(ERGO) – In ka badan 130 xoogsato ah oo horay ula daalaa-dhacayay biilka ayaa fursad shaqo abuur oo noloshooda iyo midda qoyskooda beddeshay ka helay Bishii Luulyo mashruuc bulaacado loogu samanayo magaalada Garowe, kaas oo uu maal-gelinayo Bankiga adduunka.
Cabdiraxmaan Abuukar Siidow oo ah aabbaha 9 carruur ah ayaa daboolay baahida cunno ee qoyskiisa, kuwaas oo inay hal xilli dabka shitaan awoodi la’aa. Ninkan ayaa bishii tagtay loo qaatay qeybta diyaarinta shubka oo uu ka shaqeeyo. Wuxuu maalinle u qaataa $8.
Ninkan ayaa sheegay inay shaqadan ka caawisay inuu xaaskiisa oo xaamilo ah uu ka joojiyo in ay subax kasta magaalada u aaddo shaqo dhar-dhaqis ah. Wuxuu xusay inay hadda guriga ku hesho daryeel oo uusan walaac ka qabin bad-qabkeeda.
“Waxyaabo badan ayaan sameystay waxaa kamid ah xagga gurigayga oo sandaqad ahaa oo aan hagaagsaday.ciyaalkayga waxaan geeyay iskool. Awal intaan ma haysanin. Haddana waxaan keenay inaan guriga soo dhigto joodhaa joodhaa raashin ah.”
Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale awood u yeeshay maareynta baahiyo kale, sida ku celinta waxbarashada labo kamid ah carruurtiisa oo sannad ka hor la saaray fasalka shanaad ee dugsiga hoose dhexe ee Jowle markii lagu yeeshay 40-dollar oo ah labo bil isku gaartay.
Cabdiraxmaan wuxuu ka raystay inuu maalin kasta saacado badan raadiyo shaqo xammaali ah oo inta badan uu ku hubgoobi jiray, maaddama ay suuqa soo galeen shaqaale ajaaniib ah oo la wareegay badi shaqooyinkii ay xoogsatadu masruufka ka dhacsan jireen.
Nolosha ayaa ku qasabtay inuu maalin kasta la halgamo sidii uu reerkiisa dabka ugu shidi lahaa, sababtaas darteed ayuu deymo badan u galay si aysan carruurtiisa gaajo ugu seexan. Wuxuu hadda maalinle u bixiyaa hal dollar si uu isaga yareeyo 80-dollar oo uu ku qaatay raashin.
“Awal baaga muundada ayaa igu badnaan jirtay. Mar walba markaan xaafadda imaado waxba iskuma hayn jiray. Aniga iyo reerkayga waxaan gaarnay inaan isku dhacno oo kala celis gaarto. Kiradii ayaan ka fekarayay. Sida aad wax u sugaysid ayay dadku wax kaaga sugayaan. Waddanka cadaadis ayaa saaran.”
Waxa uu xusay, nin saaxiibkiis ah inuu kaa caawiyo inuu shaqaadan kusoo xiro kaddib markii loo baahday shaqaalo xoogsato ah. Cabdiraxmaan oo 17 sano ka hor abaar iyo wax la’aan uga soo barakacay gobolka Baay ayaa qorshaynaya inuu qoyskiisa ka saaro nolosha adag ee barakaca.
Wuxuu sheegay inuu maalin kasta sadddex dollar meel ku kaydsado si uu inuu sameysto ganacsi yar oo uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada ubadkiisa, si uu mustaqbalka uga baxo hubanti la’aanta nololeed ee xeryaha.
Dadka kale ee helay shaqada waxaa ka mid ah Cismaan Gaarane Cabdi, waa 37 jir koriya 8 carruur ah. Cunno ku filan oo saddex waqti ah ayuu qoyskiisa u helaa. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inuu ka baxay welwel ka haystay dhinaca shaqo la’aanta.
Labo bilood ka hor shirkad dhisme oo uu la shaqayn jiray ayaa shaqada ka cayrisay isaga iyo shaqaale kale sabab la xiriira inaysan la jaanqaadi kjrin dhismayaasha casriga ah.
Dakhliga kasoo gala ayaa ka caawiyay inay sidoo kale ka baxaan xaalad hoy la’aan ah oo haysatay. Waxay kiraysteen sandaqad ka kooban qol iyo barsad, kaddib muddo 6 bilood ah oo ay dulsaar ku ahaaa reero ay qaraabo yihiin markii hoyga uu degenaa looga soo saaray kiro saddex bilood ah oo uu bixin waayay.
Sidoo kale, wuxuu dib ugu celiyay waxbarashada bishii August ee sanadkan labo wiil iyo labo gabdhood oo carruurtiisa ka mid ah, kuwaas oo dhaqaale xumo uga haray waxbarashada bishii Augosto ee sanadkii 2024.
“Waxaan ku noolayn dayn. Heer waxaan gaarnay inaan moobayaladeena xaraashno si aan raashin ugu iibiyo qoyskayga. Hadda sidaan biyo uga shaqo bilaabay waxaan joojiyay dayntii aan qaadan jiray.”
Inkastoo ninkan haatan uu helay shaqo abuur uu ka mareeyo nolosha qoyskiisa, haddana wuxuu mar walba xasuustaa saamaynta ay qoyskiisu ku lahayd shaqo la’aanta. Waxaa aad u sameeyay shilin Soomaaligii oo istaagay, maciishaddii oo qaali noqotay iyo shaqooyinka xoogsiga oo yaraaday.
Wuxuu tilmaamay in muddadii uu shaqo la’aanta ahaa fursadan ka hor ay qoyskiisu galeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Wuxuu sheegay inay ku tiirsanaayeen raashin kiilo kiilo ah oo ay ka heli jireen dad kamid ah asxaabtiisa oo nolol dhaamay.
“Nolasha Fuundinimada waa iska adkaatay. Wax lagu hayo malahan, Haddii aad soo martid meelahooda waa la tuunsan yahay. Baabuurtaa la isku dilayaa. Baabuurkii soo istaaga boqol oo qof ayaa ku yaacaysa halmar. Waxa loo ordayana waa quutul yoonkii. ilmahaaga yar ayaa ku dhahaya abbow caano isii. Wax kastay kaaga baahan yihin.”
Dowladda Hoose Garowe oo fulinaysa barnaamijka ayaa sheegtay inay ka faa’iideysanayaan danyar iyo barakac ah kuwaas oo helay il dhaqaale oo u soconaysa ku dhawaad hal sano. Waxaa ka mid ah xirfadleyaad baaga-muudo ahaa balse hadda isku filnaaday.
Injineer Axmed Yuusuf Nuur oo 45 jir ah ayaa kamid ah dadka ka baxay caqabadihii dhaqaale, isagoo ka shaqeeya qeybta kormeerka farsamada iyo qorsheynta qalabka. Shaqadan ayaa u horseeday nolol cusub oo deggan, maaddaama uu maaline lacag u helo.
Axmed, oo ah aabbe 11 carruur ah, wuxuu Radio Ergo u sheegay in shaqadani ay noloshiisa wax weyn ka beddeshay. Daqligiisa cusub ayaa ka caawiyay inuu dib u dhisto guri jiingad ah oo kaga dumay roobabkii magaalada ka da’ay bishii Juun. Muddo labo bilood iyo bar ah ayuu hoy la’aan ku ahaa xerada dadka soo barakacay ee Jowle isaga iyo qoyskiisa, balse maanta wuxuu sheegay in xaaladdaas laga baxay, qoyskiisana ay helaan cunto saddex waqti ah.
“16 ka dollar waxay iga caawisay carruurta inaan ku dabirto. Yaryarootiga iyo deymaha waan isaga dhiibaa. Awal hore gidaar ayaan fadhin jiray waxbana kuma hayn. Magaalada baaga muudadeeda ayaa badnayd. Waxba nagama soo gali jirin. Toddobada beri hal mar ayaa maalintii shan dollar kaasoo galaysaa, taasna reerka kuma filna. Adiga iyo reerka madaxa ayaad isla galaysaan.”
Axmed ayaa sheegay inuu ku guulaystay inuu bixiyo qarashka waxbarashada afar carruurtiisa ka mid ah, kuwaas oo sanad dugsiyeedkan halis ugu jiray inay ka haraan fasallada, maaddaama uusan awoodi jirin inuu bixiyo lacagta iskuulka oo bishii 40 dollar.
Fursadaha wadajirka looga faa’iidaysto ayaa horseed u noqon kara kobac dhaqaalaha maxalliga ah, maaddaama xoogsatada dakhligooda ay dib ugu celinayaan suuqa, taasoo kor u qaadaysa ganacsiyada yaryar iyo adeegyada bulshada.











