Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bay: Qoysas nolol xumo ka soo kabanaya markii ay bilaabeen dhaqashada shinida

Jibril Osman by Jibril Osman
August 5, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Bay: Qoysas nolol xumo ka soo kabanaya markii ay bilaabeen dhaqashada shinida

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo ku guda jira hawshooda/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kontan iyo saddex rag ah ayaa shaqo abuur ka helay beero shinnida lagu dhaqo oo dhamaadkii sanadkii hore si iskaashi ah ay dhallinyaro uga samaysteen duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Maxamed Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ragga fursaddan ka faa’iidaysanaya ayaa maalinle ugu shaqo tagaa mid ka mid ah beerahaas oo ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada.

Ninkan ayaa sheegay inuu bille u qaato $100 doollar oo ka caawisay inuu qoyskiisa oo lix ah uu u helo cunno ku filan. Maxamed ayaa tilmaamay inay shaqadan u noqtay il dhaqaale oo isbeddel nololeed u horseedday reerkiisa.

“Shaqadan waxay iga caawisay qoyska noloshiisa waxa ay noqotay mustakafi. Hadda saddex waqti ayaa ciyaalka wax loo kariyaa. Noloshooduna hadda waa Mashaa Allaah. Hadda waa qoyska maaraysan oo dhaqaalaysan. Nolol maalmeedkayga hadda aad ayuu u fiican yahay.”

Maxamed oo 35 sano jir ah ayaa sheegay in shaqadan ka hor nolosha qoyskiisa ay ku tiirsanayd shaqooyinka xammaali ah. Wuxuu ka shaqayn jiray qodidda musqulaha iyo falidda beeraha oo uu xusay inuusan joogto u heli jiray. Maalinka uu shaqeeyo wuxuu ka heli jiray labo doollar.

Ninkan ayaa sheegay inuu ka nastay shaqooyinkii adkaa ee uu qabay jiray. Wuxuu tilmaamay inuusan habeenkii hurdo fiican heli jiray daal dartiii. Waxaa mudac ku mudan ahaa soo dhicinta biilka reerka. Wuxuu dib u xasuusanayaa culaysyadii uu maalinlaha ula noolaa.

“Midda iigu dhibka badnayd waxa ay aheyd, waaga marka uu baryo, salaadda subax la tukaato kaddib waan fekeri jiray. Shalay meeshii shaqo way dhammaatay adiga ayaaba ogaaye intee ayaan u bixi, yaa kuu yeeri. Taleefanno ayaan dirsan jiray. Shaqaalaha aan isla shaqayno ayaan weydiin jiray maanta shaqo ma jirtaa. Haddii aysan jirin waan iska joogi jiray. Hadda welwelkii i sugayay wuu iga dagay.”

Maxamed oo shaqadan ay u suuragalisay inuu iska bixiyo 100 doollar oo dayn ahaan loogu lahaa, ayaa billaabay inuu kayd samaysto markii ugu horraysay. Sidoo kale wuxuu dugsi Qur’aan geeyay bishii koowaad ee sanadkan wiilka ugu weyn carruurtiisa oo siddeed jir ah. Wuxuu bille uga bixiyaa 4 doollar.

Ninkan ayaa sheegay in shaqadan ay ku soo xireen saaxiibadii isla markaanna uu aqoon hore u lahaa hawlaha shinnida. Hadda wuxuu qaabilsan yahay inuu malabka ka soo guro sanduuqyada. Wuxu sheegay inuu shaqadan ka rajaynayo inuu ku gaaro horumar kor u qaada noloshiisa iyo midda qoyskiisa.

Dhallinyarada fursaddan ka faa’iidaysanaya waxaa ka mid ah muruq-maal ah  shaqooyinkoodii ku waayay fatahaado ka dhacay deegaaannada gobolka Bay.

Aadan Mustaf CabdIraxmaan oo ka mid ah dadka la shaqaalaysiiyay bishii koowaad ee sanadkan ayaa ku filnaaday nolosha qoyskiisa 12 qof ah. Wuxuu mushaar ahaan bishii u qaataa 100 doollar.

Ninkan ayaa sheegay inuu shaqadan kaga maarmay shaqooyin xammaali ah. Wuxuu ahaa muruq-maal beeraha fala. Wuxuu ka heli jiray labo dollar oo aan joogto hayn. waxaa shaqadiisa saameeyay fatahaadihii roobabka.

“Is-beddelka hadda shaqadan ii keentay waxaa ka mid ah xilligii aanan shaqadan ku soo biirin carruurteyda iskuul la’aan ayay ahaayeen hadda iskuul ayay aadeen. Biilkooda iyo hooyadoodba markii hore biil ku filan ma haysan. Hadda biil ku filan ayay heleen Alxamdulilaah.”

Ninkan oo 41 sano jir ah ayaa sheegay inuu shaqadan ku helay inuu khibrad hore u lahaa. Waxa uu xusay inay wax wayn uga dhigan tahay.

Aadam ayaa xusay inay u rumaysay mid ka mid ah riyooyinkiisa oo ahaa inuu waxbaro carruurtiisa. Wuxuu dugsi Qur’aan geeyay saddex ka mid ah oo uu bille uga bixiyo 12 doollar. Wuxuu tilmaamay in nolosha ay ciriiri ku jirtay shaqadan ka hor.

“Markii hore joornaatiga ayaa qayb yar iska ahaa boqolko soo hel, laba soo hel adi habeen iyo subaxba dabka eber ma ahyn laakiin hada sedexda wakhti waa ok nolol maalmeedka mida shinada laga helo iyo mida laga helo joor naatiga hadiiba aan isku darsadey masha Allaah nolosheyda aad ayey u fiican tahay Alxamdulilaah.”

Wuxuu tilmaamay in 12 saac shaqadan ka hor uu qaban jiray shaqooyin xamaali ah oo maalintii uu kala soo hoyan jiray 100 kun Shilling Soomaali ah.

Hadda wuxuu shaqeeyaa gelinka hore keliya. Qeyb ahaan wuxuu qqaabilsan yahay inuu shinnida biyo siiyo. Aadan ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in mushaarka loo kordhiyo.

Fursadaha shaqo ee laga heli karo magaalada Baydhabo ayaa ah kuwa kooban, balse dhallinyaro isku tagay ayaa sababay inay shaqo abuur u sameeyaan da’yar dhigooda ah.

Cabdulaahi Maxamed Sheekh oo ah guddoomiyaha dalladda Danwadaag oo ah iskaashato ayaa sheegay inay ka go’an tahay kordhinta shaqaalaysiinta dhallinyarada. Ninkan ayaa sheegay inay kala duwan yihiin xilliyada marka loo eego faa’iidada ay ka helaan shinnida.

Wuxuu tilmaamay in guga iyo xagaaga ay yihiin waqtiyada ugu muhiimsan dhanka faa’iido helidda, halka inta lagu guda jiro dayrta iyo jiilaalka uu xusay inay hoos u dhac dareemaan. Dhanka kale wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo badiya taranka iyo wax soo saarka shinnida oo ka maqan isla markaanna ay u baahan yihiin in laga kabo.

“Biyo macaan ah ayay u baahan tahay. Hadda Baydhabo agagaarkeeda lagama helo. Waxyaabaha aan u baahannahay waxaa ka mid ah in loo sameeyo baraak ay galaan biyaha xareedda. Biyaha xareedda ayay ku dhashaa malabka ay ku soo saartaa. Xareeddii ayaan u waysannahay. Ceel uma qodna. Baabuur lagu guuriyo ma haysanno.”

Cabdulaahi oo ah aasaasaha ganacsigan ayaa sheegay in isaga iyo dhallinyaro kale oo sagaal ah ay shaqada ku billaabeen 30 kun oo doollar oo ah dhaqaale ay iska aruuriyeen.

Wuxuu sheegay inay hal xarun ku hirgeliyeen balse hadda ay leeyihiin saddex beer oo shinniga xannaaneeyo. Wuxuu xusay inay shinnidu saddexdii bilba mar ay soo saarto 300 oo litar oo malab ah kaas oo ay ka helaan faa’iido dhan lix kun oo doollar.

Cabdulaahi ayaaa intaas raaciyay inay saameeyeen abaarihii deegaanka soo maray iyo daadad ka qaaday 50 sanduuq oo shinni ah. Wuxuu tilmaamay in caqabadahaas aysan ka niyad jabin inay sii wadaan shaqadooda.

Previous Post

Mudug: Dalag u soo go’ay qoysas barakac ah oo ka saaray hubanti la’aan cunno

Next Post

Beeralayda Bari oo ay isku biirsadeen daad, colaad iyo cayayaan

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Beeralayda Bari oo ay isku biirsadeen daad, colaad iyo cayayaan

Beeralayda Bari oo ay isku biirsadeen daad, colaad iyo cayayaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo