Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gargaar la’aanta oo keentay in haween barakac ah ay u dawarsi tagaan beeraha Baydhabo

Jibril Osman by Jibril Osman
August 21, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Cunno xumo ka dhalatay ganacsiyo xirmay markii la joojiyay lacag gunno ah

Farxiyo Maxamed Cali oo carruurteeda cunno ahaan u siineysa shaah/Cabdullaahi Maxamed/ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka ku jira xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo ayaa ku qasbanaaday in ay u dawarsi tagaan beeraha ku yaalla duleedka magaalada si ay u badbaadiyaan nolosha carruurtooda. Waxaa ka istaagay gargaar ay ku tiirsanaayeen bishii May ee sanadkan.

Beeralayda goosta dalagga ayaa ku caawiya nolol-maalmeedka. Salaado Nuur Isaaq oo dhowr beerood isku marta maalinkasta si ay cunno ugu hesho qoyskeeda oo lix ah ayaa ka mid ah.

Taageerada ay hesho maahan mid joogto ah. Waxay sheegtay in habeennada qaar iyada iyo carruurteedu ay gaajo ku seexdan.

“Saddex beerood ayaan tagaa haddii aan wax ka soo helo inti aan ka soo helo haddey ii noqdaan laba dollar ama wax alaale wixii ay ii noqdaan ayaan nolol maalmeedka ka dhigtaa. Nolosha qoyskeyga halis ayey ku jirtaa. Wax aan hesto malahan wax aan beeraha ka soo dawersadey uun baan hal wakhti karsanaa.”

Salaado oo 41 sano jir ah ayaa sheegtay in howshan ay bilowday bishii Juun ee sanadkan, markii ay aragtay haween kale oo ka fursan waayay.

Khudaar beeraha laga soo siiyo ayay dadka qiimo jaban oo ah $2 ka siisaa, taas oo ay sheegtay in aysan ku filneyn maareynta qoyskeeda.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay inaysan jaclayn inay dadka gacmaha u hoorsado balse ay wayday xal kale maaddaama dhawr mar oo ay isku dayday shaqo ay wayday iska markaana guriga ku sugayaan carruur aan ogayn waaqica haysta.

“Culeyska aan dareensanahay wuxuu yahay waxba mahayo qof gacantiisa wax kujira ma ahi. Culeyskan Illaah ha iga qaado. Markii horeba welwel ma dareemi jirin masha allah ayaan iska ahaa oo waan ficnaa. Hadda dan iyo daruuf ayaa tuugsiga ii geeyey.”

Salaado ayaa bishii hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ka qaadan jirtay $90, taas oo kaga filnayd baahiyaha aasaasiga balse hadda ku soo wada furmay.

Haweeneydan ayaa xustay inay sidoo kale dhib ku hayso waxbarasho la’aan carruurteeda oo gaaray da’dii duruus qaadashada. Waxay sheegtay inay iskuul u awoodi wayday maaddaama biilkooda ay la daalaadhacayso.

Salaado waxaa intaas u dheer xaalad caafimaad darro oo haysata wiil ay dhashay, kaas oo ay sheegtay inay u wayday dhaqaale ay ku dawayso balse ay isha uun ka daawato, maaddama aysan qarash u haynin.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay saygeedii ay kala tageen 2023, kaas oo aan ku biilin carruurta. Tan iyo xiligaas waxay dhexda u xiratay sidii ay nolosha carruurta u maareyn lahayd, balse hadda waxay ku sugan tahay xaalad hubanti la’aan ah.

Salaado iyo caruurteeda oo 2024 ka soo barakacay deeganka Barbaare oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa sheegtay inay colaad iyo abaar  uga soo tageen. Waxay halkaas ku lahaayeen beer 2 hektar ah oo ay ku tiirsanayeen balse hadda aan la tacban .

Haweenka kale ee xaaladdan wajahaya waxaa ka mid ah Farxiyo Maxamed Cali oo ah hooyada shan carruur ah. Waxay la daalaa-dhacaysaa daruufo dhanka nolosha ah. Waxay nolosha reerka hadda ku maareysaa raashin iyo qudaar ay isugu daraan beeralayda.

Qudaar ay beeraha ka soo hesho waxay dadka suuqa Dugaan-dug uga gadaa qiimo yar. Waxay ka heshaa lacag aan badneyn oo hal wakhti dabka u shida. Marar qaar waxay xustay inay ka soo laabato iyada oo faran maran.

Waxay quus ka muujisay xaalada nolol xumo ee carruurteeda ay xilligan ku sugan yihiin. Sidoo kale waxay tilmaantay inay culays weyn ay ku qabaan helida iyaha xerada oo aan ceel lahayn darteed.

