(ERGO) – Boqol iyo konton ganacsi oo ka jiray xeryaha Dhadhaab ayaa xirmay tan iyo bishii Juun ee sanadkan, markii la joojiyay lacag-kaash ah oo WFP ay siin jirtay qaxootiga, taas oo ay ku tiirsanaayeen ganacsiyada burburay.
Waxaa ka mid ah dukaanka Yacquub Cali Cismaan, kaas oo lagu iibinayay khudaar, raashin iyo bagaash. Waxaa meesha ka baxay 50 qoys oo macaamiil u ahaa iyo tiro intaas ku dhow, kuwaas oo joogto uga gadan jiray badeecadaha.
Duruufta dhaqaale xumo ee soo wajahday Yacquub ma niyad jabin. Wuxuu billaabay horraantii bishan Ogoosto ka xaynta gaari-dameer uu ku dhaamiyo biyaha. Wuxuu naawilayay in qoyskiisa ay ka saari karto nolol xumada soo wajahday.
Dadaalkiisu weli kama caawin qoyskiisa oo 12 ah in ay helaan cunno ku filan. Shaqada uu qabto oo toddobaadkii labo jeer uu helo macaamiil yari darteed, wuxuu ka soo gala halkii mar labo boqol oo shilinka Kenya ah.
Arrintan ayaa ku qasabtay in uu maciin-bido raashin dayn ah oo sida uu ku helo ay adagtahay.
“Hadda saaka dayn baan u soo qaaday waan u kariyay. Dukaan baa iga diiday. Midkii ku xigay baan u tagay oo ka soo qaaday, waana u kariyay. Beri Ilaahay bay qabaan. Markii hore labo jeer ayaa dabka loo shidi jiray. Hadda halkii mar ayaaba dhib ah. Hadda hal jeer weeye labo jeer lagama gaaro. Haddii la helo. Labo jeer markii aad wax haysto ayaa ku shubi kartaa.
Muddo shan sano ah oo ganacsade uu ahaa lama kulmin cunno xumada iyo dareenka taban ee ka haysta korinta carruurtiisa. Wuxuu bil kasta ka heli jiray ganacsigiisa 40,000-shilin oo faa’iido ah. Lacagtan qayb ka mid ah wuxuu dib ugu celin jiray ganacsigiisa, halka inta kale uu qoyskiisa ku quudin jiray.
Waxaa intaas u wehliyay 9800-shillin oo dhiganta 76$, taas oo ahayd gunnada lacageed ee la joojiyay, Waxaa lagu magacaabi jiray Mamba chakula. Qoys kasta oo qaxooti ku ah Dhadhaab ayaa helayay, waxaana ay iskaga dabari-jireen nolol-maalmeedka.
Dhaqaalahan meesha ka baxay wuxuu sare u qaadayay ganacsiyada xirmay.
“Ciyaal xaafadeed caadi ah ayaan iska noqday. Cuniggaaga haddii aadan buug iyo qalan u iibin karin guriga ayay ka billaabanaysaa nolosha cariirigeeda inta aadan bannaanka gaarin. Waayo cunig laga soo daayay iskuul ma yaqaano waxba ma yaallaan, qofka bini’aadanka ahna haddii aad maanta dhahdo wax isii haddii uu maanta dabka kuu shido beri kuuguma celinayo.”
Fursadaha shaqo oo yar iyo gargaarkii bini’aadannimo oo wiiqmay ayuu xusay in ay u sawirtay rajo xumo. Wuxuu sheegay Yacquub in ay ku noqtay kadis iyo naxin isbarkan, markii ay ka war-heleen in la joojiyay gargaarkii lacageed ogaysiis la’aan.
Wuxuu tilmaamay in uu billaabay isla markiiba sidii uu u soo heli lahaa lacago dayn ah oo uga maqna macaamiishiisa, balse uu ku hungoobay, maaddama ishooda kaliya ee dhaqaale ahayd gunnada lacageed ee laga joojiyay.
“Dad badan oo aan Jakuula ku leeyahay ayaa jira oo magaalada ku jira. Qof walba anigoo kale weeye. Haddii aan ka doonto oo dhaho xoolahayga isii qofka isagaaba qadsan. Raashin ma soo qaadan labo bil, Jakuulana uma soo dhicin, aniga dayn badan baa laygu leeyahay. Bannaanka ma tagi karo. Waa gaari askar wada oo nin dayn leh ii keensaday. Kaligiis 70,000-shillig-Kenya buu igu leeyahay kaligiis.”
Yacquub oo 38 jir ah wuxuu yimid xerada Xagardheer oo weli uu ku nool yahay billowgii sanadkii 2019. Wuxuu ka soo qaxay magaalada Muqdisho, markii uu u adkaysan waayay amnidarrida iyo shaqo xoogsi ah oo nolol-maalmeedka uu ka heli waayay.
Yacquub wuxuu ka mid yahay dadka ganacsiyada ka xirmay ku aasaasay duruufta adag, wuxuu ku bilaabay ganacsiga ka xirmay lacag 40.000 ksh oo ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin. Ninkan iyo dadka la mid ka ah ayaa ka cabanaya in ay ku adagtahay ka soo kabashada ganacsi la’aanta.
Waxaan la kulmay Aamina Xasan Xuseen oo noqotay guri-joog, markii macaamiil la’aan ay albaabada iskugu dhufatay goob ganacsi oo ay ku iibin jirtay khudaar iyo badeecado kale.
Ka hor inta aysan xirmin meheraddeeda waxay sheegtay in ay ku naaloonaysay horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, balse durba ay la kulantay hoos u dhac aysan horay u akrin.
Ku dhawaad 80 qoys oo ka adeeggan jiray ayaa dhaqaale xumo ku dhacday, markii laga goostay lacagtii Jakuulada. Inta badan qoysaskan waxay ka qaateen bilihii May iyo Juun dayn ay raashin kaga qaateen, taas oo dib u soo laaban waysay, maaddama ay ka xiran tahay ishii dhaqaale.
Waxay tilmaamtay in dhibaatadaas gaartay uu u xirmay ganacsigeedii, waxaana taasi ay sababtay in wajahaan hubanti la’aanta cunno iyo isbeddel ku yimid noloshoodii hore.
“Nolosha hadda aad bay u cakiran tahay. Ilmaha awal hore wax walba ayaad siin jiray oo u heli jiray. Hadda waqti walba uma heli karin. Waxaan culays ka dareemay ilmihii cunno xumo ku timid. Gurigii dhaqaale xumo ku timid ku culayskaas baan dareemay. Bisha raashinka la bixiyo iguma filna. Ileen 15 ama 20 bari haddii ay noo gaarto nasiib baan leenahay. Nama gaarsiiso bil kaamil ah.”
Waxay gocanaysaa ganacsi ka xirmay oo ahaa kan ugu camiran xarumaha ganacsi ee xaafadda ay degantay xerada qaxootiga Xagardheer ee dalka Kenya. Waxaa lagu yeeshay lacag isgaar-gaartay saddexdii bil ee la soo dhaafay, taas oo dhan 7000-shillin, waxaana taas ay keentay in laga soo eryo iskuulkii ay dhiganayeen.
“Aniga waxaan iibin jiray khudaarta, burka, bariis iyo saliidaha tinta la marsado waxaas baan ka ganacsan jiray. Khudaarta yaanyo, sida isbiniska oo kale, koostada iyo kibishka oo kale waxaas oo dhan baa ii imaan jiray oo aan ka iibin jiray, haddana wixii way xirmeen waxaa ku soo qaadaysid maleh. Ileen dayn baa lagugu leeyahay. Meesha markii hore way kala socotay, markii Chulada soo dhacaysay. Hadda haddii Chekula xirantay cid dayn ku siinaysa malahan.”
Haweenaydan waxay sheegtay in ganacsigeedii xirmay looga yeeshay lacag dayn ah oo dhan 80,000-shilin oo u dhiganta $625. Ganacsiga ka istaagay ayay hirgalisay afar sano ka hor, kaas oo ay ku aasaastay $240 oo ay ka heshay shaqo xamaal ah oo ay ka qabatay xeryaha Dhadhaab.
Aamina ayaa sanadkii 2018-dii amni la’aan uga soo qaxday magaalada Muqdisho. Waxaa noloshoodu ku tiirsanayd shaqo dareewalnimo oo uu ninkeedu ka qaban jiray Muqdisho.
Si guud Ganacsiga xeryaha qaxootiga ayaa u liicay lacagta gunada ah ee laga gooyay qaxootiga. Meheradaha aan iyagu weli xirmin ayaa dhankooda dareemaya hoos u dhac wayn oo dhinaca dhakhliga ah.
Mursal Maxamed Cabdulle oo ka mid ah guddiga ganacsatada xeryaha Dhadhaab ayaa Raadiyow Ergo u sheegay nolosha qaxootiga ay ka sii darayso tan iyo markii hay’adaha badankood ay hoos u dhigeen gargaarka, qaarkoodna ay joojiyee gabi ahaanba.
“Mamba chakula hay’addii waa joojisey WFP, raashinkiina kala bar waa joojisey, sidaa daraadeed ganacsigii hoos buu dhacay. Dukaamo badan oo la xiray ayaa jira oo kuwa xaafadaha u badan. Dukaamo badan baa la xirayaa ama Soomaaliya ha u laabto qofkii qaxooti ah, kii sharci leh Kenya hore ha usii galo, laakiin xerooyinku sidaa kuma sii socon karaan.”
Waa saamayntii dhaqaale ee ugu cuslayd ee lasoo derista ganacstada xeryaha Dhadhaab, taas oo ka dhalatay dhaqaale xumada ay keentay gargaarka lacageed ee la joojiyay. Ganacsiga xeryaha waxaa siyaabo kala duwan ugu tiirsanaa kumanaan qoys oo qaxooti ah.










