(ERGO) – In ka badan boqol qoys ayaa tacabka beeraha uga soo kabtay abaar baabi’isay xoolihii ay dhaqanayeen ee noloshoodu ku tiirsaneyd.
Waa beeraley ku nool deegaannada Faragoy, Duduma-cade, Cilaanle iyo Marargur ee gobolka Galgaduud. Waxay iskugu jiraan beeraley hore iyo xoolo dhaqato ay qaarkood ku nool yihiin xeryo lagu barakacay.
Abaar iyo aaranba waxaa u soo go’a dalagyo u badan qudaar oo ay u iib geeyaan magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada ku xeeran. Waxay ka helaan dhaqaale joogta ah oo ay ku dabaraan cunnada, waxbarashada iyo baahidooda kale ee asaasiga ah.
Cadar Cabdi Cismaan oo beer tacbashada bilowday bishii Feberaayo ee sanadkii hore ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in tan iyo xilligaas ay shan mar guratay, ayna ka heshay ku dhowaad kun Doollar.
“Beerteyda dalagyo badan ayaa ka baxa, sida qaraha, digirta, Galley, yaanyo, basbaas, kabsar, waxaas oo dhan ayaa ii baxa, nolosheydana aad iyo aad ayay ugu filantahay. Markii hore xoolo dhaqato ayaan ahaa, faham fiican kama haysan dhinaca beeraha, marka xoolihii baaba’een meel madow baan ku soo dhacay. Maata waqtiga la joogo nolosheena beeraha ayaa u wanaagsan, sababtu wax kale ma ahan, beeraha dhaqaale fiican ayaa iga soo gala.”
Cadar ayaa tilmaamtay in nolosha lix carruur ah oo ay dhashay iyo hooyadeed oo waayeel ah ay ayadu masuul ka tahay oo ay u dhaq-dhaqaaqdo tan iyo markii ay kala tageen aabbaha carruurta saddex sano ka hor.
Qoyska Cadar oo ku nool deegaanka Faragoy waxaa ildhaqaale u ah beerta oo labo hektar ah. Tacabka ka hor ayay sheegtay in noloshoodu adkeyd oo ay faro marneyd.
“Qoysku hadda wuxuu helaa cunto uu karsado labo waqti ama saddex waqti, qudaarta beerta nooga soo go’da ayaan qeyb ka isticmaalnaa iyo wixii kale oo naga dhinaadana waan soo gadanaa. Nolosheenna maanta aadbay u wanaagsan tahay. Beertu wax badan ayay ka badashay nolol maalmeed keenna. Culeyska kasta oo yimaada iyada ayaa iga dabarta.”
Dhaqaalaha ay Cadar ka hesho beerta wuxuu u suurta galiyay inay waxbarasho geyso labo carruur ah oo dhigta iskuul hoose oo ay bishii ka dhiibtaa $14.
Wax soo saarkeedu kuma koobna dalagyo la cuno oo kaliya. Waxay ku dhinac wadaa calafka xoolaha oo ay beerto. Qeyb way iibisaa, qeybna waxay ku nafaqeysaa xoolo yar oo uga badbaaday abaar badi laysay ari ay ku dhaqaneysay miyiga Galgaduud.
Cadar ayaa sheegtay in calafku ku soo go’o labo bilood, markiina ay ka hesho $150. Abuurkiisa waxaa ku caawisay hay’adda NRC.
“Calafka waxaa iga iibsada dad rukun ii ah, magaalada Dhuusamareeb ayaan u iib geeyaa. Xirmadii waxaan gadaa hal Doollar, marka waana ii gadmaa markasta. Anigu waxaan ahaa xoolo dhaqato miyi deggan oo haysata 50 neef oo ari ah, abaar badi laysay, waxaa ii soo hartay 15 neef, maadaama xoolihii nacfi beeleen waxaan u soo weecday dhinaca beeraha. Dhulka beertu ku taallo anigaa leh oo markii hore ayaan deegaan ahaan u daganeyn, kadibna beer ayaan ka dhiganay.”
Hay’adda NRC ee ka shaqeysa arrimaha bani’aadamnimada ayaa qoysaskan danyarta ah ku caawisay abuur, tababar, agab gacmeedyada fudud ee beeraha looga shaqeeyo iyo ceel biyood riig ah oo ay ku waraabsadaan.
Ujeedadu waxay aheyd in maareynta noloshooda ay ku filnaadaan, ayna helaan wax u badala ilihii dhaqaale ee ka burburay.
Dadka arrintaas ka faa’ideystay waxaa ka mid ah Naciimo Cali Ibraahim. Waxay ku jirtaa iskaashato soddon qof ah oo wadaaga beer shan hektar ah, taas oo ku taalla deegaanka Dudumacadde ee duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Tan iyo sanadkii 2024 ayay xustay in lix jeer ay u soo go’een dalagyo kala duwan oo kala ah yaanyo, Qare, Barbanooni, Kabsar, Koosta, qajaar, Masago, Gallay iyo calafka xoolaha oo ay ka gataan dadka deegaanka.
Muddadaas ayay sheegtay in bil kasta ay heleysay dhaqaale gaaraya $300 oo ay uga faa’ideysatay maareynta nolosha 10 carruur ah.
“Qoyskayga wax weyn bay ka badashay, maxaa yeelay bariiskoo kale waad kasoo gadan, soortoo kale, baastadoo kale, iyo saliid baad kusoo iibsan. Hadda waan ladanahay, meel weyn bay iigu jirtaa beertu, waxaan rabnaa in nala sii caawiyo si aan u noqono beeraley soo saarta wax badan oo gobolada iyo degmooyinka loo dhoofiyo.
Naciimo ayaa xustay inaysan beerta uga shaqeyn wax shaqaale ah oo ay iyagu qabtaan wixii howl ah, hadday tahay falid, waraabin, guris iyo iib geyn.
Wixii faa’iido soo baxa ayay tilmaantay inay u qeybsadaan si siman. Waxay iskugu jiraan beeraley hore iyo kuwo beeruhu ku cusub yihiin oo ahaa xoolo dhaqato abaaraha ku ceyrtoobay.
Naciimo ayaa aheyd beeraley colaad uga soo barakacday gobolka Jubbada Hoose sanadkii 2021.
Markii ay heshay fursadan ayay sheegtay inay is badashay nolosha qoyskeeda oo deggan xerada Shabeelle ee duleedka Dhuusamareeb.
“Markii hore qof iska daruufaysan ayaan iska ahaa oo aan waxba haysan dadka baan guryaha ku gareeci jiray, dhar makuu dhaqaa baan dhihi jiray, guri makuu soo hagaajinayaa baan dhihi jiray. Wixii aan soo helo hal mar baan dabka saaran jirnay waqti baan wax dabka saaran jirnay, Markii beeraha la igu darayna Alxamdullilaah laba waqti baan wax karsanaa oo aan helnay, subixii canjeeladooda iyo koostadooda ayay ii cunaan, habeenkiina bariiskooda ama baastadooda baan karsanaa, Alxamdullilaah aad oo weyn bay beertu noo badashay.”
Naciimo waa qofka kaliya ee hadda uu ku tiirsan yahay reerku. Lixdan Doollar ayay bishii ka dhiibtaa shan carruur ah oo dhigta iskuulka dhexe iyo sare ee Al-maamuun.
Waxay sheegtay in markii hore ay ku adkeyd bixinta lacagtan, taasina ay keentay in iskuulku ku yeesho $180 oo aysan wali bixin, balse hadda ay ku talo jirto.
Beeraleyda gobolka Galgaduud waxay leeyihiin hoggaan iyo iskaashato. Hoggaankoodu awood umaleh inuu ka jawaabo baahiyaha beeraleyda, balse wuxuu ka shaqeeyaa olole uu caqabadaha jira kula wadaago hay’adaha iyo dowladda. Waxaa sidaas Raadiyow Ergo u sheegay Xirsi Faarax Cusmaan oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeralayda magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoos yimaada.
Wuxuu tilmaamay in xoolo-dhaqato badan ay isku badaleen beeraley, markii abaar ay ka dhameysay xoolihii ay ku tiirsanaayeen.
Beeraleyda deegaanka ayuu xusay inay hadda soo saaraan qudaar markii hore laga keeni jiray gobolada koonfurta Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in qudaarta ay soo saaraan ay ka qiimo jaban tahay tan kale ee la soo dhoofiyo.
Guddoomiyaha ayaa xusay in tirada beeraha ee Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda ku yaalla ay kor u dhaafeen afar boqol. Wuxuu sheegay in taasi muujinayso kobac iyo in la fahmayo ahmiyadda beeruhu leeyihiin.
“Waxaan go,aansanay oo dhexda u xiranay in aan dadkayaga ka badbaadino dhibaatada soo socota ee baahida, dadku waxay cunaan ayay u baahan yihiin hadii xoolihii ka dhamaadeen, waana in ay dhulka beertaan, nin aan dhulka beer ka samaysan ma dhargo.”
Helitaanka biyaha oo adag waa caqabad weyn oo hor taagan dad badan oo ka faa’iideysan lahaa tacabka beeraha. Dadku ma awoodaan dhaqaale ay ku qotaan ceelal aan gurin oo gunta hoose u dheer, taasi waa mid u baahan howlgalinta riig ay ku baxdo kummanaan Doollar.











