Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro shaqo ka helay mashruuc dhisme oo ka socda Dhuusomareeb

Jibril Osman by Jibril Osman
September 23, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro shaqo ka helay mashruuc dhisme oo ka socda Dhuusomareeb

Photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

 (ERGO) –  Noloshooda iyo midda qoysaskooda ayaa soo kabatay 550 dhalinyaro ah oo ka soo jeeda danyar iyo barakac ah, markii loo qaatay inay ka shaqeeyaan dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa ka mid ah Mahad Maxamuud Raage, oo si buuxda ugu filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo ka kooban shan qof, markii bishii Femraayo ee snadkaan uu fursad shaqo ka helay dhismaha laami magaalada iyo garoonka dhex-mara.

Mahad wuxuu xusay inuu si bille ah u qaato $450. Lacagtaas ayuu xusay inay qoyskiisa ka saartay nolol xumo haysatay muddo saddex sano ah oo ay barakac ku ahaayeen magaalada. Xirfadda fundi-nimada oo uu horay u yaqaanay ayaa u sahashay inuu helo shaqada.

“Hadda shaqo joogta ah baan helay, farqi weyn ayaa u dhaxeeya, hadda iyo markii hore waxaan ahayn dad magaalada aado oo marna wax soo hela marna soo waayo, haddana waxaan ahay nin mushaari ah oo shaqaynaya maalin walba.”

Mahad ayaa sheegay in marka laga yimaado maaraynta nolosha qoyska uu awood u yeeshay inuu iska bixiyo dayn gaaraysay illaa $600 oo ay dukaamo adeeg uga qaateen intii uu baagamuudada ahaa.

Dhanka kale, wuuxu qoyskiisa ka saaray bishii hore xerada Amaana ee duleedka magaalada markii uu magaalada ka dhistay labo qol oo jiingad ah. Wuxuu tilmaamay inay ka soo kabteen hoy xumo haysatay.

Qoyska Mahad inta uusan helin shaqadaan waxay ku tiirsanaayeen waxay ku caawiyaan dad ay ehel yihiin oo magaalada ku  nool kuwaas oo siin-jiray raashin aan ka badnayn waxay hal waqti karsadaan. Wuxuu tilmaamay in marar badan uu isku dayay inuu magaalada ka helo shqo balse ay ku adkaatay. Wuxuu u sababaynayaa inuusan aqoon u lahayn dadka deegaanka.

Qoyska ninkan ayaa sanadkii 2021 ka soo barakacay miyiga magaalada Dhuusamareen, xilligaas oo abaar jirtay ay ka laysay 40 arri ah oo ay dhaqanayeen. Wuxuu tilmamay markuu magaalada u sOo guurayay uu naawilayayin uu ka helo shaqooyin xoogsi ah iyo gargaarka hay’adaha balse u uku hungoobay.

Wuxuu tilmamay in xerada ay degaan ay ku haysatay nolol aad uga sii liidatay tii ka soo tageen. Wuxuu qorshaynayaa in haddii ay shaqadaan ka istaagto uusan dib ugu laaban xerada maaddaama aysan ka jirin nolol fiican. Wuxuu aaminsan yahay inuu xooggiisa ku tiirsanaado xaalad kasta oo timaadda.

Wuxuu sheegay in hadda uu billaabay inuu kayd meel u dhigto in ka mid ah mushaarkiisa si uu ugu baxsado haddii ay shqadu joogsato. Wuxuu uga golleeyahay inuu ku samaysto ganacsi haddii ay u dhigmaan dhaqaale wax ku ool ah.

Dhamaan ragga shaqo abuurka ka helay horumarinta kaabayaasha magaalada ayaa si isku mid ah u helay fursad ay ku beddeleen nolosha reerahooda. Bishaar Khaliif Maxamuud oo ka mid ah wuxuu cunno saddex waqti ah u awooday qoyskiisa oo siddeed qof ah.

Arrintaas ayuu karay markii bishii shanaad ee sanadkan uu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo shaqaale loo qaatay dhismaha waddada laamiga ah ee magaalada dhex-marta. Wuuxu tilmaamay in tan iyo markaas uu si joogto ah u qaadanayo $450 oo si buuxda ugu filnaatay.

