Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeralayda Bari oo ay isku biirsadeen daad, colaad iyo cayayaan

Jibril Osman by Jibril Osman
August 6, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeralayda Bari oo ay isku biirsadeen daad, colaad iyo cayayaan

Mid ka mid beeraley daadku uu ka qaaday dalagga/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda gobolka Bari ayaa wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka adag ee cimilada oo ay u raacday colaad saamayn ku yeelatay, kuwaas oo ka hor istaagtay in ay u helaan qoysaskooda nolol-maalmeedka.

Bishii Abriil ee sanadkan roob daad watay ayaa ka qaaday dalagyo ay beerteen iyo hanti ay la haaayeen dadka deegaanka Dooxo-gibin. Waxaa ka mid ah Cabdi Cali Mire oo beertiisa ku waraabsan jiray labo ceel-gacmeed.

Daadka ayaa burburiyay ceelka, waxaana uu ka galaatay dalag iskugu jiray basbaas, yaanyo, qare, masago iyo galley. Waxay ku dhawaayeen goosasho.

Burburka gaaray ceelasha beertiisa oo uusan xal u helin hagaajintooda ayaa sababtay in ay ka qalalaaan dalagyo uu beetay bishii May.

‘’Wixii aan qalab haysanay hal badeel iyo hal yaanbo ayaa ka haray. Dalaga basal ayaa noogu badnayn, qare iyo yaanyo ayaa ka mid ahaa abuurkiina wuu la tagay.’’

Cabdi ayaa xusay in qasaaraha soo gaaray ay adag tahay in uu ka soo kabsado. Waxaa culayska ku sii badiyay deyn $5000 oo 2023 uu ka qaatay bankiga Amal ee Boosaaso. Wuxuu ku iibsaday dhul hal hiktar iyo bar oo beerta ah, labo ceel-gacmeed, matoor iyo agabyada kale.

Ninkaan ayaa sheegay in 70 kiish oo basal oo uu goostay dhamaadkii Maarso uu daadku ka wada qaaday. Arintaas waxay ku noqotay welwel kale oo culeyska ku sii kordhisay. Wuxuu xusay in raashin min 20 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo deyn uu ku soo qaaday bilowgii bishii hore ay habeenkii kali ah dabka saartaan si ay u beekhaamiyaan.

Wuxuu tilmaamay in xaaladdaan ay ku reebtay saameyn uu ilaa hadda ka soo kaban la’ yahay.

“Helitaanka cunnada caqabad xooggan ayaa ka jirta, markii quraac la helo qado maba jirto cunno yari baahsan ayaa jirta. xaalad adag weeye wax cawimaad ahna ma aanan helin.’’

Qoyska Cabdi waxaa intaas u dheer in ay dulsaar ku yihiin dad qaraabadooda ah oo ku nool deegaanka Dooxa-gibin, maaddama labo qol oo jiingad ah oo ay deganaayeen uu daadku ka qaaday.

Waxay dhanka kale dhibaato ku qabaan helitaanka biyaha. Booyado deegaanka Timirshe oo 63 km u jira uga soo qaada $60 ayuu xusay in uusan awoodin. Waxay ku qasabanaadaan in ceel biyo qaraar oo 40 daqiiqo loo socdo ay isaga iyo xaaskiisu dhabarka uga soo qaadaan maalinkii 3 jirigaan.

Dhaqaale xumada haysa ayaa u horseeday in sideed carruura oo u kala dhiganayay fasallada 3, 4, 6 iyo 8 ee dugsiga hoose dhexe la soo eryay bishii shanaad, markii uu bixin waayay $135 oo bilkasta laga doonayay.

‘Haddaan wax ku soo galayn adigii, xaasaskii iyo carruurtii ayaa iska hor imaanaysaan, culays kii ugu weynaa ayay igu haysaa wax la igu leeyahay weeye.’’

Qoyska Cabdi ayaa labo sano ka hor yimid deegaanka Dooxa-gibin, markii cudurro ka dilaacay miyiga ay kaga dhamaadeen 30 ari ah oo ay ku tiirsanaayeen iyagoo bilaabay wax beerashada si ay nolol-maalmeedkooda uga helaan.

Beeralayda deegaannada Dooxa-gibin, Barookhle, Carmo iyo Timirshe ee gobolka Bari ayaa wajahaya nolol xumo ka dhalatay dalagyadii u beernaa iyo kuwo ay goosteen oo biyuhu kala tageen. Qoyska Yurub Cali Gurxan oo sagaal qof ah waxay la daalaa dhacayaan dhaqaale xumo uu daadku u horseeday.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in aysan waxba uga badbaadin dalagyo khudaar iyo raashin isugu jiray oo ay abuurtay bartamihii Janaayo. Waxay nolosha qoyskeedu ku tiirsanayd beer labo hektar ah oo sanadkii ay labo ama saddex mar goosan jireen.

“Wixii abuurku nooga soo socday way qaateen shaqaalihii biyaha ka duwi lahaana way carareen markii dagaalku dhacay.”

Yurub ayaa sheegtay in qare iyo batiiq ay mar labaad abuurtay uu cayayaan ka cunnay dhamaadkii May iyagoo curdun ah. Waxay tilmaamtay in meel kale uusan qoyskeeda dhaqaale ka soo galin.

Haweenadyaan ayaa sheegtay in ay maarayn la’dahay cunnada qoyska, waxbarashada carruurta iyo dhammaan baahiyadooda kale. Xaaladaan ayaa ku soo beegantay xilli ay deegaanka yimaadeen qoysas ka soo barakacay dagaallada Calmiskaad.

Dadkii horay u joogay ee daadka ku qasaaray iyo kuwa cusub ayaa isku si u wajahaya daruuf adag oo dhanka nolosha ah. Haweenaydaan ayaa sheegtay in habeenada qaar ay carruurtu ka seexan waayaan gaajo darteed, taas oo murug hor leh ku abuurta.

Yurub ayaa sheegtay in iyada iyo ninkeeda oo beerta ka wada shaqayn jiray ay baaga-muudo yihiin labadii bil ee u danbaysay. Waxay xustay in kaalmo kooban oo mar mar ay ka helaan dad ehelkooda ah oo Carmo jooga ay ku tiirsan yihiin, markii ay ka waayaana ay qadaan.

“Waxana gacan qabtayna ma leh baahidana Ilaahay ayaa bixin kara. Haween, waayeel, carruur iyo dad tabar daran ayaan meeshaan jooga. Waa la iska fadhiyaa xitaa dugsi quraan ma lahan wixiina qarash ayay u baahan yihiin.’’

Yurub ayaa sheegtay in xaaladaan oo kale aysan waligood horay ula kulmin in ka badan 10 sano oo ay beeraley ahayd. Waxay hadda la qabsan la’yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin.

Gudomiyaha iskaashada beeraleyda Dooxa-gibin Axmed Cali Daahir ayaa Raadiow Ergo u sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee labo bil ka hor deegaanka ka da’ay ay dhankasta oo nolosha ah ka saameeyeen 150 qoys oo beeeraley ah. Waxaa isuku biirsaday cunno xumo, hoy la’aan iyo in aysan wax kaalmo ah helin.

‘Isku saamayn ayaa nahay beeralayda, cayayaan ayaa nooga dhacay daawo ayaan u waynay. Wixii noo awoodi kara in ay naga caawiyaan qalab biyood iyo qalab daryeel.’’

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamul iyo hay’ado samafal midna uusan deegaankooda imaan. Wuxuu xusay in beeralaydaan oo u badan dad horay abaaraha ugu xoolo beelay aysan lahayn kayd dhaqaale oo ka caawin kara in ay xaaladaan ka soo kabsadaan.

Isbeddelka cimilada wuxuu keenay abaaro soo noqnoqda, roobab aan xilli lahayn, iyo kulayl daran oo dhaawaca wax-soosaarka, taas oo beeraleyda galisa duruufo adag oo ku qasabta in ay waayaan dalaggii ay ku tiirsanaayeen.

Saameyntani waxay yaraynaysaa wax-soosaarka cuntada, waxayna halis gelisaa nolosha iyo dhaqaalaha beeraleyda iyadoo kordhisa baahida taageero farsamo iyo mid dhaqaale si ay ula qabsadaan cimilada isbeddelaysa.

Previous Post

Bay: Qoysas nolol xumo ka soo kabanaya markii ay bilaabeen dhaqashada shinida

Next Post

Galgaduud: Dhaqaale xumo sababtay inay waxbarasho la’aan noqdaan arday danyar ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

April 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Kismaayo: Carruur geed hoostiis ku qaata waxbarasho bilaash ah oo laga hirgaliyay tuuladooda

Galgaduud: Dhaqaale xumo sababtay inay waxbarasho la’aan noqdaan arday danyar ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-APR-2026

IDAACADDA 10-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-APR-2026
April 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-APR-2026
April 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-APR-2026
April 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-APR-2026
April 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-APR-2026
April 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo