(ERGO) – Qiyaastii 200 oo ah haween shaqooyin nadaafad ah u qaban jiray dadka ku nool xeryaha Dhadhaab ayaa shaqo la’aan wajahaya tan iyo bishii Juun ee sanadkan. Dhaqaale xumo qaxootiga ka jirta ayaa sababtay in ay helin cid howl u dirsata.
Xaaladaan waxay u horseeday in ay maarayn waayaan nolosha qoysaskooda. Xaliimo Cali Maxamed waxay sheegtay in bilowgii Juun ay ka joogsatay shaqo dhar dhaqid ah oo toddobaadkii 3 ama 4 maalin ay u qaban jirtay qoysas macaamiil u ahaa.
Waxay bishii ka heli jirtay 10 kun shillinka Kenya ah oo u goyn jirtay 20 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo ay ku kabi jirtay deeqda hay’adahu siiyaan, iidaanka iyo qarashaadka kale ee qoyskeeda. Waxaa hadda ku adag quud-maalmeedka carruurteeda.
“Qof ilmo yar yar haysta oo cunno u waayay wax ka culus ma jirto. Wax aan meeshaan ku hayno ma lahan waa noo jeedaan ehel ama cid kale oo aan ku baxsanayno ma leh meeshaas ayaan isaga daruufaysanahay.”
Xaliimo ayaa sheegtay in si qoyskeeda oo 10 ah ay hal mar cunno ugu hesho ay subax kasta shaqo ka soo raadiso xerada Ifo-1 oo sii socod iyo soo socod u jirta afar saac. Labadii bil ee u danbeeyay waxay xustay in ay shan maalin oo kali ah soo heshay dhar dhaqid markiiba ay 300 ka soo gashay.
Carruurteeda oo yar yar oo gaajo darteed la oynaya marka ay aragto ayay sheegtay in ay go’aansato socodka dheer oo aysan waxba ku soo helin.
Kaalmo ay helaan waxaa ugu danbaysay bilowgii Agoosto oo la siiyay 30 kiilo oo bariis ah, 7 kiilo oo misir ah iyo 5 liitar oo saliid ah, taas oo loogu talo galay in ay isticmaalaan ilaa laga gaarayo bartamaha Oktoobar, balse wuxuu ka dhamaaday 17 bishaan. Waxay goconaysaa noloshii ay ku jireen markii ay shaqaysanaysay.
“Gurigayga wax dhex-yaallo malahan ilmihii saaka aan ka tagay sidii iyagoo u daruufaysan ayaan ku soo laabtaa, wax aan la imaadayna ma lahan. murug aduunyo ayaa I haysa. Saddex ama afar beri kadib ayuu qof isiiyaa kiillo bur, ama sonkor ama soor ah.”
Waxaa intaas u dheer in ay koonbo caano ah u awoodi la’dahay hooyadeed oo waayeel araga la’ ah. Raashinka koosaar la’aanta ah ee ay marmar helaan ayay xustay in aysan cuni karin.
Labo carruur ah oo walaasheed dhashay iyo hooyadeed oo dhawaan Soomaaliya ka yimid ayay xustay in aysan lahayn kaarka qaxootiga oo iyada ay dulsaar ku yihiin. Culaysyadaan waxaaa u dheer deymo oo lagu leeyahay.
“Dadkii aan deymaha ka qaadan jiray ayaa ugu daran. Ugu yaraan lacag 25,000 oo Kenya ah ayaa buug iigu qoran oo la igu leeyahay. Ninkii igu lahaa wuu I buriyay xoogayga haddan ku shaqaysan lahaa waa iska bixin lahaa.”
Xaliimo ayaa xustay in ninkeeda oo markii hore dhismaha ka shaqayn jiray uu shaqo la’aan noqday bilowgii sanadkaan. Afar bil ka hor ayuu dib ugu laabtay Soomaaliya, halkaas oo uusan wali shaqo ka helin, sidoo kalena uu waayay qarash uu dib ugu soo noqdo.
Qoyskeeda waxay sanadkii 2023 colaad qabiil iyo abaaro uga soo qaxeen baadiyaha degmada Qoryeelay ee gobolka Shabeellaha hoose. Sodon neef oo lo’ ah ayaa saamaynta roob la’aanta uga dhintay, sidoo kalena waxaa ka nacfi beeshay beer toban hektar ah oo xilli roobaadka ay raashin ku beeran jireen.
Qoysaskii loo shaqeyn jiray oo ku tiirsna ganacsiyo yaryar, shaqooyinka hay’adaha iyo kalmada la dhimay ee qaxootiga ayaa awoodi waayay mushaarka muruq-maalkii u qaban jiray nadaafada guryaha.
Deeran Aadan Xuseen waxay ka mid tahay haweenka waayay shaqooyinkii xoogsiga ahaa ee ay ku kabi jireen nolol-maalmeedka qoysaskooda.
Waxay xustay in subax kasta ay u lugayso xerada Ifo 1 oo u jirta 6 km. Galabkii ayay dib u soo laabataa iyadoo faro maran, sidoo kalena uu daal u dheer yahay.
“Haddii aan dhaho waa joogayaa waxaan ku joogo ma haysto gurigayga sidii aan shalay uga tagay weeye, haddana maalinta kale ayaan baxaa haddii Ilaahay wax ila soo kulmiyo waa arkaa haddii kalena waa iska soo laabtaa.”
Deeran ayaa sheegtay in shaqo la’aantu ay cunno xumo u horseeday qoyskeeda oo 9 ah oo kaligeed ku tiirsan. Kaalmada qaxootiga la siiyo oo la dhimay ayay xustay in aysan gaarsiin karin xilliga kale ee raashinka xiga la bixinayo.
Konton kiilo oo isugu jirta bariis iyo misir iyo 8 liitar oo saliid ah oo la siiyay Agoosto si ay ugu gaaraan ilaa bisha tobnaad ayaa ka go’day 15 Sebtembar. Waxay tilmaamtay in markii hore ay qadan jirtay sagaashan kiilo oo raashin ah iyo 16 illaa 18 liitar oo saliid ah
Waxaa isku soo aaday qoondadii la siin jiray oo laga jaray iyo shaqada ka istaagtay. Waxay xustay in markii hore ay bil walba heli jirtay gunno 5,740 shilin ah oo qarashaadka qayb ka mid ah ay ku dabari jirtay.
Waxay ka hadlaysaa culaysyada nololeed ee ku soo kordhay.
“Qoyskayga wuxuu ku tiirsan yahay hal mar oo subaxdii ah. Dhaqaalihii hore oo adeega aan ku soo gadan jiray ma jiro, lacagtii bisha noo soo dhici jirtay ma jirto.”
Deeran ayaa sheegtay in carruurta ay kaligeed korinayso. Aabbahood oo Soomaaliya jooga ayay sheegtay in uusan waxba ku tarin reerka.
Sidoo kale waxaa ku adag hilitaanka biyaha, maaddaama ceelkii ay cabi jireen uu cilladoobay bilowgii sanadkaan, dibna aan loo dayac-tirin. Maalin kasta waxay ku qasban tahay in ay subaxa hore ceel 5 km u jira ay dusha uga soo qaado 40 liitar kadibna ay shaqada raadiso.
Waxay sheegtay in aysan ku filnayn biyahaasi. Dhulka oo bacaad ah iyo culayska biyaha ayay xustay in ay ka qaaday dhabar xanuun ay mararka qaar habeenkii ka seexan waydo. Deeran ayaa sheegtay in maalmaha qaar oo ay ceelka gaari wayso ay dariska ka soo baryaan wax ay cabaan.
Ceelka jabay ee xarada Ifo-2 waxaa ku tiirsanaa in ka badan 1,500 qoys, kuwaas oo hadda biyo yari wajahay.
Qoyska Deeran ayaa sanadkii 2022 ka yimid magaalada Muqdisho, markii ay u adkaysan waayeen nolosha qaaliga ah. Dad asxaabteeda ah oo qaxootiga uga soo horeeyay ayay sheegtay in ay ku wargaliyeen in raashin fiican laga bixiyo oo ay sidaasi u soo door bideen.
Gudoomiyaha xerada Ifo 2 Khayro Cali Sooyaan ayaa sheegtay in shaqo la’aantu ay mugdi galisay nolosha qoysas badan oo ku tiirsanaa haweenka xoogsatada ah. Dadka oo aan waxba isku dhaamin ayaa xaalada ka dhigtay mid adag.
“Badankooda dabka ma shitaan xaaladooda Ilaahay ayaa og. Ifo 2 dadkeedu waa baaba’ayaan, lacagtii soo dhacaysanayna waa la waayay dad ay dhar u dhaqaan intee ka helayaan.”
Kumannaan qaxooti ah oo xeryaha dalka Kenya ku nool ayaa wajahaya daruufo nololeed oo ka dhashay gargaarka la dhimay. Dadkii lagu tiirsanaa ee shaqooyinka xoogsi ah loo qabanayay ayaa waayay lacag ay siiyaan kuwii u shaqaynayay, taas oo keentay in qoysas badan uu dabku ka damo.