“Culayska biyaha jirgaankii shan kun ayaa la gadaa, meel dheer ayaa loo adaa. Biyaha ani afar jirgaan ayaa igu filan maalintii laakiin ma helayo, maalintii hal jirgaan ayaan soo qaataa. Qof wax nasiinayo malahan, beeraha wax aan ka soo qaaday ayaan ku nool nahay.”

Haweeneydan oo 31 jir ah ayaa tilmaantay in xilligan ay ku jiraan daruuftii ugu adkayd ee abid soo marta. Waxay sheegtay intaysan soo barakicin in noloshooda ay fiicneyd balse hadda ay noqotay in beeraha ku yaala magaalada inay ay isku marto iyadoo danbiil watada.

Farxiyo oo keligeeda korsata carruurteeda ayaa sheegtay in ninkeeda ay kala tageen seddex sano ka hor, markii uu awoodi waayay biilka reerka, taas oo keentay inay noqoto carmal aan wax taageero ah haysan.

Farxiyo ayaa sheegtay inay bishii Luulyo haween uga horeeyay ay billowday inay beeraha raacdo si ay quud ugu hesho carruurteeda, balse kuma filna waxay ka soo hesho nolosha qoyskeeda. Daruufaha kale ee farxiyo ku gedaaman waxa kamid deyn lagu leeyahay oo ay raashin ugu qaaday carruurteeda afar bil ee la soo dhaafay ,taas oo ay sheegtay xustay inay loo haysto.

“Deynta la igu leeyahay waa $70, qof iga dhiibayo malahan anna daruuf ayaan u soo qaatay. Daruuftii aan u soo qaatey hadda wax aan iskaga dhiibo malahan culeeskaas ayaa ihayo qofkiina isii ayuu i leeyahay meel hadda aan wax ka keeno malahan oo aan ka siiyo.”

Inta aysan gallin hubanti la’aantan waxay nolosha qoyska ka soo saari jirtay xaabo ay u doonto deegaan u jira 10 km. Fogaanta awgeed waxay toddobaadkii bixi jirtay saddex beri. Waxay maalinta ay hesho ka heli jiray labo doolar. Shaqadaas ayay iska daysay markii nafteeda ay ugala cabsatay tuugo jidka ku batay.

Farxiyo waxay beer seddex hehtar ah ku lehayd deeganka Deynuuney, taas oo ay sheegtay inay saamaysay roob yari. Ugu danbayn waxay noqotay inay xeryaha soo galaan balse weli waxay la qabsan la’yihiin nolosha barakaca.

Cabdi Barre Maxamed wuxuu duleedka magaalada ku leeyahay 10 hektar ah oo ay u saaran yihiin noocyo kala duwan oo khudaar ah. Ninkan wuxuu tilmaameyn in maalin kasta beertiisa ay ugu yimaadan dad oo barkac ah oo caawinaad ka raba.

Wuxuu xusay in marka ay arkaan duruufta ka muuqa ay illoobaan culeysyada haysta, taas oo keentay inay siiyaan hadba wixii ay u awoodaan si ugu yaraan maalintaas day abka ugu shidaan carruurtooda.

“Beeraha ayay noogu yimaadan dhibaatada haysa ayey noo sheegaan, bac-baco ayaan siinaa ayagana wey na kaalmeeyaan xiliga beer falasho lagu jiro beeraha ayey nala falayaan, waan is baraney. Sidaas darteed anagana wixii aan hayno ayaan u siineynaa.”

Cabdi ayaa sheegay in dadka beeraha ugu yimaada in ay u badan yihiin haween daruufeysan oo u socda koox-koox iyo keli keli. Beeraleyda gobolka Bay ayuu sheegay inay ku jiraan xilliga goosashada, taas oo keentay inay dadka danyara h ku soo hirtaan.

Qoysaska soo barakacay ayaa dedaal ugu jira sidii ay uga bixi lahaayeen nolosha adag ee ku haysata xeryaha, balse waxaa ka hortaagan daruufaha nololeed ee ku hareeeysan qoysaskooda.

Previous Post

Xasilooni-darro waxbarasho la’aan biday carruurta ku nool deegaano hoosta Kismaayo

Next Post

Qoysas barakac ah oo xiray ganacsiyo ay ku tiirsanaayen dayn lagu yeeshay awgeed.

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
blank

Qoysas barakac ah oo xiray ganacsiyo ay ku tiirsanaayen dayn lagu yeeshay awgeed.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo