Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dalag u soo go’ay qoysas barakac ah oo ka saaray hubanti la’aan cunno

Jibril Osman by Jibril Osman
August 4, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Dalag u soo go’ay qoysas barakac ah oo ka saaray hubanti la’aan cunno

Khudaar u soo go'day qoysas barakac ah oo ku jira xero ku taalla Gaalkacyo/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Darajo Cabdi Cali oo barakac ku ah xerada Buulo-nootaayo ee deegaanka Xaarxaar ee Gobolka Mudug, waxay ku filnaatay maaraynta nolosha qoyskeeda, markii ay faa’iido dhaqaale ka heshay qudaar kala duwan oo uga soo go’day beer-guri ay goosatay bishii May.

Waxay kamid tahay 70 qof oo hay’adaha NRC iyo WFP oo iskaashanaya ay bareen qaabka loo tabcado beeraha-dadan kuwaas oo ku guulaystay inay qoysaskooda ka saaraan nolol xumo iyo inay ka maarmaan shaqooyin xamaali oo ay ku dhib qabeen heliddooda iyo qabashadooda.

Darajo ayaa maalinle uga hesha lacag u dhaxaysa shan ilaa toban doolar qare, bisbaas, yaanyo, batiiq, barnanooni iyo kabsar tan iyo horaantii bishii shanaad. Dhaqalaha soo gala ayaa qoyskeeda oo toban qof ah dhaxal-siiyay inay helaan cunno ku filan labo waqti.  

“Dhanka biilka reerka awal waxay ahayd haddii la quraacdo lama qadayn jiray, laakiin hadda alxamdulllaali labo waqti wax waan helnaa. Qadada iyo quraacda diritay noo tahay hadda habeenkiina casho fudud ayaan karsanaa.nolosha qoyska meel fiican bay maraysaa sababtoo ah awal waxaan ahaa hooyo ilmaheeda ka maqan, haddana waxaan ahay hooyo gurigeeda joogta beerna u baayso”

Haweenaydan ka hor shaqadan waxay tilmaamtay in qoyskeedu ay ku tiirsanaayeen raashin dayn ah oo ay ka soo qaadan jireen dukaan ay macaamiil ahayeen oo ku yaalla deegaanka, maaddaama ay sheegtay inay dhici jirtay in toddobaakiiba hal ama labo maalin ay heli jiray dhardhaqis ama xaaajin.  

Waxay sheegtay in beertan oo dhul 30 mitir ah oo ka mid ah gurigeeda ay u noqotay ishii ugu horraysay ee ay hesho daqli daboolay inta badan baahidii qoyskeeda. Waxay hoyga ka ag furatay jiingad ay ku gadato qudaarta.

Waxay macaamiil fiican ku yeelatay dadka xerada la deggan oo marka ay ka soo laabtaan shaqooyinka xoogsiga ah wax ka gata. Sababta ayaa ah inay ka iibiso qudaarta qiimo ka hooseeya midka ganacsatada magaalada Gaalkacyo.

Darajo ka hor intaysan beertan samaysan bishii Feberaayo waxay haya’daha caawiyay ka heshay tababar, agab iyo abuur. Waxay sheegtay in qoyskeeda uu nasiib u yeeshay inuu kamid noqdo 70 qoys oo dawladda Hoose ee Gaalkacyo ay ku soo xushay baahidooda.

Haweeneydan ayaa xustay in fursadda ay si gaar uga faa’iidasatay dhankeeda. Waxay tilmaamtay inay hadda qoys ahaan ka baxeen walaacii joogtada ahaa ee ka haystay dabaridda nolosha. Darajo ayaa ka warramaysa kaalinta ay ugu jirto beertan.

“Qoyska waxaas ugu tiirsanyahay waqtigii badnaa ee la galiyey waxaa la joogaa waqtigii laga faa’idi lahaa wax marka ilaahay baa mahad leh marka waa ka faa’idnay qarahii waa iib geynaynaa.”

Darajo waxay awood u yeelatay inay iska gudo daymo lagu yeeshay intii shaqadeeda aysan ahayd mid sugan. Ilaa iyo hadda waxay iska bixisay $400 oo kamid ahayd $800 oo looga yeeshay raashinkii uu reerku biilanayay iyo arrad bax.

Waxaa intaas u dheer inay u suura galisay  beertan inay ka welwel la’aato gabar ka mid ah carruurteeda oo iskuul dhigata , taas feker ku haysay sidii socoshada geedi-geeda waxbarasho dhaqaale xumo darteed.

“Gabaraa dugsi sare ii dhigata alxamdullaahi waa ka baxiyaa gabadhaas waxay ubaahantahay ee iwaydiiso waa ka baxiyaa sida buugaagta qaaliga ah oo kale ee ay macalimiintu ka rabaan dharka iskuulka sida waxii ay gaari ku raacayso oo kale waxyaabahaas aan ka dabaraa. Awal markay wax i waydiisato waa ka naxi jiray hadda Kama walwalo”

Darajo ayaa xustay inay qorshaynayso inay ballaariso beerteeda mustaqbalka. Waxay ku han weyntahay inay noqoto ganacsato. Keligeeda ayaa korisa carruurta maaddaama aabaha reerku yahay nin qaba xanuunka Isfiilatada.

Qoyska Darajo ayaa nolosha barakaca ku jiray tan 2021, markii ay abaar xilligaas uga le’deen 70 iyo 10 lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Sanado rafaad ah kaddib Hadda waxay dareemayaan soo kabasho.

Marka laga tago Darajo dadka kale ee beeraha dadan ay caawiyeen waxaa ka mid ah Maryamo Maxamed Cali oo qoyskeeda shan ah ay kaga baxeen hubanti la’aan cunno dallagyo beerta ay ka gurteen bishii May ee sanadkan.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay maalinle qudaar ay gado uga hesho faa’iido u dhexeeya $5-10, taas oo ka saaciday in qoyskeedu ka baxaan duruufahii nololeed ee ay la daala-dhacayeen. Waxay hadda dabka shitaan saddex waqti.

Beerta haweenaydan ayaa ku taalla xerada Mahad-alle oo ay deggan tahay. Maryamo ayaa tilmaamtay in marka laga tago quutul yoomka reerka ay lacagta soo gasha ka baxiso daymo ku hayay murug joogto ah sidii ay isaga gudi lahayd.

“Dayntii aan galnay waa iskaga baxinaa. Wallaahi dhowr meel oo aan raashin kasoo qaadanay ilaahay waa iga fududeeyey markaan iyada helay waa iga baxday. Daynta waxay igu gashay raashin, dharka ilmaha oo la iska soo qaadanayey anagoo shilin haysan. Hadda hal qof aa wax iigu dhimanyahiin”

Maryamo waxay sheegtay in dhaqaalaha soo gala sidoo kale uu u sahlay in afar kamid ah carruurteeda ay ku darto dugsi hoose inkasta iskuulku bilaash yahay, haddana waxay sheegtay inay markii hore ugayn waysay inaysan awoodin bixinta lacagta dharka, buugaagta, iyo qarashyada kale. Maryamo waxay kaloo lacagta kasoo gashay beerta ku gadatay afar neef oo ari ah kuwaas oo ay xustay inay  carruurta cadayska uga maasha, kuwaas oo ay ka bixisay min $20.

Maryamo ayaa xustay tan iyo markii ay beertu usoo go’day inay iska baxisay $300 oo kamid ah $600 oo ay ku yeesheen tukaano ku yaalla deegaanka. Waxay ku han-weyntahay in bilaha soo socda ay iska dhammayso inta ku dhiman.

Haweeneydan iyo qoyskeeda ayaa nolosha barkaca ku jiray tan iyo 2019, markii abaar ay ka laysay tiro ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga Beledwayne ee gobolka Hiiraan. Waxay hadda naawilayaan inay heli doonaan nolol xasilloon.

Haruuse Cismaan Daahir oo ah madaxa barakaca Dawlada Hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in dadka ka faa’idaystay mashruucan ay ka miradhaliyeen xirfaddii la baray. Taas oo wax ka badashay qaabkii ay noloshoodu ku dhisnayd.

Ninkan ayaa tilmaamtay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay barnaajinkan ay yahay in bulshadu ka baxdo inay ku tiirsanaado gargaarka ay bixiyaan haya’daha oo ay iyagu wax soo saartaan inta la baro xirfado ay wax ku qabsan karaan. Wuxuu sheegay inay tahay qorshe ay dawladu ka leedahay dadka barakaca ah iyo kuwa danyarta abaaha ku cayroobay.

“Dadkaan saddex qolaa soo xushay haayada WFP, NRC iyo Dawlada Hoose ee Gaalkacyo. Waa dad danyar ah oo duruuftu ka muuqatay oo aad u liita bay ahaayeen waana dad degan xeryaha lagu barakacay dadkaas baa ka faa’idaysanayey islaamaha garoobada ah ee ilmaha lagu furay, kuwa laga dhintay oo kale iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee ilmahoodu u shaqayn karaan.”

Dhul beerashada ayay aaminsan yihiin dadka aqoonta u leh inay tahay hannaan dadka ay kaga bixi karaan saboolnimada haddii ay helaan aqoonteeda iyo taageero. Qoysaskan nolosha quus ka joogay ayaa mahadinaya natiijada ay durba ka dhaxleen tacabkooda billowga ah.

Previous Post

Haween qaxooti ah oo dhibaato gargaar iyo shaqo la’aan ay ku haysa Dhadhaab

Next Post

Bay: Qoysas nolol xumo ka soo kabanaya markii ay bilaabeen dhaqashada shinida

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Bay: Qoysas nolol xumo ka soo kabanaya markii ay bilaabeen dhaqashada shinida

Bay: Qoysas nolol xumo ka soo kabanaya markii ay bilaabeen dhaqashada shinida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo