(ERGO) – Boqolaal qoys oo colaad u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo Shabaab uga barakacay deegaannada Mubarak, Mareerrey iyo Awdhiigley ee gobolka Shabellaha-hoose ayaa biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya xerada Hilaac ee degmada Garasbaalleey oo ay tageen tan iyo bishii Abriil ee sanadkan.
Dadkan ayaa dagaalka dartiis iskaga soo tagay beero iyo xoolo ay ku tiirsanayeen. Qoyska Muno sheikh Cabdisalan oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in cunto saddeexda waqti ah ay heli jireen qoyskeeda oo 7 qof ah, balse hadda ay la’yihiin waxay hal waqti dabka ku shitaan.
Muno oo leh uur toddobo bil ah, waxay qoyskeeda ku noolyihiin dawarsi ay u aado xaafadaha magaalada Muqdisho, kaas oo ah qaabka kali ah ee ay dabka ku shitan.
“Maalin iyo habeen isku xiga oo aysan carruurteyda waxbo cunin baa ii soo marta oo aan biyo ku seexiyo, xaaladeena aad bey u liidata. Meel aan rajo ka leenahay malahan oo Illahey xagiiisa ka aheyn.”
Maalintii oo dhan waxay isticmaalaan 10 liitar oo guddomiyaha xeradu ay ugu iibiso $0.5, kuwaas oo aan ku filneyn. Waxay sheegtay in aysan awoodin halkii jirgaan oo tuubooyinka gaarka loo leeyahay ee xerada la iibiyo $1.
Dhanka kale waxay qoyskeeda dibad-yaal ka noqdeen guri ka kooban labo qol, musqul iyo jiko oo ay ku leeyihiin deeganka Mubarak. Waxay tilmamtay in aysan dib ugu noqon karin gurigoodi, markii ay difaac ka xirteen ciidamada dowladda.
Waxay ku noolyihiin qol cooshad ah oo aan ka celin qabowga iyo qoraxda maalinkii.
“Malmahan qabow badan baa jira, sidaas oo tahay ilmaheyga dhulka ayaan habeenkii seexiya oo wax joodari ah ma heysano. Waxaa ku dhacay isnadaamis. korka dhan ayaa boog noqday.”
Muno ayaa sheegtay in cunna xumada ay carruurteeda u dheeryihiin nabro jirka ka soo baxay iyo in ay is xoqayaan ayna kor cun-cun ka sheeganayaan tan iyo bishii hore, balse dhaqaale ay dhakhtar ugu gayso isbitallada Muqdisho ayay heyn, maaddama aysan xeradu lahayn xarun caafimaad.
Waxay sheegtay in ay soo lugeeyen in ka badan 50 km oo ah masaafada u dhexaysa xerada ay joogaan ee Hilaac iyo deegaankii ay ka yimaadeen ee Mubaarak.
Labo maalin iyo habeenadood oo ay jidka ku soo jireen aya xustay in aysan helin wax bad iyo biyo toona, balse ay qabeen rajo ah in xerada ay ka heli doonnan nolol dhanta tii ay ka yimaadeen, taas oo ay ku hungoobeen.
Qoyska Muna waxay ka faro maran yihiin beer 3 hiktar ah iyo 37 neef oo ari iyo lo’ iskugu jiray oo ay noolashoodu ku tiirsanayd.
Dallagyo u badna galey iyo digir oo ay goosan lahayeen bishii Abriil ayay iskaga soo tageen colaada darteed. Waxay timaamtay in $300 oo ay galisay beerteeda uu ka qasaaray.
Seygeeda oo hadda baagamuudo ah ayay sheegtay in uu bishii hore dib ugu laabtay deeganka si u soo hubiyo in ay wax u badbaadeen xoolahoodii, hasa ahaate uu quus kala soo kulmay, markii u tagay iyagoo u wada dhintay daryeel xumo, daaq la’aan iyo biyo yari isku raacay.
Dagaalka kadiska ku bilowday waxay qoysas badan oo haystay nolol fiican u horseedaan barakac aysan filaneyn. Meelaha ay tagaan oo inta badan aysan ka jirin adeegyada aas-aasiga ah ayaa keenta in ay galaan marxalado adag oo aysan xal u hayn.
Hindiya Cabdi Ibrahim waxay la daalaa dhacaysaa masruufka shan carruur oo ay dhashay, kuwaas oo agoon ah. Si ay maalinkii ugu hesho cunno hal mar ah waxay joogto u raadisaa shaqo nadaafad ah. toddobaadka dhan hal ama labo mar ayay heshaa, waxaana ka soo gasha $3.
Malmaha qaar oo aysan soo helin wax shaqo ah ayay tilmaamtay in ay deyn weydiisato dukaamo daris la ah xerada si ay u iibsadan hal jirgaan oo la gado $1. Hindiya ayaa sheegtay in ay tabeyso noolashoodi hore oo middan uga wanagsanayd.
“Noolasheeni hore wey wanagsanayd kaliya dagaalka ayaa sababay inaan ka soo barakacno guriyaheni iyo beeraheni.”
Hindiya ayaa tilmaamtay in tan iyo bartamihii Abriil oo ay xerada imaadeen lagu yeeshay $50 oo deyn, taas oo ay reerkeeda biyo ku soo iibsadeen. Guddomiyaha xerada ayaa ka damiinatay dukamada deynta siiyay.
Waxay walwal kala kulmaysa waxbarasho la’aanta labo carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegaanka Mareerrey, kuwaas oo isku darkooda ay bishii ka bixin jirtay $6.
Qoyska Hindiya oo beeraley ahaa ayaa iskaga soo tagay beer laba hiktar iyo bar ah oo ay bishii Abriil ku beertay Galay, Bocor, Koosto, Karooto iyo Liin dhanaan. Xilliga gooshada oo noqon laha bishii July ayay seegtay, maaddama ay ka hor soo barakaceen.
Gaari khudaar siday ayay ka soo raaceen duleedka deeganka Mareerrey oo Muqdisho u jira masaafo dhan 37 km, kaas oo keenay suuqa Seybiyaano ee degmada Hodan, halkaas o aysan cidna ka garaneyn.
Guddomiyaha xerada Hilaac oo ay la xiriiren ganacsato ayaa ka qaaday halkaas, sidoo kalana geysay degmada Garasbaleey.
Waxay sheegtay in ay kaga qasaartay $400 oo ah abuurkii ay galisay. Lacagtaas oo ahayd deyn ayay sheegtay in si joogto ah loo soo weydiyo, balse aysan awoodin in ay bixiso.
“Odey deeganka ah ayaa lacagta abuurka laiga deymiyay oo aan kula heshiyay in markii ay soo go’do beerta aan u gudi doono, laakiin markan abuurka galinay ayuu dagaalka bilawday.”
Qoysaskan ayaan awoodi karin in ay dib ugu noqdan deeganadoodi oo ay wali dagaaladu ka socdan. Maxamed Cabdi Cabdullahi waa aabbaha qoyska ka kooban 13 ah, kuwaas ku tiirsan cunno bisil oo ay habeenkii ka helan dad daris kula ah xerada.
Ninkaan ayaa sheegay in ay mesha ka baxday cunno ku filan oo ay deegaankoodi ku heli jireen. Wuxuu quus ka muujiyay rajo kasto oo uu ka laha in ay reerkiisa dib ugu laabtan deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay ka soo barakaceen.
“Wax rajo ah kama lihi inaan noqonno. Meshi aan ka imaanay afarteed gees waa la gubay. Waxaan rajo ka leeyahay inaan halkan waxbarasho, daryeel iyo nolol kalaba uga hela carruurteyda.”
Maxamed ayaa sheegay in reerkiisa aysan waxbo uga cayman guri ay lahaayeen oo ka koobna qol jiingad ah, musqul, baraag iyo jiko, kaas oo dagaalada lagu gubay. Filashada ah inuu nolol uga sameeyo reerkiisa magaalada Muqdisho waxaa hortagan inuusan shaqo joogta ah heli karin.
Wuxuu tilmaamay inuu yahay qofka keliya ee u dhaqdhaqaaqo reerkiisa. Xaaskiisa ayuu xusay in ay dhul yaal u tahay cudur uu uga shakiyay inuu yahay neerfo illa bartamihii bishii May oo ah, markii ay xerada yimaadeen. Dhaqaale la’aanta heysa darteed ayuu dhaqtar u geyn karin. Wuxuu maalin walbo raadiya shaqooyin xamaal ah oo uusan soo helin.
“Adiga oo aan gacanta lagu wadin haddaad tagto waxaa lagu leeyahay adi kuma naqaano shaqana nooma qaban kartid. Waa iska soo noqda, ilmaheyga hooyadoodna waa iga xanuunsantahay. Haddii aan heli laha shaqo joogta ah waa fiicnan lahayd noolasheena.”
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Shabab ee mudada dheer ka socda gobolka Shabeelaha-hoose wuxuu barakac cusub ku sababay qoysaas xoolo-dhaqato, beeraley iyo danyar u badan iyadoo kuwii hore aysan wali helin xal soo kabasho ah.










