Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xasilooni-darro waxbarasho la’aan biday carruurta ku nool deegaano hoosta Kismaayo

Jibril Osman by Jibril Osman
August 20, 2025
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Xasilooni-darro waxbarasho la’aan biday carruurta ku nool deegaano hoosta Kismaayo

Photo/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiraxiin Jamaal Xassan waxaa welwel ku haya siddeed ka mid ah carruurtiisa oo toban ah, kuwaas oo gaaray da’da tacliinta oo aan wax u baran dhaqaale xumo iyo iskuuul la’aan ka jirta deegaankiisa darteed.

Carruurtiisa ayaa ka mid ah labo boqol oo arday oo deegaanka Janaa Cabdalle ee galbeedka magaalada Kismaayo ku wajahaya waxbarashado la’aan bidday inay waqtigooda inta ugu badan ku qaataan ciyaaro dhaqameed.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in qoysaska ladan ay carruurtooda waxbarasho ugu diraan magaalooyinka waa weyn, balse isaga uusan awoodin, maaddama abaaro soo laalaabtay ay cayreeyeen.

Wuxuu tilmaamay in deegaanka weli uusan soo gaarin nadaamka waxbarashada nadaamiga ah sababo la xiriira colaad u dhaxaysa Alshabaab iyo ciidamada Jubbaland iyo guurguur, taas keentay inay hay’adaha wax barashada ku dhiiran waayaan.

“Waxaa noogu dhow Kismaayo ama Afmadow, Ilmaha in aad geeysato oo aad ehel u hesho ama adiga aad tagto sidaa ay wax  ku bartaan ma ogiye . wax waxbarasho oo aagan nooga dhow ma jirto.”

Ninkan ayaa tilmaamay inuu jeclaan lahaan in carruurtiisa ay fursad u helaan waxbarasho si nolosha heer sare uga gaaraan, balse wuxuu ka niyo jabsan yahay in deegaankiisa weli uusan soo gaarin nadaamka waxbarashada. 

Wuxuu sheegay inuu niyadda ku dhisto in maalin maalmaha ka mid ah isla deegaankiisa uu ku heli doono waxbarasho buuxda si ay carruurtiisa uga baxaan hubanti la’aanta mustaqbalkooda.

“Nin ilmihiisa aan waxbarasho haysanin.. Dhaqaale ku filna uusan haysanin. Waad garanaysaa waxa uu dareemayo. Kolka aad aragto ilmo wax soo bartay oo meesha maraya. Waxaan dhahaa hadaan duruuf ku haynin wiilka waxbaad baranlahayd. Hadaad laba waxbari lahayd.”

Cabdiraxiin ayaa sheegay in duruufta dhaqaale ay u saamixi wayday in ilmihiisa uu geeyo waxbarasho. Wuxuu ka badin waayay inay guriga u joogaan marka laga tago saddex qoyska u raaca 50 neef oo ari ah oo nacfi fiican lahayn.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in uu isku dayay in magaalada Kismaayo oo u jirta 60 km uu geeyo wiil iyo gabadh si ugu yaraan aysan u wada seegin tacliinta balse wuxuu xusay inuu waayay cid uu geeyo oo magaalada deggan.

“Soomaalida qaarba dadkooda dibadaha u aadeen. Kuwo ganacsi iyo wax iska haysta jira. Kuma jirno dadkaas. Wax dibad noo aaday malaha oo dadkoodu waxbartay”.

Ninkan oo 55 jir ah ayaa sheegay inuu ogaaday in waxbarashada ay tahay lama huraan taas oo keentay inuu aad uga danqado inuu caruurtiisa iskuul u waayo. Wuxuu doonayaan inuu ku dedaalo balse jeebkiisa ayaa maran.

Cabdiraxiim ayaa sidoo kale la daalaadhacay maaraynta nolosha qoyskiisa oo 12 ah. Ninkan ayaa sheegay in tiro ah ari ay ku waayeen biyo la’aan iyo baad xumo ka dhalay roob yari is xixigtay. Inta u hartay ayuu sheegay inaysan ka helin wax soo saar ku filan cunnadooda iyo baahiyahooda kale.

“Adba waad ogtahay iska xayn ah oo nacfigiisa yar yahay. Waa la gataa. Waa la qashaa. Waa la maala. Meel kale kuma tiirsanin xoolo iyo waxii Illaahay noo keeno  ayaan ku tiirsanahay. Sadex waqti lama hello. Laba waqti waxaan cunno waan iska hellnaa.”

Ninkan oo sanado ka hor ka mid ahaa xoolo-dhaqatada deegaanka ugu nolol fiican ayaa hadda wajahaya hubanti la’aan dhanka nolosha ah iyo waxbarashado la’aan haysata carruurtiisa.

Waalidiinta deegaankan oo ku baraarugay ahmiyadda waxbarashada ayaa ka welwelsan iskuul la’aan. Buluugo Faysal Maxamed waxaa waxbarasho la’aan ka ah. Xaaladaha dhaqaale ee ku xayndaaban ayaa ka hor istaagay inay deegaannada iskuullada leh ku dirto. Waxaa ay sheegtay in ka walaacsan mustaqbalkooda.

“Dadka waxbarasho la’aan dhibwayn ayey ku qabaan. Iskuul malaha. Waxbaarsho malaha. Wax iskuul oo laga dhisayna ma jirto. Wax naga caawiyana ma jirto. Anaga awood u mahayno oo dadkaas iska beeralayda ah baanu nahay.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in waalidiinta Janaa Cabdalle ay dhowr Jeer ka tashadeen dhibaatada ka haysata waxbaarsha la’aanta balse duruufaha dhaqaale ee ay wajahayaan ay u saamixi waayeen in ay dhistaan Iskuul ku tiirsan iyo baraayaal keensadaan.

Waxaa ay xustay in dadka deegaanka ay u badan yihiin dad danyar kuwaa oo aan awoodin dhaqaale ay ku bixiyaan waxbarasho. Waxaa noloshooda saameeyay isbeddelka cimilada oo aysan weli ka kabsan.

“Qutulyoomkaaga ayaad la weedaadaysaa. Macalinka lacag ayuu rabaa. Kii dhisaayey lacag buu rabaa. Lama yeerigii lacag buu rabaa. Lacagaas ma awoodno mana haysano.”

Qoyska Buluugo wuxuu ku tiirsan yahay wax soo saarka beeraha. Waxay deegaanka Janaa Cabdalle ku leeyihiin beer shan Hectare ah. Waxaa saamayn ku yeeshay fataahado  hoos u dhigay nacfigeeda.

Nolosha qoyska haweeneydan oo sagaal ah ayaa ku tiirsan shan kiish oo galay ah iyo hal kiish oo digir ah beerta uga soo go’day horraantii bishan.

Deegaankan labadii sanno ee ugu danbaysay waxaa gacanta ku haysay balse waxaa ka jirtay cabsi. Hadda dadka waxay wadaan olole ay ku doonayaan inay helaan maaddaama la helay carruur badan oo gaaray da’da waxbaarshada.

Cabdullaahi Sheekh Daahir oo ka mid ah maamulka deegaankan oo hoos imaada degmada Kismaayo ayaan ka waraysanay caqabada hortaagan in deegaanka laga hirgaliyo goobo waxbarasho oo caruurta ay wax ka dhigtaan.

Wuxuu in wixii ka horreeyey labadii sanno ee la soo dhaafay uu deegaanka ahaa  aag dagaal balse hadda ay  ay ka fekerayaan sidii looga dhisi lahaa iskuullo iyaga oo la kaashanaya  cid kasta oo danaynaysa.

“Caruurta waxbaarshada u baahan ee deegaanka ku nool ama xoolo dhaqato ah ama beeralay ah ama deeganka ahba dhowr boqol kama yara. Diiwangalinta sanadkaan ayaan samaynay intii Jubbaland ku noqotay magaalada.”

Ninkan ayaa sheegay in tirada arday waxbarashada la’aan ah ay la wadaageen Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland balse aysan weli ka helin wax jawaab ah.

Baahsanaan la’aanta waxbarashada iyo Qoysaskan oo ay isku biirsadeen abaaro naafeeyay ilahoodii dhaqaale iyo colaad ayaa sii adkaynaysa inay carruurtooda u helaan waxbarasho ay u aayaan mustaqbalka.

Previous Post

Dhadhaab: Cunno xumo ka dhalatay ganacsiyo xirmay markii la joojiyay lacag gunno ah

Next Post

Gargaar la’aanta oo keentay in haween barakac ah ay u dawarsi tagaan beeraha Baydhabo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhadhaab: Cunno xumo ka dhalatay ganacsiyo xirmay markii la joojiyay lacag gunno ah

Gargaar la'aanta oo keentay in haween barakac ah ay u dawarsi tagaan beeraha Baydhabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo