Wuxuu sidoo kale qabaa in shaqaalaheenna aysan aad ugu bislayn hawla loo idmado, taas oo uu sheegay inay ku hoggaamisay inay raadiyaan muruq-maal kale oo ay ku hallayn karaan masuuliyadda.

“Baahida keentay waxaa weeye, waxaa loo baahan yahay shaqaale xirfad leh. Marka xirfaddooda ayaa keentay inaan shaqaale gaar ah yeelano. Waxaa kale sabab kale ah is-fahanka qofka. Iyo ta ugu muhiimsan oo aad u aragtay inay shaqada caadad u yihiin. Badanaa shaqaalaheenna muruq-maalka ah intay ishaadu hayso mppyeen marka aad ka maqan tahay shaqada caadad uma aha.”

Ninkan ayaa sheegay in shaqaalaha ay u baahan yihiin inay xirfadooda horumariyaan inay shaqadooda u sii xajistaan isla markaanna ay wanaajiyaan dabeecaddooda dad la dhaqan iyo hufnaantooda hawleed. Muruq-maalka magaalada Hargeysa ee dhismooyinka ayaa qaba welwel badan ka qaba sii wadida shaqadii sal-dhiga u ahayd noloshooda. Waxay dalbadanayaan in maamulka uu wax ka qabto ajaaniibta booska ka riixanaya.

Previous Post

Dhallinyaro shaqo ka helay mashruuc dhisme oo ka socda Dhuusomareeb

Next Post

Qoysas ka barakacay colaadda Shabeellaha hoose oo xaalad quus ah ku wajahaya Muqdisho

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Qoysas ka barakacay colaadda Shabeellaha hoose oo xaalad quus ah ku wajahaya Muqdisho

Qoysas ka barakacay colaadda Shabeellaha hoose oo xaalad quus ah ku wajahaya Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo