(ERGO) – Khadiijo Xasan Maxamed waxay cunno hal waqti ah u awoodi la’dahay qoyskeeda tan iyo bishii Abriil ee sanadkan. Waxaa xilligaas ka joogsatay shaqadii dhoobaynta guryaha carshaanta ah oo ay ka qaban jirtay xeryaha Dhadhaab.
Haweenaydan oo kaligeed u shaqaynaysay 11 carruurteeda ah ayaa xustay in dadku u wareegeen guryo jiingad ah, taasoo baaga-muudo ka dhigtay. Waxay u ahayd isha kali ah ee ay nolol-maalmeedka reerkeeda ka soo saaran jirtay.
Khadiijo ayaa sheegtay in qoyskeeda ay soo foodsaartay duruufo adag, markii uu meesha ka baxay dhaqaalihii ay ku kabi jirtay nolosha. Waxaa bishii ka soo geli jiray 10 kun ilaa 15 kun oo Kenyan shilin ah, taasoo ugu filnayd baahiyadooda aas-aasiga ah. Waxay ka murugeysan tahay shaqadii ay waysay.
“Dhaqaalihii waa laga waayay. Xaaladdu aad bay u cakiran tahay. Gurigan ayaan iska dhex fadhiyaa. Cuntadii dabka aan saari jirnay ma awoodo, mana is bixin karno. Culays xoog leh ayaa nasoo koray. Markaan wax awoodi waayo oo is bixin waayo, kaligay ayaan meel iska fariistaa oo isla hadla.”
Khadiijo ayaa sheegtay in raashin 30 kiilo ah oo bishii ay siiso hay’adda WFP uu 15 cisho uga go’o. Bishii May hay’adda ayaa sidoo kale joojisay lacag sagaal kun oo shilin ah oo ay heli jireen, taasoo ay koosaar u noqon jirtay.
Haweenaydan ayaa sheegtay in ay raadisay shaqooyin nadaafadeed si ay carruurteeda dabka ugu shiddo. Dhaqaale-xumada ka jirta xeryaha ayaa keentay in dadku aysan shaqo u dirsan, maadaama ay u taag la’yihiin helitaanka qutul-daruuriga.
Waxay tilmaantay in toddobaadka dhan ay labo maalin ka hesho dhar-dhaqis ay ka soo gasho saddex ilaa afar boqol oo Kenyan shilin ah. Maalmaha ay soo wayso, waxay ku qasbanaadaan in ay gaajo ku joogaan. Diifta ay qatooyada waqti dheer ku reebtay ayay sheegtay in ay ka muuqato carruurteeda.
“Dhar-dhaqow haddaan helo waan dhaqaa, habeenkiina sidaas ayaan dabka ugu shidaa. Haddii aan soo waayana, xagga Ilaahay ayaan ka sugnaa. Sidaa ayaan ku noolnahay. Mararka qaar ilmaha intaan qubeeyo ayaan iska seexiyaa. Subaxdii anigoon dab u shidin ayaan shaqo raadiyaa.”
Khadiijo ayaa sheegtay in ninkeeda oo ka shaqayn jiray dhismaha guryaha uu lix bil shaqo la’aan yahay, sababtuna tahay in aysan dhismayaal ka socon xeryaha qaxootiga. Cunno la’aanta waxaa u raacay biyo yari iyo hoy xumo saamayn ku yeelatay qoyskeeda.
Waxay sheegtay in ceel 3 km u jira ay dusha uga soo qaado shan jiirgaan oo maalinkii looga oggol yahay, taas oo daal badan ay kala kulanto. Dhanka kale, buushkii ay deganaayeen ayay xustay in dabaysha iyo qoraxdu ka dhameeyeen, aysanna hayn wax ay ku dayac-tirto.
Haweenaydan ayaa xustay in ay welwel joogto ah ku hayso shan carruur ah oo dugsiga laga soo eryay bishii lixaad, maaddaama aysan bixin min afar boqol oo shilin oo ay ku baranayeen. Iskuul bilaash ah oo ay dhigtaan oo ay agabka waxbarashada u gadan jirtay ayay sheegtay inay awoodi weysay tan iyo markii ay shaqadu ka istaagtay.
“Ilmaha waa waxbarasho la’aan. Guriga ayay fariisteen. Waxaan awoodi waynay markii ay ilmuhu na dhahaan ‘hooyo qalin ma haysto, boorso ma haysto.’ Markii gacanta wax noo soo galaan, waxaan ugu gadan jirnay qalimaantaas, buugtaas iyo boorsooyinkaas. Intaa ayay naga caawin jirtay iyo darayska iyo wax kasta oo uu gabigu ku socon lahaa.”
Khadiijo ayaa sheegtay in shaqadeedu ahayd isku-darka carrada iyo saalada lo’da ee guryaha dhistaha ah dusha laga marayo, taasoo ahayd xirfadda keliya ee ay garanaysay, kuna shaqaynaysay 14 sano oo ay Dhadhaab joogtay.
Qoyskeeda wuxuu 2011 ka soo barakacay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku lahaayeen beer 12 hektar ah oo raashin iyo khudaar ay ku beeran jireen, noloshoodana ugu filnayd.
Shaqo la’aanta haweenkan ayaa ku soo aaday xilli la dhimay dhaqaalihii la siin jiray qaxootiga. Faadumo Cabdulqaadir Khamiis waxay ka mid tahay dumarka qoysaskooda ka dabari jiray shaqada guryo dhoobaynta oo joogsatay.
Waxay sheegtay in ay ku maarayn jirtay reer 15 qof ah oo ay ku jiraan 5 carruur ah oo ay dhashay iyo 6 walaalaheed oo rajo iyo aqoon ah. Waxay tilmaantay in ay galeen xaalad hubanti la’aan ah oo aysan xalkeeda hayn. Arrintan ayaa bidday in ay dadka wax waydiisato.
“Waxaan ku noolnahay raashin karsan oo walaalaha aan dhex galno ay na siiyaan. Xalay iyo habeen hore Ilaahayga dab uma shidin, haddana wax aan ugu shido ma hayo. Baahi ayay ku hargalaan habeenkiina ku baryayaan.”
Faadumo ayaa xustay in intii ay shaqo la’aanta ahayd ay isku aragtay cudurro ay dhaqaatiirtu u sheegeen in ay ka qaaday welwelka badan, kuwaas oo ka hor istaagay in ay qabato shaqooyinka adag.
Waxay tilmaantay in bishii shanaad, iyadoo xilli duhur ah reer dhar u dhaqaysa, ay miyir daboolantay oo dhulka ku dhacday. Markii la geeyay isbitaalka xerada, waxaa loo sheegay in dhiig-kar iyo sonkor cusub laga helay, taasoo culayskii hore u sii kordhisay.
Waxay tilmaamtay in ay murugo dheeraad ah dareento marka ay carruurteeda oo baahan ku ooyaan, iyadana aysan waxba u qaban karin.
“Dhar-dhaqalkiina waa joogsaday. Dhiigga ayaa si xun iigu karaya. Aniga iyo ilmaha ayaan is daynay. Dhibaato weyn ayaa dhankaas naga haysata raashin la’aan, dhar la’aan, iyo dugsigii ilmuhu.”
Haweenaydan ayaa xustay in ay ku dhib qabaan helitaanka biyaha. Waxay sheegtay in ay deggan yihiin meel ka durugsan xerada Xagardheer oo aan ceel lahayn. Kan ugu dhow oo biyihiisu yaryihiin wuxuu u jiraa 5 km.
Waxay sheegtay in ninkeedu uu maalin kasta ka soo qaado saddex labaatanle oo aan ku filnayn. Buush ay dadka xeryadu ku caawiyeen markii ay yimaadeen labo sano ka hor ayay sheegtay in ay joogto u dayactiri jirtay, balse hadda dabayshu dumisay oo ay dibad-yaal yihiin.
Qoyska haweenaydan ayaa 2022 ka soo barakacay tuulada Baardheere-yarey oo ka tirsan degmada Jamaame, halkaas oo ay ku lahaayeen beer 8 hektar ah. Waxay sheegtay in aysan helin nolol dhaanta middii ay ka soo tageen.
Aamina Cabdulkaadir Cali oo horumarinta dumarka u qaabilsan ururka Women Lead Steering Committee ee u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka qaxootiga, ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in 200 oo haween ah oo ka shaqayn jiray dhoobaynta guryaha ay shaqooyinkoodii waayeen lixdii bilooda ee ugu horreysay sanadkan.
Waxay sidoo kale sheegtay in haweenka iyo dhalinyarada qaxootiga ku nool ay xilligan wajahaan shaqo la’aantii ugu darnayd. Qaar hay’adaha u shaqayn jiray waxaa ka dhammaaday muddadii heshiiska, halka kuwa xoogsan jirayna ay waayeen shaqooyinkoodii, taasoo kordhisay daruufahooda nololeed.
“Salaadii haween ayaa kallaha oo muruq-maal ku shaqayn jiray mid dhar soo dhaqda, mid guri soo dhoobta, mid dayr soo xaaqda, mid maqaayad soo shido dhammaan waa ka fariisteen. Gabdhihii guryaha dhobi jira oo dharka dhaqi jiray shaqadoodii way istaagtay, mana ka jiraan xeryaha.”
Aamina ayaa sheegtay in dhalinyaradii dugsiyada dhammeeyay ay baaga-muudo yihiin, iyadoo dhanka kale gargaarkii la bixin jiray uu yaraaday, taasoo sababtay in qoysas badan uu dabku ka damo.
Kummannaan qoys oo 30 sano ee ugu dambeeyay colaad iyo abaar uga soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha qaxootiga Kenya yimid ayaa awoodi la’ maaraynta noloshooda, markii ay waayeen deeqdii la siin jiray iyo shaqooyinkii xoogsiga ahaa.










