(ERGO) – Boqol iyo sideetan carruura oo ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ku nool tuulooyinka Laan-buur iyo Jeerinle oo hoostaga deegaanka Miirjiicley ee gobalka Galgaduud ayaa waxbarasho la’aan ah tan iyo bishii labaad ee sanadkan.
Arrintan ayaa timid markii iskuul ay bilaash ku dhiganayeen oo afar dhalinyaro oo deegaanka u dhalatay ay ku billaabeen $1350 oo jeebkooda ah uu u xirmay dhaqaale xumo.
Shukri Cali Xirsi waxaa daruus la’aan ka noqday lix carruura oo fasallada koobaad ilaa afraad ee dugsiga hoose dhiganayay. Waxay ku noqtayniyad jab.
‘’Iyadoo ilmaha midkasta magaciisa qori karo oo han uu leeyahay ayuu iskuulkii naga burburay, waxbarashadii markay naga xirantay meel kale waxaan u gayn waayay dhaqaale xumo, sidaas daraadeed ayaanan magaalo ugu guuri karin.’’
Shukri ayaa sheegtay in carruurteeda 2023 lagu caawiyay waxbarasho lacag la’aan ah oo rajo iyo yididiile u abuurtay. Geed tuulada looga waabay ayay casharada ku qaadan jireen, maaddaama dhisme iskuul aysan awoodin.
Haweenaydaan oo ku nool deegaanka Jeerinle oo Miirjiicley u jira 15 km ayaa sheegtay in waalidiintu isku dayeen inay iska aruuriyaan lacago ay waxbarashadu ugu sii socoto ilamahooda, balse ay ku guul daraysteen.
Waxay xustay in carruurteedu ay joogto ah u waydiiyaan in ay waxbarasho kale ku darto, iyaduna aysan awoodin.
‘’Waxay leeyihiin iskuulkii ma sidaan ayuu nooga joogsaday mise waa nalo soo celinayaa? Markii nalo bilaabay qof wax garanaya kuma jirin ilmahayga haddana xaraf celinaya ma jiro inyar ayayna ku jireen. Hadda buugtii way haystaan waxay leeyihiin Miirjiicley ayaan u lugaynayanaa xanuunka ay waxbarasho la’aantu ku hayso.’’
Shukri ayaa sheegtay in xaaladaan ay u dheer tahay cunno xumo ay qoyskeedu wajahayaan. 150 ari ah oo ay ku tiirsanayeen ayay jiilaalkii ugu danbeeyay ku waayeen boqol ka mid ah, konton neef oo u hartay ayay xustay inay qabaan cudur ay sambab uga shakisan tahay oo ku sababay inaysan nacfi fiican yeelan.
Waxay ka welwelaysaa sidii ay ku heli lahayd cunno maalmeedka qoyskeeda oo 8 qof ka kooban. Waxay sheegtay in 24 saac hal ay mar dabka saartaan raashin min 15 kiilo oo sonkor, bariis, bur iyo shan liitar oo saliid ah oo bilowgii bishaan ay deyn uga soo qaadatay dukaan ku yaalla Miirjiicley, kaas oo hadda sii dhamaanaya.
Labo neef oo uga irmaan ariga u jooga ayay sheegtay inaysan iidaan ugu filnayn. Tuulada ayay xustay inay ka raadisay shaqooyinka xoogsiga ah, balse ay ka waaysay. Shukri ayaa tilmaamtay inaysan jirin meel kale oo qoyskeeda uu dhaqaale ka soo galo.
Shukri ayaa sheegtay inay culays kala kulmayso lacag $2,000 oo sannad in ka badan lagu lahaa. Waxay ku gashay raashin iyo biyo ay reerka u qaaday dhowr mar. Iyada iyo ninkeeda oo ah waayeel aan
shaqooyin xoogsi ah qaban karin midkoodna malahan xirfad ay ku shaqaystaan, taas oo xaaladooda sii adkaysay.
Waalidiinta awoodi la’ inay ilmahooda waxbarashada dib ugu celiyaan waxaa ka mid ah Axmed Cismaan Maxamed oo toddobo carruura ay daruus la’aan ka yihiin muddo shan bil ah.
Ninkaan ayaa tilmaamay in uu rajo fiican ka qabay inay heer wanaagsan ka gaari doonaan iskuulka, balse ay waxkasta isbadaleen, markii uu xirmay halkii iskuul ee deegaanka ka jiray. Wuxuu sheegay in ay ahayd markii ugu horaysay oo ilmihisu fursad waxbarasho helaan, taas oo hami wanaagsan u abuurtay, maaddaama aysan isaga iyo xaaskiisu horay wax u baran.
‘’Waa garan kartaa aabbe ilmihii guriga u joogaan oo aysan waxbaranayn saamaynta ay ku yeelanayso, qof ilmihii ay waxbarasho la’aan ka yihiin intii uu welweli jiraan welwelayaa. Waxkastaa ka suurtooba, maaddaama aysan waxbaran, waxaan ka dareemay hoos u dhac anna waxaan dhahaa waa soo laabanaysaa ee iska suga.’’
Axmed ayaa sheegay in saddex carruurtiisa ah ay sanadkaan u gudbi lahaayeen dugsiga dhexe, balse duruufaha dhaqaale ee haysta ay ka hor istaageen. Ninkaan ayaa xusay in uu maarayn la’yahay nolosha kale ee reerkiisa oo 15 qof ah.
Konton ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen ayuu xusay in 38 ka mid ah ay sanadkii hore kaga dhinteen daaq xumo, biyo yari iyo cudurro isku raacay. 12 neef oo u haray ayuu tilmaamay in ay yihiin kuwo yar yar oo aan nacfi lahayn. Waxay hal mar dabka saartaan raashin kooban oo deyn iyo shaxaad uu ku soo helo.
Qoyska ninkaan waxaa intaas u dheer dhibaato ay ku qabaan helitaanka biyaha. Wuxuu garabkiisa uga soo qaadaa ceel u jira 8 km oo qof ay qaraabo yihiin uu leeyahay, kaas oo maalinkii siiya 20 ilaa 25 liitar. Xaaskiisa oo 10 cisho ka hor umushay ayuu sheegay in ay xaaladaan xamili la’dahay.
Axmed ayaa xusay in uu waydiin joogto ah kala kulmo dad ku leh deyn $800 ah, taas oo uusan hayn qaabkii uu ku bixin lahaa. Ninkaan oo waligiis miyiga ku noolaa ayaa sheegay in uusan lahayn xirfad uu magaalada uga shaqaysto xoolihiina ay dhaafeen.
Suldaan Maxamed Cabdullahi oo hogaaminayay dhalinyaradii hirgalisay dugsiyada xirmay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay bixin waayaan $112 oo bil kasta uga bixi jirtay agabka waxbarashada iyo gaari raaca macalimiinta deegaannada Laan-buur iyo Jeerinle.
Wuxuu xusay in waalidiinta carruurtaan oo danyar ah ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashkaas, tii ay iyagu iska aruuriyeena ay ka dhamaatay.
Suldaan ayaa sheegay in 70 ka mid ah carruurta iskuulku ka xirmay ay sanadkaan ka gudbi lahayeen dugsiga hoose. Wuxuu xusay in iyaga iyo waalidiintooduba ay ku niyad jabeen waxbarashada joogsatay xalna aysan u hayn.
Ninkaan ayaa tilmaamay in ujeedkii ay iskuulladaan u hirgaliyeen uu ahaa in carruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ay heleen aqoon la mid ah kuwa ladan, taas oo hadda meesha ka baxday. Dhanka kale wuxuu walaac ka muujiyay in 120 arday oo wax ku baranaya deeganka Laan-caleen ay qarka u saran yihiin in uu ka xirmo iskuulku, maaddaama dhaqaale xumadu ay saamaysay.
Deegaankaan oo Miirjiicley u dhow ayuu xusay in macalimiintu ay lug ku tagi karaaan, balse agabkii wax lagu baranayay uu dhamaaday, dhisme iskuul uusan ka jirin ayna adag tahay in bannaanka ay carruurtu wax ku sii barato.
Qoysaska xoola dhaqatada ah ayaan inta badan carruurtoodu waxbarasho u helin, maaddaama aysan deegaannadooda ka jirin iskuullo sidoo kalena qaarkood dhaqaale xumadu ka hor istaagtay in ay geeyaan meelo kale.