“Waxyaaba badan ayay ka badashay Wallaahi nolosha qoyskayga nolol cusub oo aan hadda bilaabay ayay ahayd oo dhibaato badan aan kasoo maray, lacagii hore mar waxaa  jirto la helaayo marna la bagamuudaynayo oo xaafada la iska jooga wax lacagana la helayn. Laakiin midda hadda ah cida raashinkeeda iyo waxeeda dhan tukaamo ayay saaran yihiin si markaan bisha lacagta u helno ugu celino.”

Bishaar oo ka mid ahaa dadka danyarta ah ee magaalada ku nool ayaa sheegay in horay uu ugu shaqaysanayay xirfadda fundi-nimada balse labadii sano ee u danbeeyay uusan waxba ka soo geli jirin maaddaaama ay aad u yaraadeen fursadaha dhismaha. Wuxuu tilmaamay in todobaadkii ugu badnaan labo maalin uu heli jiray shaqo ugu badnaan uu ka kasban jiray $10, taas oo aan ku filnayn qoyskiisa ballaaran.

Waxaa intaas u raacday in dukaanno ay dayn ka qaadanayeen ay ka joojiyeen markii ay isku gaartay $1,300 oo uu gudi waayay. Xaaladaahaas isku-biirsaday ayaa baday qoyskiisa inay dabka shidan waayaan hal waqti. Balse arrintaas ayaaa isbeddeshay markuu fursaddaan helay.

“Aad baan ugu faraxsanahay wallaahi deyn wixii hore waan iska soo bixiyay waxaana hadda shaqadaan intii ay socota ayaan iska bixinayaa, waxaana rajaynayaa in aan wax ka qabsan doona shaqadaan inta ay socoto, wixii dambe ee aan kaydsadane aan wax ku qabsan doona maaddaama shaqadaan mid weligeed soconaysa aysan ahayn.”

Bishaar wuxuu sheegay inuu hadda bilaabay in bilkasta uu meel dhigto $50. Wuxuu qorshaynayaa in mustaqbalka uu ku samaysto fursad ganacsi ama uu ku baxsado hadday shaqadu ka istaagto.

Fikraddaan ayaa ku dhalatay markuu daynta iska guday uuna ogaaday inay wax u dhigmi karaan. Waxay ahayd rajo uu muddo ku soo taamayay balse uu fulin waayay. Wuxuu xusay in shaqadaan uu u arko fursad ay qoyskiisa kaga bixi karaan Danyar-nimada ay muddada ku soo noolaayeen.Wuxuu sheegay in marka laga yimaado dhaqaalaha uu ka helo shaqadaan uu ka bartay xirfado cusub.  

Mashruucaan lagu dhisayo waddooyinka magaalada iyo garoonka diyaaradaha ayaa ah kii ugu waynaa ee soo mara magaalada. Waxaa maal-gelinayaan Bankiga Adduunka iyo ganacsato deegaanka ah halka uu fulinayo maamulka Galmudug. Waxaana shaqo abuurka helay boqollaal qof oo qabta hawlo kala duwan sida uu sheegay Cabdullaahi Cabdulle Raage oo ah agaasimaha jidadka ee maamulka Dhuusamreeb.

Wuxuu tilmaamay in dadka la shaqaalaysiiyay ay ka soo kala xuleen xaafadaha magaalada iyo xeryaha iyaga oo u eegayay duruufaha ku gadaaman. Wuxuu intaas ku daray  inay isugu jiraan dad ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha dalka ka jira iyo kuwa danyar ah si ay u helaan fursado ay nololshooda ku maareeyaan.

Cabdduullaahi ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay dadkaan sii kordhiyaan haddii ay helaan barnaamijyo nuucaan ah. Ujeedkooda ayuu ku sheegay inuu yahay in shaqo abuur loo sameeyo dadka nugul ee aan lahayn xirfado ay ku shaqaystaan.

Previous Post

Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray

Next Post

Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda

Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo